Home Blog Page 830

Lafta-Gareen Oo Xudur Ku Booqday Ciidamadii Ku Dhaawacmay La Dagaalanka Argagaxisada ‘Sawirro’

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed mudane C/casiis Xasan Maxamed “lafta gareen” iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii 2-aad ku sugan Degmada Xuddur ee Gobalka Bakool ayaa maanta booqday askartii u dhaawacantay difaaca dalkooda, xilli ay weli ku jiraan Cisbitaalka Xuddur iyadoo uu madaxweynuhu uu gaarsiiyay deeq lacageed si loo dhiirigeliyo askarta si ay u difaacaan dalka.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sidoo kale bogaadiyay askarta inay yihiin laf dhabarka uu leeyahay dalka isla markaana haatan ay ciidamadqa xoogga dalka ay ku socoto daib habeyn xooggan hadii ay ahaan laheyd in la qalabeeyo iyo in xuquuqdooda loo dhammeystiro.

“Ciidamada Qalabka sida waxaan dooneynaa inaan dib u qalabeyn ku sameeyno maxaa yeelay dalkaan dadkii hanaan lahaa guud ahaan Amniga waa iyaga waxaana dhameystiri doonaan xuquuqaha ay leeyihiin inagoo uga mahadcelineyno sida ay ugutaan waajibaadka loo ekmaday”ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta –gareen).

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa waxa uu xariga ka jaray xaruun cusub ee laga hirgeliyey suuqa xoolaha ee degmada xuddur, sidoo kale isaga iyo wafdigiisa waxaa ay kormeer ku tageen dhismooyin kuyaala gudaha xarunta.

Ugu dambeyntii madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-Gareen) ayaa bogaadiyey hirgelinta mashaariicda hormarineed oo laga hirgalinayo degmada Xudur kuwaasi oo dhaxal gal u ah magaalada waxaana sidoo kale uu ugu baaqay hay’addaha ka howlgala inay wax ka qabtaan baahiyaha kale ee ka jira deegaanka.

Wasiir Sabriye Oo Ka Codsaday Barlamaanka Ansixinta Sharciga Axsaabta

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Iyo Dib u Hishiisiinta ee Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday in golaha uu dedejiyo ansixinta sharcigan oo muhiim u ah doorashooyinka la filayo in ay dhowaan ka dhacaan dalka.

Wasiirka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay inay dib u-eegis ku saameeyeen nidaamkii dawaan galinta xisbiyada ku meel gaarka gaar ahaan nidaamka iyo sharuudaha laga raba xisbiyada sida diwaan galinta iyo sharciyo kale oo muhiim ah axsaabta.

“Waxaan ku sameeynay dib u-eegis dhammaan nidaamka xisbiyadii lagu diwaangeliyay si KMG ah si aan u hubino shuruudaha laga rabo xisbiyada hase ahaatee waxaan ka codsanayaa golaha in si deg-deg ah u ansixiyaan maadaama ay arrimaha doorashooyinka ay muhiim u yihiin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii May ee sanadkii 2019 Golaha Shacabka ee Barlamaanka horgeysay sharciga xisbiyada dalka. kaasi oo lagu sameeyay wax ka bedel iyo kaabis si loo hubiyo in ay buuxiyeen sharuudaha nidaamka xisbiyadda.

Barlamaankii 9-aad ee dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 27-Juun sanadkii 2016 ansixiyay sharciga xisbiyadda siyaasadda dalka kaasi oo haatan laf dhabar u ah Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 20120/2021

Wasaaradda Qorsheynta Hirshabeelle Oo Agab C/fimaad Ku Wareejisay Wasaaradda C/fimaadka Hirshabeelle

0
Agabka faraxalka waa Kahortagga coronavirus

Wasaaradda Qorsheynta dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle ku wareejisay agab caafimaad oo looga talo galay ka hortagga iyo xakameynta COVID-19.

Agabkan ayaa ka koobnaa agabka gacmo dhaqa, Istiraasho, af-daboolka (face maska) iyo joodariyaal loogu talo galay in la dhigo goobaha karantiilka ee dadka uu soorito cudurka Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Hirshabeelle Cismaaciil Maxamed Nuur ayaa sheegay in agabkan ay kaga faa’iideesan doonaan ka hortagga iyo xakameynta cudurka COVID-19.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle Muxudiin Mukhtaar Macalin ayaa Shaqaalaha c/fimaadka Hirshabeelle kula dardaarmay in ay bulshada ugu adeegaan agabka, lana kordhiyo wacyi gelinta cudurka COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 36 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 17 qof, mana jirto qof u geeriyooday cudurka.

Wasiir Fowsiyo Oo Ka hadashay Xaalado Soo Kordhay Covid-19

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 6-da kale ay yihiin haween.

13 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Somaliland, Koonfur Galbeed 10, Jubbaland 8, Gobalka Banaadir 4 iyo iyo Galmudug 1 qof.\

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,452 waxaa bogsootay guud ahaan 506 ruux. Halka 85 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.

Marwo Sacdiyo Yuusuf Oo Ka Mid Noqotay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta codka aqlabiyad leh ku ansaxiyay xubin ka mid noqonaysa Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Marwo Sacdiyo oo ka mid noqotay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka

156 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye oo maanta laga bilaabo si rasmi ah kaga mid noqoneysa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye ayaa kaga mahadcelisay Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta u codeeyay in ay ka mid noqoto Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaana ay balan qaaday inay u shaqayn doonto bulshadeeda si cadaalad ah.

“Waad ku mahadsantihiin in aad ii codeyseen, waxaan Alle ka baryayaa inaan noqdo qof guta shaqadiisa, Ummadda Soomaalyeed u wada noqda qof ay u simantahay, idinkuna shaqo badan ayaa idin taalo Alla waxaan idinkaga baryay in aad noqotaan kuwii ka soo baxa” ayay tiri marwo Sacdiyo Yuusuf.

Golaha Shacabka Oo Akhrinta 1-Aad Mariyay Hindisaha Dib U Eegista Sharciga Xisbiyada

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay ee kalfadhiga 7aad kulankiisa 1aad ee Baarlamaanka ayaa ka dooday sharciga Axsaabta siyaasadda, waxaana kulanka shir guddoominayay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Xildhibaannada Golaha ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda, iyadoo uu faah faahin dheeri ah ka bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabrdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa ugu horeyn Xildhibaannada u jeediyay warbixin ku aadan howlaha horyaala Baarlamaanka, gaar ahaan kalfadhiga 7aad, waxaana uu sheegay in sharciga xisbiyada siyaasada uu dalka muhiim u yahay.

“Guddigana waxaan ka codsaneynaa si deg deg ah in aad uga soo shaqeysaan, waxyaabaha ugu muhiimsan oo hadda aan ognahay waxaa waaye, Axsaab siyaasadeed ayaa abuurantay”. Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Baarlamaanka ayaa horyaala sharciyo dhowr ah oo muhiim u ah geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Warfaafinta Oo Ka Tacsiyadeysay Geeridii Marxuum Cabdi Tahliil Warsame

0

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu tacsiyadeeyay allahaa u naxariistee geeridii ku timid fanaankii weynaa ee Cabdi Tahliil warsame oo sanado badan ku xunuunsanayay gudaha dalka.

Allah ha naxariistee fanaanka ayaa muddo 18 sano xanuunsanaa sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada iyo caruurtii uu dhalay, balse waxa ugu dambeyntii xalay uu ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala muqdisho.

Inaalilaahi Waa inaa Ileyhi Raajicuun.

Taliyaha Xoogga Oo Dhagax Dhigay Qeybo Cusub Oo Ka tirsan Taliska Guud Qaybta 21-Aad+Sawirro

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo ku jira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaannada Galmudug ayaa Dhagax dhigay Qaybo ka mid ah Dhismaha xarunta Taliska guud ee Qeybta 21-aad oo fadhigeedu yahay Dhuusamareeb.

Taliyaha Qaybta 21-aad Generaal C/casiis C/laahi Cabdi Qooje iyo Taliyaha Guutada 15-aad General Mascuud Maxamed Warsame ayaa ka qayb galey munaasabada dhagax dhiga Guriga Taliyaha Qaybta iyo kan Taliye Xigeenka oo ka mid ah dhismayaasha ugu muhiimsan Taliska Qaybta .

Hirgelinta qeybahan cusub ee ku biiraya xarumaha shaqeynaya ee qeybta ayaa ahmiyad gaar ah u leh Taliska waxaana dib u dhiska qeybahan muhiimka ah ee xarunta Qeybta 21-aad ka mahadceliyay Taliyaha Qeybta General C/casiis C/laahi “Qooje”.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareb Macalin C/raxmaan Geeda-qorow ayaa Ballanqaaday in ay gacan ku siin doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Dhismaha Xarumahan isagoo digniin u diray ciddii isku dayda in ay dagaan Xarumaha Ciidamada.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlay Muhiimada Xeryaha Ciidamada Xoogga ee magaalada Dhuusamareeb ayaa Ballanqaaday in Dhismaha Xarumahan Cusub uu bilow u noqonayo in dib loo wada dhiso guud ahaan xeryaha Kale .

Xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhusamareb oo horay dayactir iyo dib u dhis loogu sameeyey ayaa kadib dhismaha Guriyahan Cusub u gudbi doonta dib usoo celinta Xeryaha kale ee burbursan iyo kuwa ku jira gacmaha aan aheyn Kuwa Xoogga waxaana dhagax dhigan kadib taliyaha Xoogga uu kormeeray Qaar ka mid ah Xeryaha kale sida Xerada Gaadiidka Ciidamada.

Allah Ha Naxasriiste Waxaa Xalay Muqdisho Ku Geeriyooday Cabdi Tahliil Warsame

0

Allahaa u naxatiistee waxaa xalay magaalada muqdisho ku geeriyooday Fanaankii weynaa ee Heer Qaran ee Cabdi Tahliil Warsame oo muddo ka badan 15-sanadood ku xanuunsanayay Muqdisho.

Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday.

Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Fannaaniintan dhammaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waaberi.

Kooxihii kale ee uu  Cabdi Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaasi.

Allahaa u naxariistee waxa uu waxbarshada dugsiga sare ku qaatay ku bar baaray magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan hase ahaatee markii dambe waxa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho oo uu deganaa ilaa maanta.

Waxaa uu ka tagay 42 ruux oo isagu jira caruurta uu dhalay iyo waxa ay sii dhaleen.

Sidoo kale Marxuumka ayaa xilal kala duwan soo qabtay oo ay ka mid ahayd xilka xisaabiyaha isagoo ka soo shaqeeyay Gobalka Bari gaar ahaan deegaannada Qandalo, Qardho iyo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Guud ahaan fanaaniinta Soomaaliyeed meel walbo oo ay dalka ka joogaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Cabdi Tahliil Warsame iyagoo alle uga baryay inuu janadiisa fardowso ka waraabiyo samir iyo iimaan uu ka siiyo dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

.

 

 

 

Allahaa Unaxariisto Fanaankii Qaran Ee Cabdi Tahliil Warsame Oo Maanta Lagu Aasay Muqdisho “Sawirro”

0

Allah ha u naxariistee waxaa qabuuraha iskuul Buliisiyo ee magaalada Muqdisho maanta lagu aasay fanaankii weynaa ee Cabdi tahliil Warsame oo muddo ka badan 15 sano ku xanuunsanayay muqdisho.

Aaska Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa ka qeyb-galay maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada qaranka ,abwaano,fanaaniin iyo ehelada marxuumka.

Cabdiwali Maxamed Jaamac madaxa howl-galka ee hoballada Fanaaniinta ee Waaberi ayaa ka hadalay taarikhda allaha ha naxariistee marxuumka oo ay isla soo shaqeeyeen waxaane uu alle uga baryay in janadiisa ka waraabiyo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ehelada marxuumka ku booqday  gurigooda ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Fanaanka Heer Qaran Marxuum Cabdi Tahliil warsame.

Abwaan Saciid Maxamed Xarawo oo ay wehliyeen abwaano ka tirsan Hobalada Waaberi ayaa si lamid ah ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka .

Allahaa unaxariistee Fanaan Cabdi Tahliil Warsame ayaa ku dhashay deegaanka Wardheer sanadkii 1952-dii waxaana uu Dugsiga sare kaga baxay magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan isagoo ku biiray Kooxda Waaberi sanadkii 1971-dii.