Home Blog Page 828

Dood-Wadaag Looga Hadlayay Xal Uheliida Colaadaha Mudug Oo Gaalkacyo Ka Dhacay “Sawirro”

0

Dood wadaag looga hadlayay sida xal-waara looga gaari karo colaadaha ku soo noq-noqday deegaannada Gobalka Mudug oo ay soo agaasimeen Madasha Nabada iyo Is dhaxgalka dhallinyarada Mudug oo gacan ka helaya Hay’adda Cilmi baarista iyo Nabada Puntland ee PDRC ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goballeedyada Puntland iyo Galmudug, aqoon-yahanno,siyaasiyiin Iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

intii ay socotay Dooddu ayaa waxa ay dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadii ka qeybgashay ay su’aalo ka waydiiyeen masuuliyiin iyo siyaasiyiintii oo iyaguna faah-faahin ka bixiyay sida xal-waara looga gaari karo colaadahaasi.

Jeneraal Cabdi Wali Jaamac Xuseen (Gorad) Taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka ayaa ugu horeyn ka hadlay sida xal waara looga gaari karo colaada Gobalka.

Maxamuud Yaasiin Axmed Tumeey oo ka mida shaqsiyaadka lagu xasuusan doono mustaqbalka nabada xiligaan ka jirta magaalada Gaalkacyo  ayaa isna sheegay in marka hore iskaashi la sameeyo isla markaana cadaaladda laga shaqeeya.

Qaar ka mid ah dhallinyarada Madasha Nabada Iyo Isdhaxgalka Gobalka Mudug ayaa bogaadiyay sida ay u socdaan daadaalada nabada iyagoo dhanka kale ka hadlay doorka ay dhlalinyaradu ka qaadan karaan dib u hishiisiinta dalka iyo doorka ay ku yeelan karaan sida xal waara loogu heli lahaa colaadaha ku soo noq-noqday deegaannadaasi.

Dowladda Soomaaliya Oo Markale Dib U dhigtay Furitaanka Duulimaadyada Gudaha

0

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed C/laahi Salaad {Oomaar} oo la hadlay goordhow Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in mar kale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada sabab la xiriirta iyadoo laga taxadarayo faafitaanka cudurka Covid-19.

Wasiirka ayaa sheegay in iyadoo laga taxadirayo weli aysan suuragal aheyn in lagu deg-dego furitaanka duuliyaadyada iyadoon la helin cadeymo muujinayo in khatarta cudurka safmarka ah laga adkaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii bishii Maarso ee sanadkan 2020 hakisay duuliyaadyada gudaha si looga taxadiro faafitaanka cudurka Covid-19 waxaana sidoo kale la fasaxay diyaaraha qaada Raashinka iyo daawada iyo waxyaabaha kale ee quutul daruuriga ah bulshada sidoo kale waxaa ay hakisay duuliyaadyada caalamiga ah taariikhdu marka ay aheyd 18-kii bishii Maarso ee sanadkan sababo la xariira cudurka Covid-19.

Barlamaanka JFS Oo Laga Codsaday Meelmarin Hindise Sharciyeedka Jinsiga+Sawirro

0

Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen urrurada Arrimaha Xuquuqda Haween oo kala ah SSWC, IIDA Iyo SWA ayaa looga haylayay sidii loo meelmarin lahaa hindise shariciyeedka  jinsiga oo haatan horyaala Barlamaanka  Iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ay leeyihiin ee doorashada xigta ee 2021-ka.

Aamino Xaaji Cilmi, Guddoomiyaha Hay’adda SSWC, Sahro Maxamed Axmed Guddoomiyaha SSWDC iyo Duniyo Maxamed Cali (Carshaan) oo ah Guddoomiyaha Hay’adda IIDA ayaa ka hadlay muhiiimadda sharcigan uu u leeyahay haweenka Soomaaliyeed guud ahaan iyagoona ka codsaday in barlamaanka si dhaqsi ah uga shaqeeyaan meelmarintiisa iyagoo xusay muhiimadda hisdise sharciyeedka uu u leeyahay sidii looga hortagi lahaa xadgudubyada loo geysto haweenka.

Nasro Xasan Guhaad oo ku hadlaysay magaca ururada Bulshada Rayidka ayaa sidoo kale warbaahinta u akhrisay war murtiyeed ay soo saareen waxaana ay sheegay in sharcigan uu laf dhabar u yahay in wax laga qabto xad-gudubyada ay la kulmaan haweenka Soomaaliya.

Wasiiradda Haweenka Iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 8-dii bishii  June ee sanadkii 2018-kii barlaamaanka u gudbisay hindise sharciyeedka Jinsiga waxaana haweenka maanta ku kulmay ay ka codsadeen in sharciyaasi lagu soo daro ajandayaasha ugu horeeyay oo ay ka doodi doonaan barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qeyb Galay Shirka Wasiirada Dalxiiska Ee Dowladaha Carabta “Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka qeyb galay shir wasiirada dalxiiska dowladaha carabta maanta ay ku yeesheen habka muuqaalka Internet ka.

Shirkaan ayaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska XFS waxaa ku wehlisay Agaasimaha dalxiiska Wasaaradda Farxiyo Samaan, waxaana looga hadlay saameynta cudurka Covid-19 uu ku yeeshay Dalxiiska iyo qaabka looga soo kabanayo.

Diyaaraddii 6-aad Oo Dalka Dib Ugu Soo Celisay Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Dalka Ku Soo Noqday “Sawirro”

0

Diyaaradda Daallo oo sida 139 Mawaadiniin Soomaali ah oo muddo ku xayirnaa magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mawaadinidiin maanta diyaaraddu keentay waxa ay isugu jireen 29 rag ah, 77 dumar ah iyo 33 carruur ah, kuwaasi oo waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyay cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xiray ee COVID-19, waxaana dalkaasi ku haystay dhibaatooyin kala duwan.

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladiisa oo ka duulaysa dhibka haystay mawaadiniinta ayaa amray soo daad gureynta muwaadiniinta oo u badan kuwa nugul.

Diyaaraddan ayaa ah tii lixaad oo muwaadin Soomaaliyeed ka keenta dalka Boqortooyada Sacuudiga, waxaana dadka dib loogu soo celiyay dalkooda ay aad uga mahadceliyeen kaalinta dowladdu ay ka qaadatay.

Laftagareen Oo Kala Hadlay Saraakiisha Guutada 9-Aad Dib U Xoreynta Deegaanno Horleh+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulan looga hadlayay ciribtirka maleeshiyada shabaab ee Gobalka Bakool la qaatay Taliska Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Generaal Mukhtaar Maxamed Cabdulahi Geeseey taliyaha Guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulanka ay madaxweynaha la qaateen uu ahaa mid is xog wareysi ah.

waxaana intaasi uu ku sii daray in madaxweynuhu uu aad u daneynayay,howlaha ciidamada isagoo si weyn noogu guubaabiyay sidii kooxaha nabad-diidka ah looga dulqaadi lahaa shacabka reer KG oo in muddo ah dhibaato ku qabay kooxahaas, waxaanu sidoo kale uu inoo ballanqaaday wax badan oo lagu horumarinayo guutada.

Jeneraal Mukhtaar Geesey ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha KG. md C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen  ay isla soo qaadeen sidii loo soo dhameystiri lahaa qorshayaasha horumarineed ee loogu talo galay dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyay kooxaha nabad-diidka ah.

Ugu dambeyntii waxaa uu umahadceliyay taliyuhu qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Bakool, isagoo xusay iney yihiin shacab dulqaad badan misana ciidamada kala shaqeeya sidii guud ahaan degaannada KG loogu soo dabaali lahaa nabadgelyo waarta.

Galmudug Oo Xerada Dhaan-Karooni Isugu Geysay Ciidamada Ka Mid Noqonayo Daraawiishta+Sawirro

0

Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayuu wasiirka amniga dawlad goboledka Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu  isugu geeyey gaadiid dagaal iyo ciidamadii saarnaa.

Xerada tababarka Dhaan-Karrooni ee dhacda duleedka Galinsoor- Galguduud ayaa wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayey wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo sidoo kale ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Mudane Cabdisaabir Nuur Shuuriye iyo Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer .

Masuuliyiinta ayaana ciidamada la xareeyay ku dhiiri galiyay in hada waxii ka dambeeyo ay u shaqeeyaan bulshadooda maadaama uu waajib ka saaranyahay.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamo iyo gaadiid kale oo Galgaduud ku sugan ay maalmaha soo socda imaan doonaan xerada Dhaan-karroone, kuwaasoo tababarka uu u furi doono madaxweynaha Dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye.

“Dhowaan waxaa xeradaan soo gaari doono ciidamo iyo gaadiid ka iimanayo Galgaduud waxaana dhawaan aan sidoo kale fileynaa in madaxweyne (Qoor-Qoor) uu tababar u furi doono waxaana sidoo kale guud ahaan ciidamadaan aan ugu talo galnay sugidda amniga iyo ka xureynta deegaannada fara ku turiska oo ay argagixisada ay kaga suganyihiin dhulka deegaannada Galmudug”Ayuu ku daray wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi.

Tan iyo markii loo magacaabay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa uu qabatay shaqo adage e ku aadan in guud ahaan Gobolka Mudug la xareeyay maleeshiyaad beeleedyo iyo gadiidka dagaal si loo xaliyo dagaal beeleedyada ka dhaca gobolka sidoo kalena waxaa socdo qorshayaal lagu dhisayo ciidamada daraawiishta iyadaa haatan ay socoto xareynta ciidamadii loogu talo galay inay noqdaan.

Midowga Yurub Oo Soo Dhoweeyey Wadahaladii Soomaaliya Iyo Somaliland Ku Dhexmaray Dalka DJibouti

0

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey wadahaladii Soomaaliya iyo Somaliland ee Djibouti ku dhexmaray 14-kii bishan June, waxa ayna ku tilmaameen in uu ahaa talaabo muhiim ah oo rajo gelinaysa shacbiga Soomaaliyeed iyo tan gobalka Geeska Africa-ba.

“Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wadahalka”, Midowga Europe ayaa sidaa ku yiri bayaan saxafi ah oo ay SONNA heshay.

Waxa yiraahdeen in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo madaxweynaha Somaliland, Muse Abdi waxaa ka go’an sii wadida in ay ka shaqeeyaan hurumarinta hanaankan nabbada.

Sii wadida wadahadaladan oo aan ku jirin wax car-qaladeeya, uuna ku socda si wanaagsan, waa habka kaliya ee lagu gaari karo nabbad, barwaaqa, iyo  amaan waara. Midowga Yurub oo goob-joog ka ah wadahadalan wixii dadaal iyo taageero ah lama baaqsan doonto, ayaa lagu soo gunaanudan bayaanka.

Akhriso: warmurtiyeedka wadahadallada DFS iyo Soomaaliland ee Jabuuti

0

Djabuti(SNTV)WAR-MURTIYEED, Iyada oo ku timid dadaal uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, iyo hoggaamiyayaasha gobolka ee ay ka mid yihiin:

Mudane Abiye Axmed Cali, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland

Waxaa kulan wadatashi ah lagu qabtay caasimadda Jabuuti bishan 14ka Juun 2020 si gacan looga geysto sidii hoggamiyeyaasha DFS iyo Somaliland ay dib ugu sii ambaqaadi lahaayeen wadahadalladii iyo xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Hoggaamiyeyaasha ayaa garawsan muhiimadda doorkii Jabuuti ay ku leedahay dadaallada nabad dhisidda iyo nabad ku soo dabaalidda gobolka.

Ka hor inta aan la iskugu imaan kulankan taariikhiga ah, waxaa hore u soo qabsoomay dhowr wadaxaajood oo natiijooyin badani aanay ka soo bixin.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wafdi ay sii ambaqaadaan wadahadallada u dhexeeya labada dhinac, isla markaasna ay ka sii shaqeeyaan arrimaha wali dhiman ee la isla qaatay.

Kulanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in Jabuuti ay noqoto madasha shirarka farsamo ee labada dhinac.

Waxaa lagama maarmaan ah in danta labada bulsho ay udub dhexaad u noqoto hanaankan wadahadal.

Kulankani wuxuu ku boorrinayaa dhammaan gobolka, qaaradda iyo hey’addaha caalamiga ah inay taageeradooda u muujiyaan hannaankan.

Kulanka ayaa ku qabsoomay Jabuuti14 June, 2020

Madaxweynaha JFS oo dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyey martigelinta shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland+sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland ayaa tilmaamay maamuuska walaaltinimo ee ku xeeran wadahadalladan iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan horumarka, nabadda iyo midnimada.

Madaxweynaha ayaa muujiyey ifafaalaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha ay fidiyeen walaalaheenna dalka Jabuuti shacab iyo dowladba, maadaama ay baal dahab ah kaga jiraan dowlad dhiska dalkeenna iyo garab istaagga shacabkeenna Soomaaliyeed.

“Labaatan sano kahor maanta oo kale, dib u curashada Qaranka cusub ee Soomaaliya waxaa lagu yegleelay halkan Carta ee Jabuuti oo uu hoggaamiye u ahaa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo martigaliyey shirkii dib u heshiisiinta ugu weynaa ee Soomaali loo qabto kaas oo dhabbaha u xaaray dowladihii is xig xigay ee Soomaaliya, maanta, dhab ahaantii waxaa qormeysa taariikh kale.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay garbaha ka fadhiyaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Raiisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo heer Qaran ah ayaa la wadaagay Madaxdii kulanka ka soo qeyb gashay iyo beesha caalamka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo tabashada walaalaheenna Soomaalland.

“Halkan waxaan maanta u joognaa in aan furno wadahallada taariikhiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo mudada dheer la sugayey si aan uga xaajoonno mid ka mida qodobada udub dhexaadka u ah si loo gaaro nabad waarta iyo barwaaqo ay helaan bulshadeenna.”

Madaxweyna Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti marti gelinta shirkan, isaga oo ku bogaadiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed, Safiirka Dowladda Maraykanka Mudane Doland Yamammoto, Urur Goboleedka IGAD iyo Midawga Yurub kaalintooda dhiirri gelineed ee ku aaddan qabsomidda shirkan taariikhiga.