Home Blog Page 830

Ciidanka Xoogga iyo AMISOM oo xoojinaya howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

0

Talisyada Howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay kor u qaadista isku dubaridka howlgallada milatari ee wadajirka ah si looga hortago qatarta ka imaaneysa argagixisada Al-Shabaab.

Wakiilka Midoowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira Taliyaha ciidamada AMISOM Janaraal Diomede Ndegeya,Taliya Ciidanka Dhulka Xoogga dalka, Cabaas Amiin Cali, iyo saraakiisha labada dhinac ayaa isku raacay muhiimad ahaan in la dhiso unug isku duba rida howlgallada looga horjeedo nabad-diidka.

Degmada Shibis oo yeelaneysa Maxkamad u adeegta bulshada+sawirro

0

Degmada Shibis ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka Gobolka Banaadir, mana laheyn maxkamad shacabka ku nool ay u cadaalad raadsadaan, dacwooyinkooda waxay geyn jireen Degmada Shangaani oo daris la ah Shibis..

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Dr Maxamed Axmed Cusmaan Baari ayaa booqday maanta xarunta degmada Shibis, isaga oo ka jawaabaya baahiyaha dadka deegaankaasi ay qabaan.

Waxgaradka haweenka degmada oo kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in culeysyo badan uu ka heystay helida adeega garsoorka dalka oo ay ku qaadan jirtay degmooyinka baxsan xaafadooda.

Cali Axmed Cabdulle Guddoomiyaha Degmada Shibis ayaa sheegay in qorshooyinka Maamulkiisa uu ka mid yahay daboolidda baahiyaha dadka deegaanka ee dhanka Garsoorka.

”Waxaan diyaar u nahay ka maamul ahaan in aan ka shaqeyno adeegyada aad u baahan tihiin gaar ahaan garsoorka loo baahan yahay.” Ayuu yiri Guddoomiye Cali Axmed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir Dr Maxamed Axmed Cusmaan Baari ayaa sheegay in balaarinta adeegga garsoorka Gobolka uu yahay tiirarka shaqadiisa, si dhaqsi ahna uu uga jawaabayo cabashada dadka Degmada Shibis

“Run ahaantii himilooyinka iyo yadadiidlooyinkii aan lahaa ayey qeyb ka tahay in aan sameeyo guud ahaan gobolka Banaadir in Degmo walba ay hesho maxkamad u gaar ah oo fulisa howlaha bulshada Degmada ay u baahan tahay waajib ayaana naga saaran baahinta adeega garsoorka dalka”. Ayuu yiri Dr Maxamed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa mudooyinkii dambe waxaa uu waday dadaallo lagu horumarinayo adeegga garsoorka gobolka Banaadir iyo sidii shacabka ay u heli lahaayeen garsoor tayo leh oo loogu geeyo degmooyinka ay ku nool yihiin.

 

 

 

           

 

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cali Khaliif Galleyr.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha oo khadka Taleefanka kula xiriiray Marwada Marxuumka Maryan Cabdi Biixi ayaa xusay doorkii uu ka geystay dowladnimada iyo horumarka dalka, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya horumarsan oo la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu door muuqda kaga jiraa sooyaalka dalkeenna. Waxa uu noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la magacaabo Guddi Qaran oo ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

 

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeysay geerida Cali Khaliif Galayr.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, guddoomiyaha golaha shacabka  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, guddoomiyaha golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxtin leh ee ku timid Ra’iisulwaarihii hore ee Soomaaliya Allha ha naxariistee Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaalida.

Madaxda qaranka ayaa uga tacsiyadeeyay qoyskiisa, ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxaamka, waxaana alle ay baryeen inuu naxariista janna ee ka waraabiyo.

Sidoo kale madaxda dawlad goboleedyada ayaa ka tacsiyeeyey geerida Cali Khaliif oo ahaa mas’uul taariikh dheer ku leh dalka ayaa Ra’iisal wasaare ka ahaa dawladdii KMG ahayd ee Carta intii u dhaxaysay 8 October 2000 – 28 October 2001, waxaana sidoo kale uu soo qabtay xilal kala duwan oo dawladeed.

Gobolka Banaadir oo heshiis la galay shirkadaha gaarka loo leeyahay+SAWIRRO

0

Hishiiskaan ay kala saxiixdeen maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha gaarka ah ee bixiya adeega dad-weynaha ayaa ku saabsanaa  sidii fursado dhaqaale oo waara loogu abuuri lahaa barakacayaasha iyo danka dantarta ah ee ku nool caasimada.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir Basmo Caamir Jakeeti ayaa u saxiixday maamulka gobolka Banaadiir halka madaxa mashuuraca geel uu saxiixay Maxamed Nuur Cabdulle dhinaca shirkadaha gaarka.

Dr Hodan Cali agaasimaha xafiiska xalka waara ee gobolka Banaadir iyo Maxamed Sadiiq Sheikh maamulka shirkada korontada Beco ayaa guul ku tilmaamay in markaan loo soo jeesto shaqo abuurka dhalinyarada kuwooda danyarta waxaana maamulka shirkada Beco ay balan qaadeen in fursado shaqo ay siinayaan 150 dhalinyaro ah.

“Waxaan shaqo siineynaa 150 dhalinyaro ah inagoo imtixaan ka qaadeyno waxaan kaloo sameyneynaa kuwa ku dhaca imtixaanka inaan bareyno xirfad ay ku shaqeystaan ayuu yiri Maxamed Sadiiq Sheekh oo madax ka ah shirkada korontada Beco.

Madaxa mashruuca geel Maxamed Nuur Cabdulle ayaa sheegay in mashruucaan la gaarsiin doono dhowr kun hase ahaatee lagu bilaabayo 200 oo dhalinyaro taasi oo ah bilaaw waxaana sidoo kale ka mid ah in qaarkood la barayo xirfado kala duwan si ay nolosha ugu maareeyaan.

“Waxaan ku bilaabeynaa 200 oo dhalinyaro mashruucaan shaqo abuurka waxaana qorshahu yahay in sanadaha soo socdo aan gaarsiino dhowr kun hase ahaatee dhalinyarada waxaa looga baahanyahay inay da daal xooggan muujiyaan ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed Nuur madaxa mashruuca Geel.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir Basmo Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in maamulka gobolka uu soo dhaweynayo wax wabo oo lagu hormarinayo dhalinyarada caasimaad siiba kuwa danta yar.

“Maamulka gobolka banaadir waa ka go’antahay harmarinta dhalinyarada iyo fududeynta mashaariic walbo oo lagu hormarinayo dhalinyarada caasimada ayay tiri guddoomiye basmo Caamir .

Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya Cali Khaliif Galleyr oo geeriyooday.

0

Allaha ha naxariistee waxaa magaalada jig-jiga ee dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya goor dhaweyd  ku geeriyooday  Ra’iisu lwasaarihii hore ee dowladdii ku meel gaarka Cali Maxamed Khaliif Galayr.

Allaha u naxariistee geerida Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr waxaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay sii hayaha wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, Ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxda dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ra’iisul wasaarihi hore Cali Khaliif Galeyr.

WHO oo sheegtay in ay hoos u dhaceen kiisaska la xiriira daacuunka ee Soomaaliya.

0

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO)ayaa sheegay in guud ahaan uu hoos u dhac ku yimid sanadkan  tirada kiisaska daacuunka ee cusub ee Soomaaliya marka loo eego tiradii bilowgii cudurka ee dillaacay bishii Diseembar 2017-kii.

Hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hoos u dhaca kiisaska cudurka ay sababeen wanaajinta iyo  hirgelinta waxqabadka ka hortagga oo ay ku jiraan ololaha tallaalka cudurka daacuunka iyo xoojinta howlaha biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda goobaha.

WHO ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto hirgalinta waxqabadka  yareyn kara faafitaanka cudurka,iyadoo kaashaneysa hogaaminta iyo taageerada maamulada caafimaadka.

WHO ayaa xustay in tirada guud ee looga shakisan yahay kiisaska daacuunka tan iyo bilowgii sanadkaan inay gaarayaan 5,872,halka tirade dhimashada ay dhan tahay 30,waxaana  daadadka hadda socda iyo daacuunka dillaacay ay yimaadeen xilli kiisaska COVID-19 ay ku sii kordhayaan dhammaan gobollada Soomaaliya.

Daacuunku waa cudur caloosha ku dhaca, badanaa wuxuu ku faafaa biyaha iyo cuntada wasakhaysan, wuxuuna sababi karaa shuban daran oo horseedi kara fuuqbax iyo dhimasho degdeg ah.

 

 

Musharixiinta madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo dood adag ay xalay dhex martay.

0

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo Kamala Harris oo u tartamaysa xilka madaxweyne ku xigeenka xisbiga dimoqraadiga ayaa dood kulul oo ku saabsan cudurka safmarka ee coronavirus isku dhaafsaday is aragoodii koowaad ee xalay qabsoomay.

Ms Harris ayaa Donald Trump ku eedeysay in uu yahay “Maamul Madaxweyne kii ugu guuldarada badnaa taariikhda wadanka “.

Mr Pence waxaa uu sheegay in qorshaha musharax Joe Biden ee safmarka coronavirus uu yahay mid uu ka soo minguuriyay siyaasadda aqalka cad ee hadda.

Musharaxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden waxaa uu ka horeeya saadaasha codadka Madaxweyne Trump xilli maalinta doorashada ay ka harsan tahay 27 cisho oo keli ah.

Doodii xalay ayaa aheyd mid dhex martay labo qof oo siyaasiyiin rayid ah laakiin doodii todobaadkii hore ee Trump iyo Biden ayaa isku bedeshay cay iyo in magacyo la isugu yeero.

Si kastaba, labada musharax ayaa is dhaafsaday dood kulul oo  la dhihi karo waxba la isuma reeban.

Doodii sagaashanka daqiiqo aheyd ee xalay ayaa la dhacday hoolka jaamacadda Utah ee magaalaa Salt lake, iyadoo Kala Haris ku eedeysay madaxweyne ku xigeen Mike Pence in madaxweyne Trump uu si ula kac ah u marin habaabiyay dadweynaha Mareykanka inta socday cudurka coronavirus.

“Waxay ogaayeen, in ay khiyaameynayaan,” ayay tiri, waxay intaas ku dartay in u jeedka ay ka leeyihiin ay tahay in dib loo soo doorto.

Senator Kala Haris oo 55 sano jir ah iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo 61 sano jir ah, ayaa intii dooda socotay waxaa u dhexeeyay dayr almuuniyam ah taas oo muujinaysa khatarta cudurka.

Kumaandoosta Gorgor oo burburiyey saldhigyo ay leeyihiin argagixisada.

0

Ciidanka kumaandooska Gor-Gor iyo guutooyinka 7-aad iyo 3-aad ee xoogga dalka ayaa hawlgal qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose.

Hawlgalka ayaa ciidanka waxey ku bur-buriyeen maxkamad beenaadyo kooxda Alshabaab ay lahaayeen, kuwaasi oo ay dadka uga yeeri jireen, islamarkaasna ku baadi jireen, waxaana sidoo kale ciidanka ay hawlgalka ku dileen horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa deegaanka basro oo hoos-yimaado degmadda balcad, iyaggoo fashiliyay qaraxyo lagu soo raray gaari xamuul ah.

Taliyaha ciidanka xoogga s/guuto Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Idaacadda codka ciidamada qalabka Sida u sheegay in ujeedka hawlgalka uu yahay bur-burinta goobaha nabad diidka dadka ay ku baadaan, isaggoo xusay in ciidanka ay cagta mariyeen goobo badan oo Alshabaab ay ku dhuuman jireen.

Jenaraal Odawaa ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka xoogga ay u diyaarsan yihiin siddii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa argagixisada laga itaalka roonaaday.

Geesiyaasha Xoogga dalka ayaa dar-dar geliyey hawlgalada lagu baacsanayo maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Golihii ugu horreeyay ee Wasiiro ah ayaa laga dhisay dalka Mali afgambgii kadib.

0

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Mali, Bah Ndaw, ayaa ku dhawaaqay Gole wasiiro oo ka kooban 25 xubnood waxaana ka soo muuqday liiska golahan saraakiil sar sare oo militriga ka tirsan kuwaas oo xilal muhiim ay qaban doona.

Digreetada Madaxweynaha oo laga akhriyay Telefishinka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in wasiirada, Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta qaban doonaan saraakiil ka tirsan militiriga.

Madaxweyne Ndaw oo qudhiisa ahaa sarkaal ka tirsanaan jirey ciidanka cirka ayaa noqday dooqa koowaad saraakiisha afgembisay dowladdii Madaxweyne Ibrahim Bobakar Keite bishii August ee sanadkan.

Magacaabista Madaxweyne ee Ra’iisul wasaare rayid ah ayaa laga yaabaa in ay keento in Urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS in ay qaadaan xayiraadii Mali ku soo rogeen ka dib afgembigii August.

Col Sadio Camara, oo kamid ahaa saraakiishii hogaamineysay afgembiga ayaa noqon doona wasiirka difaaca, iyadoo afhayeenkii afgembiga Col-Maj Ismaël Wagué, loo magacaabay wasiirka dib u heshiisiinta qaranka.

Jagooyinka muhiimka ah ee loo dhiibay rayidka waxaa kamid ah xeer ilaaliyihii hore Maxamed Sidda Dicko oo loo magacaabaay waaxda garsoorka. Golaha wasiirada cusub afar dumar ah keli ah ayaa ku jira oo labo kamid ah ka tirsan yihiin dhaq dhaqaaqa mucaaradka ah ee M5 oo horkacayay banaan baxyadii xukunka looga tuuray Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta.