Home Blog Page 826

Madaxweyne Deni Iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo Qardho Tagay

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee Gobalka Bari, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo mas’uuliyiin kale,  halkaasoo ay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Qardho ay diiran ugu soo dhoweeyeen.

Ujeedka Safarka madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu yahay sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo tababar muddooyinkii dambe ugu socday deegaannada Qardho iyo Badhan.

Inta uu ku sugan yahay Qardho madaxweye Deni ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa maamulka magalada Qardho iyo odayaasha dhaqanka qaarkood, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan.

Ciidanka XD Oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Walxaha Qarxo Laga Soo Buuxiyey Iyo Darawalkii Waday.

0

Ururka Danab ee qeybta 21-aad Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goordhow ku qabtay magaalada Gaalkacyo gaari noociisu yahay Noah kaas oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo darawalkii waday.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Amniga gaar ahaan kuwa ururka Danab ee fadhigoodu yahay magaalada Gaalkacyo, ciidamada Amniga Qaranka ee ka howl gala Gobalka Mudug ayaa muddooyinkii u danbeeyay waday howlgalo ka dhan ah argagixisada si loo sugo amniga iyagoo guullo la taaban karo Ka gaaray todabaadyadii u danbeeyay olalaha la dagaalanka argagixisada.

Dhinaca kale Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Qeybta 21-aad ayaa saaka fashilayay weerar naf la caarinimo oo kooxda argagixisada ay ku qaadeen xero taliska qeybta ay ku leeyihiin afaafka hore ee deegaanka Bacaadweyne ee Bariga Gobalka Mudug.

Shirka Wadatashiga Hindise Sharciyeedka Korontada Oo Weli Socda.

0

Shirka Wadatashiga hindise sharciyeedka korontada oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha ee XF Soomaaliya ayaa maalintii 2-aad galay iyadoo shirka diirada lagu saarayo sidii qodobadii horey looga dooday looga sii hadli lahaa.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasaarada Tamarta iyo Biyaha Ee Dowlad Goballeedyada, Gobalka Banaadir Iyo Shirkadaha Korontada ee Shaqsiyaadka Gaarka, iyo macaamiisha iyadoo muhiimaddu shirka ay tahay in la derso dhammaan caqabadaha iyo baahiyaha aas aasiga ee Qiimaha korontada iyo in gaarsiiyo dalka oo dhan.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo shirka furtay ayaa sheegtay in dhammaan qodobada iyo aragtida la qaadayo laguna darayo qabyo qoraalka hindise sharciyeedka iyadoo horaanta bisha soo socoto markale layskugu imaan doono shirkale si loo soo afjaro.

shirka ayaa mudada uu socdo waxaa looga hadlayaa arrimaha maalgashiga shirkadaha dadka Soomaaliyeed Iyo Ganacsiga Shirkadaha Ajaanibta oo ka mid ah dhaqaalaha dalkeynu uu u baahan yahay iyadoo tallaabooyinkaasi ay hirgeli karaan kadib marka loo helo sharci lagu kala hago.

Baarlamaanka Carabta Oo Bogaadiyey Shirka Dhab U Heshiisiinta DFS Iyo Soomaaliland

0

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Al-Cuseymiin ayaa boogaadiyay Shirkii Dhab u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo sheegay in ay horseeday heshiis dhexmaray labada dhinac oo suurageliyey in la sameeyo guddi farsamo oo isku dhaf ah kuwaas oo sii amba qaada wadahadalada.

Dr. Al-cuseymiin ayaa soo dhaweeyay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la xalliyo arrinta Somaliland, waxa uuna sheegay in ay qeyb muhiim ah ka qaadanayso kor u qaadista nabadda iyo horumarka Gobolka.

Sidoo kale, waxa uu uga mahad celiyey Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle martigalinta wadahadalladan, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalalka Carabta Dr. Mishcal Al-suleymi ayaa ku dhiirri geliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya in ay sii amba qaadaan wadahadallada dhab u heshiisiinta oo horseedaya horumarka iyo dib u kabashada Soomaaliya.

Dr. Mishcal ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay dalalka Jaamacadda Carabta in ay gacan ka geystaan xasiloonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada DFS Oo Fashiliyey Weerar Ismiidaamin Oo Ay Soo Qaadeen Maleeshiyaadka Argagixisada.

0

Ciidanka Xooga Dalka ayaa Fashiliyey weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo saakay waabirigii hore ay  ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab Saldhiga  qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka ka degan  yihiin Deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka Argagixasadda ayaa weerarka u adeegsaday gaari nuuca loo Layla Calaawe ama Land ruser oo ah gawaarida inta badan loo adeegsado Safarradda Goboladda Dalka.

Ciidanka Xooga ayaa ka war helay dhagarta kooxda Alshabaab ay la damacsanaayeen Saldhiga Qeybta 21aad ee Degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Galgaduud waxaana ay ku fureen risaas taas oo keentay inuu qarxo gaarigii sidaasna ay ugu dhamaadeen Dhagar qabayaashii weerarka soo qaaday.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug ayaa sheegay  in weerarkaas ay ku shahiideen Alle ha u naxariistee labo Askari oo ahaa naftii hurayaashii is hortaagay dhagarta ay damacsanaayeen Maleeshiyaadka argagixisada.

Baarlamaanka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku bogaadiyey Madaxweyne Farmaajo Shirkii Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland

0

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Al-Cuseymiin ayaa boogaadiyay Shirkii Dhab u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland, isaga oo sheegay in ay horseeday heshiis dhexmaray labada dhinac oo suurtagaliyey in la sameeyo guddi farsamo oo isku dhaf ah kuwaas oo sii amba qaada wadahadalada isla markaasna dabagal ku sameeya qodobbada muhiimka ah ee wali harsan.

Dr. Alcuseymiin ayaa soo dhaweeyay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la xalliyo arrinta Soomaaliland, waxa uuna sheegay in ay qeyb muhiim ah ka qaadanayso kor u qaadista nabadda iyo horumarka Gobolka.

Sidoo kale, waxa uu uga mahad celiyey Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle martigalinta wadahadalladan, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalalka Carabta Dr. Mishcal Al-suleymi ayaa ku dhiirri geliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya in ay sii amba qaadaan wadahadallada dhab u heshiisiinta oo horseedaya horumarka iyo dib u kabashada Soomaaliya.

Dr.Mishcal ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay dalalka Jaamacadda Carabta in ay gacan ka geystaan xasillonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

 

Wasaaradda Dekadaha Kalluumeysiga Galmudug Oo Soo Dhoweysay Dhaqaalaha Lagu maalgelinayo Dhismaha Dekadda Hobyo.

0

Wasiirka Wasaarada Dekedaha Iyo Kalluumeysiga Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye  oo wareysi gaar ah  siiyay Radio Muqdisho ayaa marka hore ka hadlay u jeedka Munaasabadda daah-furka Howsha Dekadda oo xalay lagu qabtay gudaha Degmada Hobyo oo ay ka qeyb galeen ganacsato, siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug kuwaasoo qaarkood ka tagay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in mudada uu kulanka socday looga hadlay dhaqaalaha lagu suurtagelinkaro dhismaha dekeda iyadoo dadkii maalgelinlahaa intaba gacanta lagu hayo.

Mudane Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Galmudug iyo Maamulkooda ay diyaar u yihiin sidii isaga kaashan lahaayeen dhismaha dekeda Hobyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiri doonaan kulamo dheeraad ah oo dhex mari doono dhinacyada ganacsatada iyo maamulka dowlad Goballeedka todobaadyada soo socda kulamaadaasina looga hadli doono dardargeliyo maalgelinta dhismaha dekadda isagoo carabka ku dhuftay wasaaradda Dekadaha Galmudug ay gacanta ku hayso howsha habka iyo qorshaha dhismaha dekadda intaba.

Howsha Dhismaha Dekedda Hobyo oo hadal heynteeda soo jiitamaysay in muddo ah ayaanan horey waxba uga hirgelin, tallaabada dhismaha Dekedda Hobyo ayaa lafdhabar u noqon doonta ilaha waxsoosaarka maamul gobolleedka Galmudug iyo guud ahaan dalka.

 

 

 

 

Shir Looga Hadlayo Hindise Sharciyeedka Koronta Oo Muqdisho Ka Furmay

0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh, ayna weheliyaan Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Cismaan Libaax Ibraahim Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda ayaa maanta magaalada muqdisho ka furtay Shirka Wadatashiga Hindise Sharciyeedka Korontada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamul Goboleedyada Dalka iyo Shirkadaha Korontada Gaarka loo leeyahay waxaana uu socon doonaa muddo labo cesho ah.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Khayraadka Biyaha Ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo shirka furtay ayaa ka hadashay muhiimada uu dalka u leeyahay hindise sharciyeedkan iyo Baahiyaha ay ummadda Soomaaliyeed u qabto sharciga.

Safaaradda Soomaaliya Ee Hindiya Oo Dib U Soo Celisay Muwadiniin Ku Xayirnaa Hindiya

0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa markii labaad u fududeysay muwaadiniin Soomaaliyeed oo gudaha dalka Hindiya ku xayirnaa tan iyo markii  xuduudaha dalkaasi loo xeray xanuunka Faafa ee Covid-19.

Muwaadiniin gaaraya 128 qof oo isugu jira Ragg iyo Dumar ayay Safaarada ku guleeysay maanta in dib dalka loogu soo celiyo, iyaga oo gaari doona magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe.

Dadkan oo ka mahadceliyay sida Safaarada ay u garab istaagtay ayaa  waxaa Garoonka diyaaradaha ee magalada Hyderabad ee dadkaasi ku sagootiyay Safiir ku xigeen ahna lataliyaha Safaradda Salim C/laahi Qalinle iyo diblomaasiyiin kale.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Faadumo C/laahi Insaaniya ayaa isku howshay sidii markale muwaadiniinta Soomaaliyeed  ee ku xanibnaa dib loogu soo celin lahaa gudaha dalka.

Dowladda Hoose Ee Galkacyo Oo Bilowday Dhismaha Waddadii 2-aad Oo Laami Ah

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa laga bilaabay dhismaha wadadii labaad oo Laami ah, taas oo qeyb ka ah Mashaariicda wadaaga ah ee xoojinta nabad galyada iyo is dhaxgalka Bulshada magaalada Galkacyo

Mashruucan bilowga ah ee lagu dhisaayo wadadii labaad oo Laami ah ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta maamulka dagmada Galkacyo iyo xubno matalayay Bulshada magaalada ku dhaqan.

Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Galkacyo C/raxmaan Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb ka tahay mahsaariicda lagu xoojinayo nabad gelyada magaalada, Isla markaana ay si wadajir ah u fulinayaan maamulada dowladda hoose ee Galkacyo ee Galmudug iyo Puntland  oo gacan ka helaya Hay’adda SSF.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in dhismaha wadada ay wax weyn ka badeli doonto Bilicda Iyo Ganacsiga Ka Jira Magaalada Gaalkacyo.