Dowlada Itoobiya ayaa ka hadashay Weeraro Hoobiyaal ah oo lagu qaaday Garoomo Diyaaradeed.

Date:

Dowlada itoobiya ayaa sheegtay in weerar hoobiye yaal ah lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Bahir Dar iyo Gondar ismaamulka Amxaarada itoobiya .

Madaafiicda ayeey dowladu sheegtay in ay ku dhaceen dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan ee garoomada halkaas oo qasaare ay u geysteen.

Ma jirto cid wax ku noqotay weerarkaasi oo ay dowladu ku eedeysay kooxda TPLF oo ay sheegtay in ay ku jirto rafashadii ugu danbeysay.

Garoonka magaalada Bahir Dar ee loo yaqaan Ginbot 20 waxaa magaalada uu dhanka galbeed kaga beegan yahay 8KM.

Garoonka Gondar ayaa isna magaalada 18Km kaga beegan dhanka koonfureed.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo iyo wax u muuqday rasaas la is dhaafsanayo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...