Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo magacaabay guddi soo diyaara saamaynta Covid19 ku yeeshay dalka.

Date:

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay guddi KMG ah oo  loo igmaday soo diyaarinta saamaynta cudurka Covid19 ku yeeshay dalka, iyadoo magacaabidda guddigaan ku soo aadayso waqti uu gabagabo uu marayo muddo xileedka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood ayaa loo xil saaray inay xog uruurin ka soo sameeyaan saamaynta cudurkaas, isla markaana natiijada ka soo baxda xog uruurintaas ay u soo gudbiyaan golaha Shacabka.

Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalka uu saameeyay cudurka Coronavirus oo ay jireen kiisas laga helay oo gaarayay kumanaan ruux, waxaana u dhintay dad boqol ku dhow

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...