Marka laga soo tago Trump, yay ahaayeen Madaxwaynayaashii ku guul darreystay in mar labaad la doorto, (WARBIXIN).

Date:

Tan iyo waagii John Adams uu ka talinaayay Mareykanka (1797 – 1801), toban madaxwayne ayaa ku guul darraystay inay xilligoodi labaad soo laabtaan kuwaas uu ugu danbeeyay madaxwaynaha hadda xilka haaya ee Donald Trump oo guul darro kala kulmay musharraxa dimuquraadiga ee Joe Biden.

Dastuurka Mareykanka wuxuu dhigayaa in madaxwaynuhu xaq u leeyahay inuu xafiiska sii joogo ugu badnaan laba xilli oo midba tahay 4 sano.

Madaxwaynayaashii tartamay laakiin ku guuldareystay inay qabtaan xilka madaxtinimada markii labaad, waxaa ka mid ahaa:

Gerald Ford:-
Ford wuxuu ku guul darreystay in dib loogu doorto madaxwaynaha Mareykanka sanadii 1976, isagoo xilka qabtay kadib iscasilaadii Richard Nixon, Ford oo Jamhuuri ahaa wuxuu guul darro kala kulmay Jimmy Carter doorashadii dhacday 1976.

Jimmy Carter:-
Carter wuxuu madaxwayne ka soo noqday Mareykanka 1977 ilaa 1981, laakiin waxaa isna ka badiyay 1980 Ronald Reagan.

Guul darradii Carter waxay abuuraty casbi badan kadib markii laba madaxwayne oo isku xiga ay ku guul darraysteen inay soo laabtaan mar labaad.

George Bush-kii aabaha ahaa:-
Bush-ki aabaha ahaa wuxuu ahaa madaxwaynihii 41-aad ee Maraykanka soo mara, wuxuuna ka mid ahaa madaxwaynayaalkii ku fashilmay inay mar labaad difaacdaan inay sii joogaan Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo.

Bill Clinton oo ahaa dimuquraadi ayaa kaga guuleystay Bush doorashadii dhacday 1992.
Bush wuxuu agaasime ka soo noqday CIA intii u dhaxeysay 1976 iyo 1980, wuxuuna madaxwayne ku xigeen u noqday Reagan intii u dhaxeysay 1981 iyo 1989, isagoo ugu danabayn noqday madaxwaynaha Mareykanka.

Herbert Hoover: Wuxuu hayay madaxtinimada Mareykanka intii u dhaxeysay 1929 iyo 1933.

William Howard: wuxuu qabtay jagadaan intii u dhaxeysay 1909 iyo 1913.
Benjamin Harrison: Wuxuu madax ka ahaa dalka Maraykanka intii u dhaxeysay 1889 iyo 1893.

Martin Van Buren: Wuxuu xukumaayay Mareykanka intii u dhaxeysay 1837 iyo 1841.
John Quincy Adams, waxaa dhalay Madaxweynihii labaad ee Mareykanka John Adams, wuxuuna xafiiska qabtay intii u dhaxeysay 1825 iyo 1829.

John Adams: Wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee ku guul darreysta inuu dib ugu soo laabto xilka madaxwayne ee Mareykanka, isagoo xilka haayay intii u dhaxeysay 1797 iyo 1801.

Donald Trump oo ah madaxwaynaha hadda xilka haaya ayaa guul darro kala kulmay siyaasiga gaamuray ee Dimuquraadiga Joe Biden doorashaddii dhacday billaawga bishaan, wuxuuna ku biiray liiska madaxwaynayaashii ku guul darraystay inay mar labaad soo noqdaan.

Waxaa Turjumay:-   Axmed Maxamed Axmed ( Axmed Caato)

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...