Agaasimaha cusub ee TV-ga Qaranka ayaa xilka kala wareegay agaasimihii hore ka dib xaflad lagu qabtay xarunta wasaaradda+(SAWIRRO).

Date:

Kulankani uu Xilka kula Wareegayay Agaasimaha Cusub ee Telefishinka Qaranka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Agaasimaha habmaamuuska ee Madaxtooyada Qaranka Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ iyo xubno Kale,

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdinaasir Xuseen ayaa ku amaanay Wasiirka sida uu u soo Xulay Agaasimaha iyo ku xigeenkiisa ah dhalinyaro shaqo Badan Mudodheerna kashaqeynayay Wasaarada Warfaafinta,

Agaasimahii hore ee Telefishinka Qaranka Faarax salaad Dharaar ayaa sheegay in mudadii uu maamulayay Telefishinka Qaranka ay howlo badan la qabteen Shaqaalaha Dowlada isaga oo si Guud ugu mahad celiyay waxaana uu Madaxda Cusub ee Telefishinka ku booriyay inay halkii uu kaga tegay ka sii wadaan shaqada Maamul ee Telefishinka Qaranka,

Agaasimaha Cusub ee Telefishinka Qaranka Sharmaarke Maxamed Warsame ayaa sheegay inay waxkabedel ku sameyn doonaan shaqada ka socota Telefishinka Qaranka isaga oo uga mahad celiyay shaqadii uu soo qabtay Agaasimahii Xilka Wareejiyay.

Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Qaranka Yuusuf Cadaani ayaasheegay inuu Aqoon fiicanu leeyahay Agaasimaha Cusub ee Telefishinka Qaranka Sharmaarke MaxamedWarsame kaasi oo uusheegay inuuyahay shaqsi howl kar ah oo waajibaadkiisa gudankara,

Axmed Ciise Guutaale oo ku hadlay Afka saxaafada madaxa Banaan iyo Ururka Saxaafada Qaranka ee Nusoj ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Agaasimaha Cusub sharmarke Maxamed Warsame iyo ku xigeenkiisa Cabdishakuur Cali Axmed,

Dhalinyaradan loo magfacaabay Agaasima Telefishinka Qaranka iyo kuxigeenkiisa ayaa in mudo ah ka shaqeynayay Warbaahinta Qaranka Waxaana lafilayaa inay horumariyaan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed,

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...