Home Blog Page 828

Dowladda Itoobiyo oo sheegay in Dagaalka ay ku jirto Ciidamada TPLF ee Waqooyiga Dalkaasi Guulo isdabo jooga ah ay ka gaartay.

0

Ra’isulwasaare ku xigeenka itoobiya ahna wasiirka arimaha dibadda Demeke Mekonnen ayaa sheegay in howlgalka ka socda gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya laga sameynayo horumar dhaqso ah.

Badbaadada shacabka ayaa waxa uu sheegay in ay ahmiyada koowaad siinayaan inta lagu gudo jiro howlgalka.

Demeke Mekonnen wuxuu tilmaamay in dowladu gargaar bani’aadanimo ka wado meelaha laga xoreeyay TPLF ee gobalka.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyada oo Qaramada Midoobe iyo Hay’adaha gargaarka walaaca ka qabaan xaalada dadka rayidka ah ee ku nool gobalka tigreega .

Waxaa jira eedeymo sheegaya in gabood falo dagaal ay ka dhaceen galbeedka Tigray oo dad shacab ah lagu laayay.

Dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya oo galay maalinkii 12-Aad waxaa uu sababay barakac xoog leh .

Dalka Sudan Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in maalinkii ay gaaraan dad ku dhow 4,000 oo colaada ka baxsanaya.

RCEP: Wadamada Aasiya iyo Baasifigga oo kala saxiixday heshiiskii ganacsi ee ugu weynaa Dunida.

0

Shiinaha iyo 14 waddan oo kale ayaa isku raacay inay dhisaan ururka ugu weyn adduunka ee ganacsiga xorta ah, oo ka kooban ku dhowaad saddex meelood meel dhammaan howlaha dhaqaale, heshiis in badan oo Aasiya ka mid ah ayaa rajeynaya inuu gacan ka geysan doono soo dedejinta ka soo kabsashada dhibaatooyinka cudurka coronavirus.

Iskaashatada Dhameystiran ee Dhaqaalaha, ama RCEP, waxaa si rasmi ah loo saxiixay Axaddii Xilli uu socdo shir sannadeedka 10-ka dal ee Ururka Koonfur-Bari Aasiya (ASEAN).

“RCEP waxaa dhawaan ansixin doona wadamada saxiixay waxayna dhaqan gali doontaa, iyadoo gacan ka geysaneysa dib u soo kabashada dhaqaalaha kadib COVID,” ayuu yiri Nguyen Xuan Phuc, ra’iisul wasaaraha Vietnam, oo martigaliyay Shirka ASEAN.

RECP ayaa lagu hashiiyay in ay qaadi doonto canshuuro hoose oo ku saabsan ganacsiga u dhexeeya wadamada xubnaha ka ah waxayna gaari doontaa macaamiisha 2.2, sida ay sheegtay Vietnam.

Marka lagu daro 10ka dal ee ASEAN, heshiiska waxaa ka mid ah Shiinaha, Japan, Kuuriyada Koonfureed, Australia iyo New Zealand, laakiin kuma jiraan Mareykanka walow la sheegay in heshiiska uu albaabka u furayo Hindiya, oo u baxday sababo la xiriira diidmo xoog leh oo gudaheeda ah oo la xiriirta shuruudaha suuqa, si ay uga mid noqoto midowgan.

“Ka dib sideed sano oo aan kula xaajooneynay dhiig, dhidid iyo ilmo, waxaan ugu dambeyn soo gaarnay xilligii aan kuxiran laheyn heshiiska RCEP,” Wasiirka Ganacsiga Malaysia Mohamed Azmin Ali, ayaa ku yiri hadal uu soo saaray Shirka ka hor.

Ugu dambeyntii Xubnaha ASEAN waxaa ka mid ah Cambodia, Indonesia, Laos, Myanmar, Philippines, Thailand, Brunei, Singapore, Malaysia iyo Vietnam.

(DAAWO) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xarigga ka jaray dhismaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi oo dib loo dayactiray kaddib 30 sano oo ay burbursanayd+(MUUQAAL).

0

Safiirka Soomaaliya ee Dalka kenya Mudane Max’uud Axmed Nuur (Tarsan) iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka hadlay Munaasabada.

Halkan ka DAAWO.

Xaflad soo dhaweyn ah oo magaalada Istanbuul loogu sameeyay Madaxwaynaha Konfur galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen+(SAWIRRO).

0

Xaflad si wayn loo soo qabanqaabiyay oo lagu dhawaynayay  madaxwaynaha maamul goboleedka KGS Cabdicasiis Xasan Muxamed  Laftagareen ayaa lagu qabtay  magaaalada,  Istanbul ee dalka Turkiga.

Munaasabaddassi waxaa soo agasimiyay jaaliyada  Koonfur galbeed Somaliya ee magaalada Istanbuul, . Waxaana ka soo qayb galay ardayda Koonfur galbeed Somaliya ee wax ka barta dalkaasi ee ,haaweenka , dhalinyarada iyo odoyaasha dhaqanka.

Guddomiyaha jaaliyadda Jaaliyadda Koonfur galbeed Soomaaliya ka soo jeeda ee dalkaasi Turkiga mudane Mohamed Abdullahi ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay dalka Turkiga ku soo dhaweeyaan Madaxwayne Cabdicasiis Lafta gareen oo uu  sheegay in  mudadii uu xilka hayay uu hayay uu tubta horumarka u jiheeyay Koonfur galbeed Soomaaliya, xafladdaasi soo dhawaynta ah waxaa ka soo qaybgalay  wasiirro,  xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Koonfur galbeed iyo saxafiyiin Soomaaliyeed.

Xog dheeraad ah ayaa ka soo baxayso Weerarkii Gantaalada ee lagu qaaday magaalada Asmara ee Caasimada Eritrea.

0

Gantaalladda ayaa laga soo tuuray Itoobiya waxayna ay ku dhaceen caasimadda dalka deriska la ah ee Eritrea, sida ay sheegeen diblomaasiyiin iyo goobjoogayaal.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli wax yar ka dib ay Xoogagga TPLF ku hanjabeen in ay weerari doonaa Dalkaasi Eritrea.

Dagaalka lagu hoobtay ee u dhaxeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo xoogagga kacdoonka ka wada waqooyiga gobolka Tigray ayaa hada u muuqda mid ku sii siqaya xuduudaha caalamiga.

Gantaaladan qaarkood ayaa ku dhacay xarunta Wasaarradda Warfaafinta iyo Garoonka diyaaradaha dalkaasi Eritrea lamana sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Ugu yaraan saddex gantaal ayaa lagu dhuftay Asmara fiidnimadii Sabtida, sidaasi waxaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters shan diblomaasi oo ku sugan Gudaha Dalkaasi Eritrea.

(DAAWO) Warka Kooban SNTV 15-11-2020.

0

Halkan Ka DAAWO Warka Kooban ee SNTV 15-11-2020.

Waxaa Meel Fiican Maraayo Mashruuca Dhismaha Waddo Xariirisa Magaalooyinka Gaalkacyo Iyo Hobyo ee Gobolka Mudug+(SAWIRRO).

0

Mashruuca isku tashiga dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka galkacyo iyo hobyo ayaa haatan maraya meel fiican taasna waa mid muujinya sida uu u mira dhali karo haddii la helo iska kaashi bulsho.

Dr Maxamed Cabdi Axmed oo ka mida howl wadeenada gudiga gob ayaa warbaahinta qaranka uga waramay halka uu marayo dhismaha wadadaasi iyo mar xaladihii kala duwaana isagoona xusay in haatan uu meel gabo gabo ah marayo loona baahan yahay in xoogga la saaro dhameystirkeeda.

Ugaas farxaan Maxamed dhoore oo ka mida qurba joogta soomaaliyeed ee ku nool dalka swedan isla markaana ka qeyb qaatay iskaashiga dhismaha wadadaasi ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay halka maanta ay mareeyso kadib kormeer isaga iyo gamacsato soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa Ganacsade Cumar Cali hilowle ay ku sameeyee. Ilaa 100 km oo ka mida 160 km oo lagu guuleeystay in lagu dhiso awooda shacab iyadoo aysan maalgalin wax dowlad ama hay’addo kale.

Mashruuca dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka galkacyo iyo hobyo ayaa ah mashruuc isku tashi oo baaxad weyn isla markaana tusaale fiican u noqan kara in bulshada soomaaliyeed ay isku tashi wax ku qabsan karaan.

 

Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika ayaa kulan u qabatay Xubno ka socday Jaamacadaha iyo Ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi+(SAWIRRO).

0

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madax kasocotay Jaamacadaha UNISA,Vaal iyo Jaamacadda Johannesburg, Wasaaradaha Waxbarashada, Hay’adaha taageera Waxbasharada iyo Dhalinyarada ku dhalatay dalka kana qalanjibayay Dugsiyada Sare iyo kuwa laga keenay Soomaaliya oo ka helay Deeqaha Waxbarasho ee Wadanka Kanfur Afrika.

Madaxda kasocotay qaar ka mid ah Jaamacadaha K/Afrika oo ka jeediyay Hadalo kulankan  lagu qabtay Xarunta Safaaradda ayaa xusay xiriirka labada dal ee dhanka Waxbarashada inuu yahay mid wanaagsan, waxaana sanadkii tagay Soomaaliya ku deeqday Jaamacada ku taalla Pretoria in kabadan sodon kun oo buugaag ah.

Sidoo kale Kulankan ayaa lagu dhiiragaliyay Ardada dhameysay Dusiga Sare inay ka miro dhaliyaan dadaalkooda Dhinaca Waxbarashada oo ay ku biiraan Jaamacadaha.

kulankan ayay Sanad walba Safaaradda u qabato Ardayda Soomaalida waxaana looha hadlaa hababka lagu dhiiri galin karo Ardada.

qaar ka mid ah a]Ardayda Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay doorka ay Safaaraddu ka qaadato isku xirka Ardada iyo Jaamacadaha.

Danjire Maxamed Cali Mire oo isna ka hadlay Kulanka ayaa ugu mahadceliyay Dowladda K/Afrika garab istaagga iyo xiriirka wanaagsan ay la leeyahay Dowladda Soomaaliya.

Uqeybasanaha Safaaradda Waxbarashada Cabdi Xalane Xirsi oo Xafiiskiisu soo qaban qaabiyay kulankan ayaa sheegay in kulan uu yahay mid lagu dhiiragalinayo Ardada Soomaalida.

Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika ayaa waddo dadaalo ay dib ugu soo nooleynayso xiriirada Jaaliyadda iyo Dowladda k/Afrika kadib cudurka Covid19- oo hakad ku yimid shaqooyinka Safaaradda.

WD:C/qaadir Axad Dhaqane Pretoria.

Weerar Gantaalo oo lagu qaaday qeybo ka mid ah Dalka Erateria.

0
3 gantaal ayaa la sheegay in ay ku dhaceen magaalada Asmara ee xarunta Eritrea.
Dadka magaalada ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo ayna arkeen holac.
Wararka qaar ayaa sheegaya in bartilmaameedku ahaa garoonka diyaaradaha iyo wasaarada warfaafinta.
Ma jiro wax war ah oo dowlada Erateria ay arintan ka soo saartay, Sidoo kale lama oga qasaare.
Kooxda TPLF ee gobalka tigreega itoobiya oo xuduud la leh Erateria ayaa maanta ku hanjabtay in ay duqeynayaan Asmara.

Golaha wasiirada Puntland oo Caawa ansixiyay Miisaniyada 2021ka+(SAWIRRO).

0

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha wasiirada Puntland oo caawa qabsoomay uuna shir Guddoominayay Madaxwayne Ku xigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxwaynaha Axmed Cismaan Cilmi Karaash ayaa lagu a sixiyay miisaanidayada Puntland ee 2021ka taasi oo Cadad ahaan dhammayd 341,861,037.

Miisaaniyadan ay ansixiyeen Golaha wasiirada Puntland cawa waxaa ka muuqda korar dakhliga gudaha ah oo gaaraya 5% taasi oo ka dhigan in wax soosaarka guduhu uu kordhay xilli ay jirto xir xirnaan badan oo uu keenay Cudurka Corona Virus .

Kadib ansixinta golaha wasiirada waxaa la horgayn doona Golaha wakiilada si ay u ansixiyaan dhaqan galna u noqoto.