Home Blog Page 835

Ra’iisul Wasaare Rooble “waxaan soo dhisi doonaa Xukuumad Tayo leh.

0

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukumadda tayo leh  oo awood uleh dar dar gelinta howlaha hortabinta leh ee horyaala dowladda .

“Waxaan soo dhisi doonaan xukumadda tayo leh oo ka shaqeyn doonto howlaha hortabinta leh ee hortaayala xukumadda si aan ugaarno howlaha waa weyn oo ayn inanga sugayaan shacabka Soomaaliyeed .

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen rooble ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah.

Hadalkaan ayuu Ra’isul wasaare Roobke ka sheegay munaasabad uu maanta xilka kula wareegay.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Dugsi sare oo ay yeelaneyso Gubadleey+sawirro.

0

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magalada muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxmed (Cumar filish) iyo sii hayaha wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan  Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta deegaanka gudadleey ka dhagax dhigay dugsiga saree e gubadleey kaasi oo ay wax ku baran doonaan caruurta deegaan.

Munaasabad dhagax dhiga waxaa sido kale ka qeyb-galay ku xigeenada gobolka banaadir sida ku xigeenka maamulka iyo maaliyaqdda iyo ku xigeenka howlaha guud ee gobolka .

Maamulka deegaanka iyo qeybaha bulshada ayaa masuuliyiinta kusoo dhaweeyay waxaana ay ka hadleen baahida ay uqabaan bulshada xarun dugsi sare maadaama deegaanka haatan laga dareemo isbedel isla markaana ay ku adagtahay in magaalada muqdisho ay  usoo aadaan.

Sidoo kale waxaa goob ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caassimada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo la hadlayay bulshada deegaanka ayaa ku bogaadiyay inay sii wadaan ololaha isxilqaanka leh oo ay ku dhisanayaan xarumaha danta guud ee bulshada loogu adeego.

Maamulka deegaanka Gubadleey ayaa hore ololaha isxilqaan ugu dhisay Saldhiga Booliska ,Dusgiga Hoose iyo dhexe, iyo sidoo kale xarunta maamulka oo ka kooban garoonka ciyaaha,xarun iskuul,qeybaha xafiisyada maamulka iyo sidoo kale qeybo kale xarunta Cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee deegaanka.

ugu dambeyntii dhismaha iskuulka gubadleey ee maanta la dhagax dhigay waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Banadir iyo wasaaradda waxbarashada dowladd Soomaaliya

 

 

Ra’iisul wasaare Rooble oo si rasmi ah xilkiisa ula wareegay+Sawirro.

0

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda F. Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay munaasabad ka qabsoontay Xafiiska R/Wasaaraha, kadib markii 23-kii bishan ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sii hayihii xilka Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay soo qabteen golihii wasiirada, isagoo u rajeeyey R/wasaaraha cusub in rabbi ku guuleeyo masuuliyadda adag ee u adeeggidda shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

“Horumarro badan ayaa laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, sugidda amniga, caddaaladda , waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, dib-u-heshiisiinta, dib-u-eegista dastuurka, hagaajinta nidaamka diiwaangelinta shaqaalaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku ammaanay Ku-simihii Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha Golaha Wasiirada ee xilka sii haya, hawlihii adkaa, ee ay soo qabteen muddadii saddexda sano iyo barka ahayd ee la soo dhaafay. Isagoo uga mahadceliyey Golaha Shacabka kalsoonidii ay siiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyey arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Xukuumaddiisa oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada.

Sidoo kale, R/Wasaaraha ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah”.

Facebook

Madaxweyne Trump oo garsooraha Maxkamadda sare u soo xulay Amy Coney Barret.

0

Madaxwaynaha Mareykankanka Donald Trump ayaa u soo xulay Amy Coney Barrett, in ay noqoto garsooraha Maxkamadda ugu sareysa Mareykanka.

Madaxwayna Trump oo hadal jeedinayey iyada oo ay garab taagantahay Amy Coney Barrett ayaa waxaa uu ku tilmaamay haweeney guulo waawayn gaartay
Amy Coney Barrett oo hadal kooban jeedisay ayaa Madaxwaynaha uga mahadcelisay soo xulidda inay noqoto garsooraha Maxkamda ugu sarreysa Mareykanka.

Dhinaca kale xubnaha Xisbiga dimuqraadiga ayaa waxay si wayn uga soo horjeedsadeen soo xulidda garsooraha Maxkamada ugu sarreysa Mareykanka loo soo xulay Mrs Barrett.
Musharaxa Madaxwaynanimada ee xisbiag dimuqraadiga Joe Biden ayaa ugu baaqay aqalka Sanet-ka in aysan u codeyn soo xulidda Mrs Barrett ilaa ay ka dhaceyso doorashada Madaxwaynanimadaa ee bisha November.

“Haddii ay aqalka sanet-ka ay ansixiyaan ayaa waxay garsoore Barrett badali doontaa Ruth Bader oo dhawaan geeriyootay iyada oo ay da’deeda ahayd 87 sano jir.
Soo xulidda uu Maadaxwayne Trump u soo xulay haweeneydan ayaa waxay aqalka Sanet-ka ka dhex dhalin doontaa dood xooggan xilli doorashada Madaxwaynanimada Mareykanka ay dhacayso bisha November ay foodda inagu soo hayso.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay dood-cilmiyeed ku saabsan doorashooyinka dalka.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka.

Madaxweynaha ayaa si mugleh uga warbixiyey muhiimadda ay dalka u leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada dalka iyo mataleyaashooda Baarlamaanka, maadaama doorasho qof iyo cod ah ay xal u tahay ka hortagga faragelinta shisheeye, musuqmaasuqa iyo xasillooni darrada siyaasadeed.

“Isu-tanaasulku waa arrin xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si bilowga sanadkan aan ugu guuleysanno soo xulista Xubnaha Baarlamaanka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay weydiimaha qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa Dood-cilmiyeedkan, su’aalahaas oo ay ka mid ahayd wakhtiga qabsoomidda doorashada, doorka dhallinyarada ee isbeddelka siyaasadeed ee sanadka 2021-ka, sababaha ay u qabsoomi weyday doorashada qof iyo cod ah, guulaha iyo caqabadaha dib u heshiisiinta.

“Tan iyo markii aan xilka imid waxaan awood siinnay dhallinyarada, iyagoo qeyb ka ah hoggaanka iyo talada dalka. 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir ee aan ka codsaday Golaha Shacabka oo ay aqbaleen, haatan waxa ay horyaallaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, maadaama ay ka soo gudubtay hannaanka siyaasadeed oo lagu heshiiyey oo ay dhiman tahay in la waafajiyo sharciga.”

Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayey weydiimo la xiriira dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada ay ku dhibaateeyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in muddadiii uu hayey xilka Madaxtinimada dalka la wiiqay awooddii argagixisada Alshabaab, iyada oo dib u dhis xooggan lagu sameeyey Ciidamada Qalabka Sida, lana xoreeyey deegaanno badan oo argagixisadu ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarrada ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

               

Ethiopia oo sheegtay in Wabiga Nile aysan u dhibaateyneynin dariskeeda.

0

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Qaramada Midoobe u sheegay in dhismaha biyo xireenka weyn ee Wabiga Nile uusan u jeedku aheyn in lagu dhibaateeyo dalalka Sudaan iyo Masar xilli muranka arrintaas ka dhashay uu sababay khilaaf xooggan oo saddexdaas dal u dhexeeya.

Hadalkan ayuu Ra’iisul wasaaraha jimcihii u sheegay xubnaha Qaramada Midoobe ee 193 dal xilli uu khubad muuqaal ah oo la soo duubay ka jeediyay kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe oo sanadkan cudurka COVID-19 dartiis loo baajiyay imaanshaha xarunta ururka.

Ethiopia, Masar iyo Suudaan ayaa ku guul dareystay in ay heshiis ka gaaraan muranka ka dhashay biyo xireenka oo Adis Ababa ay bilowday buuxintiisa bishii Luulyo ee sanadkan.
“Waxaan rabnaa in aan si cad u sheegno in aanan rabin waxyeeleynta dalalkan,” ayuu yiri Abiy.

Waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu xaliyo walaaca dalalkan ay ka qabaan buuxinta biyo xireenka isagoo rajo ka muujiyay wada xaajoodka ay garweynka ka yihiin Midowga Afrika.

Masar ayaa in ka badan 90% waxay ku tiirsan tahay biyaha Wabiga Nile, waxayna cabsi ka qabaan in biyo xireenka Ethiopia uu wax u dhimi doono qul qulka biyaha isla markaana taasi saameyso dhaqaalaha wadanka.“Waxaa aan sameyno waa koronto aas aasi ah oo ka imaanayso mid kamid ah ilaha u nadiifsan tamarta. In ka badan 65 milyan oo qof koronto la’aan kuma fiirsan karno in ay mugdi ku jiraan,” ayuu yiri.

Tallaadadii, Madaxweynaha Masar Cabdifitaax al-Sisi oo khudbad u jeediyay Qaramada Midoobe ayaa walaac ka muujiyay mashruuca Ethiopia ka waddo wabiga Nile.
“Wabiga Nile ma ahan in dal keligiis sida uu doono ka yeelo. Masar biyaha wabiga Nile waxay u yihiin arrin soo jireen u ah. Tani micinaheedu ma ahan in aan waxyeeleyo xaqqa ay u leeyihiin dalalka walaalaha aan nahay ee laga wadaaga wabiga,” sidaa waxaa sheegay Madaxweynaha Masar.

Waxaa uu sidoo kale, sheegay in uusan aqbalaynin in wada xaajoodka uu waligii iska socda oo uusan tarjumin xaqiiqada dhulka taalla.

Pakistan oo India ku eedeysay faafinta Islam naceybka.

0

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Cimran Khan ayaa ku tilmaamay India in ay tahay dal maalgelinaya Islaam naceybka, taas oo abuuraysa kala fogaansho, waxaa uu si weyn u cambaareeyey sida India ula dhaqanto gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmir qaybta ay India maamusho.

Waxa uu hadalkan ka sheegay kulanka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe oo sanadkan lagu qabtay Online-ka, isu imaatinkiina loo baajiyey COVID-19 awgiis, isagoo xusay in India maanta khatar ku heyso nolasha ku dhowaad 200 oo milyan oo Muslim ah.

“Maanta waxaa jira waddan oo aan ka xumahay in aan ku iraahdo wuxuu maalgeliyaa Islaam naceybka waana India. Sababtana waxaa ay tahay dalkaas waxaa maamula koox aamisan fekrad khaldan, waana nasiib darro in maanta India u taliyaan kuwaas, Waxay aaminsan yihiin in India Hinduugu leeyihiin inta ka soo hartayna yihiin muwaadiniin ayaga aan la mid aheyn ayuu yiri Khan.

Ra’iisul wasaare Khan ayaa had iyo jeer waxaa uu dhaleeceeyaa go’aanka Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi August sanadkii hore ka qaatay gobollada Jammu iyo Kashmir oo la hoos geeyay dowladda dhexe ee India isla markaana dastuurka dalka laga saaray qodobka sheegaya is maamul hoosaadka gobolladaas.

Labadan dal ee dariska ah isla markaana ku hubeysan Nuclear ayaa midba kan kale ku eedeeyaa in uu mas’uul ka yahay dhibaatada ka taagan gobolka Kashmir. India waxay Pakistan ku eedeysaa in ay tababarto isla markaana hubeyso kooxaha ka soo horjeeda xukunka New Dehli, halka Pakistan ku eedeyso India in ay mas’uul ka tahay xuquuq la’aanta malaayiinta ku nool gobolkaas.

Guddi gaar ah oo Qaramada Midoobe u saartay arrinta Kashmir ayaa dowladda India ugu baaqay in ay qaado talaabo deg deg ah.
Ra’iisul wasaare Khaan ayaa sidoo kale, khudbadiisa sanadkii hore uu u jeediyay QM waxaa uu ku soo qaatay dhibaatada lagu hayo muslimiinta dunida, isagoo sheegay in dalal badan xadgudub kula kacaan Muslimiinta.

Wasaaradda Amniga Galmudug oo ka digtay dhul boob kajira Hobyo.

0

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa uga digay shacabka ku nool magaalada Hobyo ee gobolka Mudug dhul boob uu sheegay in lagu wado dhulka danta guud ee Hobyo.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dhawaan ay billbaabi doonaan howlgallo looga hortegayo dadka ku kacaya dhul boobka, tallaabo sharciga waafaqsana laga qaadi doono ciddii lagu qabto falkaas.

 

Bulshada reer Hobyo oo dib dhisaya xarumaha danta Guud.

0

Maamulka iyo bulshada magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa wada dadaallo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyagoo dib u dhis Is-xilqaan ah ku sameeyay masjidka Jaamaca Hoybo oo dhisnaa muddo 107-sano ah.

Maxamed Axmed Sahal oo kamid ah odayaasha dagmada Hobyo xilligii dowladdii dhexena soo noqday guddoomiyaha dagmadaas ayaa warbaahinta Qaranka uga sheekeeyay taariikhda masjidka isagoo tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in dib loo dhiso muddo kaddib.

Xoghayaha maamulka dagmada Hobyo Macalin Mursal Maxamuud Aadan ayaa bulshada Hobyo uga mahadceliyay sida ay diyaar ugu yihiin in Is-xilqaan lagu dhiso goobaha danta guud.

Puntland iyo Koonfur-galbeed oo heshiis ku gaaray Baydhabo+saawirro.

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Hadal-jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulshada iyo dowlad dhiska, Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowlad iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.