Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Adeegyada Baaritaanka Beeraha+(SAWIRRO).

Date:

Akhrinta Seddaxaad ee Hindise Sharciyeedka Adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed ayuu ahaa Ajendaha kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka ee maanta oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo xubin ka ah guddiga Beeraha, Waraabka, Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Golaha Shacabka uu Goluhu u faah faahiyay Qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay iyo meelaha siiqo ahaan loo saxay ee Hindise sharciyeedkan.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa aad ugu kala aragti duwanaa Qodobada qaar ee Hindise sharciyeedkan, waxaana qodobada aadka looga dooday ka mid ah dhismaha Hay’adda Adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed iyo sidoo kale doorka Wasaaradda ee Hay’addan.

Dood dheer kaddib Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod geliyay Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 139-Xildhibaan, saddax Xildhibaan ayaa diiday halka hal Xildhibaan uu ka aamusay,sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir Guddoominayay.

Xildhibaan  Aadan Ibraahim Dhaayow oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Beeraha,Waraabka, Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Golaha Shacabka iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa Xildhibaannada Golaha uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedkan.

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay xubnaha Adeegga Garsoorka, Xubnaha Guddiga la Dagaallanka Musuq Maasuqa, Hindise Sharciyeedka Booliiska Federaalka, Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Hay’adda Dhiiragelinta Maalgashiga Soomaaliyeed, Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka ilaalinta Xuquuqda Maalgashiga iyo Maalgashadaha iyo Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Hay’addaha aan dowliga aheyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...