Bulshada Boondheere oo codsaday in dib loo furo ilaha biyo mareenada magaalada+(SAWIRRO).

Date:

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo culimaa’udiinka ku nool Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday Maamulka Degmada iyo kan Gobolka Banaadir inay ka shaqeeyaan sidii loo furi lahaa ilaha biyo Mareenada ah ee xilligii hore ku shubi jiray biyaha roobka badda kuwaasi oo xilligan xiran

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii roobkii maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho uu saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, ayna ku xirmeen waddooyin qaar oo biyuhu ay fadhiisteen waxaana fatahay bulaacadaha ku yaala gobolka banaadir qaarkood sida bulaacadda Warta bondheere oo ku fatahday qaar ka mid ah xaafadaha Degmada Boondheerer, isla markaana go’doomiyay qaar ka mid ah shacabka

Guddomiye ku-xigeenka Siyaasadda Degmada Boondheere Suldaan Maxamed Aweys Axmed ayaa sheegay in xaafado ay ka midyihiin buule maqaareed iyo kuwa kale ay go’doomiyeen fatahaadda Warta Boondheere, isagoo xusay in ay wadaan dadaallo arrintaas wax looga qabanayo.

Roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay inta badan shacabka magaalada kaddib markii ilaha biyo mareenada ay xirmeen, taasi oo keentay in meelo badan oo caasimadda ka mid ah ay biyo fadhiisad ka sameysteen kuwaasi oo hakad geliyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....