Home Blog Page 829

Wasaaradda Gaadiidka oo dhawaan soo celin doonto xeerkii Waddo marista gaadiidka.

0

Wasaaradda Gadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la soo celin doono xeerkii gadiidka ee waddo marista,

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegtay in la dhameystiray xeerkii waddo marista, kaasi oo horey Gadiidka ay u isticmaali jireen, loona wado dhinaca bidixda ah.

“Isteerinka bidixda ayaa loogu talagalay, marka albaabka la furo qofka waxa uu ka degayaa dhanka marshabiyeediga, meesha ay dadku ku socdaan jidka dhexdiisa ma lagu dejinayo, waana midda saxda ah, tan iyo markii uu burburka dalku dhacay waxaa is badalay gaadiidka dalka la keeno oo isugu jira kuwa isteerin midig iyo isteerin bidix,  sharci ayaana ka soo saarnay oo ku soo baxay faafinta rasmiga ah, waxaa dhiman oo kaliya in la dhaqan geliyo” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in xeerkan uu wax badan ka badali doono hannaanka hadda ay gaadiidka u shaqeeyaan, isla makaana sharciga uu u ogolaan doono gaadiidka isteerin bidixda ah inay dalka ka howlgalaan, si loo ilaaliyo xeerka waddo marista gaadiidka.

Dib u soo celinta sharciga waddo marista gaadiidka ayaa meesha ka saari doonto in la adeegsado gaadiidka isteerin midigta ah, kuwaasi oo marka laga degayo ay halis ku tahay dadka gaadiidka ka degaya, iyadoo sharcigan uu yahay mid horey u jiray inta aysan bur burin dowladdii dhexe ee dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dar-dargelineysa dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dar dargelineysa dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Wasiirka arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in ay ka go’antahay dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay u dhanyihiin dhammaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug ayna diyaariyeen qorshayaashii lagu dhameystiri lahaa arrintan.

Wasiirka ayaa xusay in heshiiska lala galay Ahlusunna Waljamaca uu qeyb weyn ka qaadan doono dhameystirka dhismaha Galmudug, ayna sugayaan in beelaha ay soo dadajiyaan hannnaanka loo wajahayo dhismaha maamulka.

“In Hanaankan maamul dhisidda Galmudug uu horey u dhaqaaqo mar hore ayay ahayd, balse howshan ayaa ku soo korortay oo ay ahayd in meel la saaro, mid, laga bilaabo maanta waxaan sii dar dargelineyaa dhismaha maamulka, qorshaha maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku xirnaan doonaan sida beelaha ay ku soo fududeeyaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa khamiistii ku guuleysatay inay heshiis la gasho culimada Ahlusunna Waljamaaca, kaasi oo ay soo dhaweeyeen Madaxda dowladda, qeybaha bulshada iyo beesha caalamka intuba.

Maamulka Mahaddaay oo codsaday gurmad deg-deg ah.

0

Maamulka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay cudurro ka dhasheen fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara tuulooyimka Hoosyimaada Degmadaas oo kal hore ku soo butaacay xaafado ka mid ah magaalada.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahaddaay Mudane Saalax Fuleel Xaaji oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in xaalado nafaqi darro ah ay ka jirto magaalada, isagoo intaa ku daray in weli xaafado ka mid ah magaalada ay biyo fadhiisad noqdeen.

“Degmada xaaladeeda hadaan kaaga sheekeeyo, runtii biyaha weli waxa ay ku dhex jiraan xaafadaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada, cuduro kala duwan ayaana ka dhashay oo ay ugu horeyso Nafaqi darro iyo Malaria, mana jirto wax gumad ah oo naga soo gaaray dowladdda Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Federaalka.” Ayuu yiri Saalax.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahaddaay ayaa sheegay in Webiga Shabeelle uu ku fatahay magaalada iyo tuulooyin kale oo hoostaga Degmada Mahadaay, iyadoo dadku aysan heysan Hooy iyo adeegyada kale ee aas aaasiga u ah nolosha beni’aadamka.

Saalax Fuleel Xaaji ayaa hay’adaha samafalka, Madaxda Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ka codsaday inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan magaalada Mahaddaay iyo deegaannada kale ee hoostaga.

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Baarlamaanka warbixin u gudbin doona.

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulankooda warbixin uga dhageystaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay mudanaayasha sii amba qaadaan ka doodista akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Ajandaha kulanka oo ah warbixinta Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa mudanaasha dhageysiga kaddib waxa ay sii wadi doonaan dooddii la xariirtay sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay Xildhibaannadu marinayaan akhrinta labaad.

Sharciga Doorashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay ka dhiibteen aragtidooda ku aaddan wax ka baddalka sharciga, waxaana dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaannada ka dalbaday inay meel ku qortaan fikirkii ku soo dhaca inta ay dooddu socoto, si ay ugu gudbiyaan guddiga arrintan Baarlamaanka u qaabilsan kahor inta aan la marsiinin akhrinta 3-aad.

“Xildhibaannada waxaan ka codsaneynaa in wixii fikir ah ee ku soo dhaca inta lagu guda jiro akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Doorashooyinka Qaranka inay soo qortaan oo ay u gudbiyaan guddiga, ka hor inta aan loo gudbin akhrinta saddexaad” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo Dalka Qatar ugu qeyb galaya shirka Madasha Doxa

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u dhoofay Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar, halkaas oo Sanadkii Saddexaad uu uga qeyb galayo shirka madasha Dooxa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay Dalka Qatar.

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah Dowladaha caalamka iyo hay’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa madasha Dooxa ka qeyb galay sanadihii 2018 iy0 2017.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Shirka Wakaaladda Wararka Islaamka oo lagu soo geba-gabeeyay Sacuudiga

0

Shirkii Isutagga Wakaaladda Wararka Wadamada Islaamka ee UNA ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Magaaladda Jeddah ee Caasimaddda Dalka Sacuudi Carabiya.

Shirka oo Laba Maalmood ka socday Jeddah ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin, fulinta iyo meel marinta siyaasadda Istiraatiijiyadda Wakaaladda Wakaaladda Wararka Wadamada Islaamka ee UNA.

Xoojinta Iskaashiga dhinacyada Khibradaha, ballaarinta shaqaalaha, adeegsiga Teknolojiyadda casriga ah iyo tayaynta wararka Wakaaladda, si looga hortago wararka been-abuurka ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-caddaala) iyo Agaasimaha Wakaaladda SONNA, Cali C/qaadir Cali, oo Soomaaliya ugu qeyb-galay shirkaasi ayaa soo dhoweeyay qodobbadii kasoo baxay.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka oo kala dhexgalay beelo ku dagaalamay gobolka Mudug

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Waxgaradka gobolka Mudug oo ku hawlan daminta xiisado colaadeed oo kasoo cusboonaaday Miyiga gobolka Mudug ayaa sheegay in ay  ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan maleeshiyo beeleedka.

Taliyaha Ciidamada Dhulka  S/guuto C/xamiid Maxamed (Dirir) iyo Saraakiisha la socota ayaa kulamo looga arinsanayo sidii loo  joojin lahaa  colaada waxay la qateen Waxgaradka, waxayna ku guuleeysteen in ay kala qaboojiyaan beelahaas dagaalamay,iyaga oo sheegay in ay soo gaba gabeeyn doonaan colaada u dhexeysa beelaha inta ay joogaan gobolka Mudug

Maalmo ka hor ayay ahayd markii maleeshiyo beeleedyo ay ku dagaalameen deegaano hoostaga deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug,waxaana ka dhashay dagaaladaasi Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo  soo kala gaaray maleeshiyaadkii Xoola dhaqatada ahaa ee halkaas ku dagaalamay.

  

Madaxweynaha Zambia oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Soomaaliya u qaabilsan Zambia

0

Madaweynaha dalka Zambia ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalkaas, Marwa Xaawo Xasan Maxamed.

Safiiradda ayaa ugu horreyn dhambaal iyo Salaam ay ka sidday Madaxweynaha Soomaaliya gaarsiisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zambia.

Sidoo kale wax ay xusuusisay Madaxweynaha dalkaas Safiirka xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iyadoo la xusuusto in muddo Qarni ku dhow ka hor ay dad Soomaaliyeed u shaqo tageen dalkaas Zambia, taasina ay muujineyso walaalnimada iyo saaxiibtinimada ka dhexeya labada waddan.

Safirika Soomaaliya ee Zambia Xaawo Xasan Maxamed ayaa uga  mahadnaqey sida sharafta leh oo ey u soo dhaweeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Zambia.

    

Agaasimaha Madaxtooyada oo wada hadallo la yeeshay Danjiraha Jaamacadda Carabta iyo Madaxa IOM ee Afrika

0

Agaasimaha Madaxtooyadda Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya  Danjire Xamuud Samraan Al-xuweydi ayaa ka guddoomay dhambaal ku wajahan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo uu soo diray Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Alqeyd.

Danjire Xamuud ayaa bogaadiyey qorsheyaasha horumarineed iyo xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta dalka, isagoo tilmaamay in dib u kabashada Soomaaliya iyo xoojinta dowladnimadeena ay ka mid tahay qorsheyaasha udub dhexaadka u ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Agaasime Fuursade ayaa la wadaagay Danjiraha Jaamacadda Carabta go’aammada iyo qorsheyaasha heer Qaran ee taariikhiga ah ee ku saleysan sidii Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen bahwadaagtooda Jaamacadda Carabta.

Dhanka kale, Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kulan la qaatay Agaasime Goboleedka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) Mudane Mohamed Abdiker, waxa uuna kala hadlay hirgelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo nolasha dhallinyaradii Soomaaliyeed ee Dowladdu ay ka soo deysay xabsiyada shisheeye.

Madaxtooyada iyo IOM ayaa isla qaatay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo tayeynta Hay’adaha Soomaaliyeed ee shaqo-wadaagta la ah Hay’adda Socdaalka Adduunka, si looga hortago tahriibta iyo ka ganacsiga dadka.

              

Wasiirka Maaliyadda iyo James Swan oo ka hadlay habeynta iyo hormarka Maaliyadda Dalka

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane ; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan laqaatay Wakiilka Qamada Midoobe ee Soomaaliya Ambassador James Swan.

Wasiir Beyle iyo Ambassador James Swan, ayaa kawada hadlay dib u habeynta iyo hormurka maaliyadda Dalka, iyadoo la adeegsanayo hanaanka SMP4.

“Kulan muhiim ah ayaan Maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula yeeshay wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James Christopher Swan oo aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta iyo horumarka maaliyadda Dalka iyadoo la adeegsanayo hanaanka SMP4 .”

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay wada shaqaynta iyo taageerada joogtada ah ee ay hay’adaha Qaramada midoobay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.