Agaasimaha cusub ee TV-ga Qaranka ayaa xilka kala wareegay agaasimihii hore ka dib xaflad lagu qabtay xarunta wasaaradda+(SAWIRRO).

Date:

Kulankani uu Xilka kula Wareegayay Agaasimaha Cusub ee Telefishinka Qaranka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Agaasimaha habmaamuuska ee Madaxtooyada Qaranka Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ iyo xubno Kale,

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdinaasir Xuseen ayaa ku amaanay Wasiirka sida uu u soo Xulay Agaasimaha iyo ku xigeenkiisa ah dhalinyaro shaqo Badan Mudodheerna kashaqeynayay Wasaarada Warfaafinta,

Agaasimahii hore ee Telefishinka Qaranka Faarax salaad Dharaar ayaa sheegay in mudadii uu maamulayay Telefishinka Qaranka ay howlo badan la qabteen Shaqaalaha Dowlada isaga oo si Guud ugu mahad celiyay waxaana uu Madaxda Cusub ee Telefishinka ku booriyay inay halkii uu kaga tegay ka sii wadaan shaqada Maamul ee Telefishinka Qaranka,

Agaasimaha Cusub ee Telefishinka Qaranka Sharmaarke Maxamed Warsame ayaa sheegay inay waxkabedel ku sameyn doonaan shaqada ka socota Telefishinka Qaranka isaga oo uga mahad celiyay shaqadii uu soo qabtay Agaasimahii Xilka Wareejiyay.

Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Qaranka Yuusuf Cadaani ayaasheegay inuu Aqoon fiicanu leeyahay Agaasimaha Cusub ee Telefishinka Qaranka Sharmaarke MaxamedWarsame kaasi oo uusheegay inuuyahay shaqsi howl kar ah oo waajibaadkiisa gudankara,

Axmed Ciise Guutaale oo ku hadlay Afka saxaafada madaxa Banaan iyo Ururka Saxaafada Qaranka ee Nusoj ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Agaasimaha Cusub sharmarke Maxamed Warsame iyo ku xigeenkiisa Cabdishakuur Cali Axmed,

Dhalinyaradan loo magfacaabay Agaasima Telefishinka Qaranka iyo kuxigeenkiisa ayaa in mudo ah ka shaqeynayay Warbaahinta Qaranka Waxaana lafilayaa inay horumariyaan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed,

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...