Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la filayo in ay u codeeyaan kana doodaan Qodobo Muhiim ah.

Date:

Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa Maanta oo Isniin ah Kulankooda caadiga ah uga furmo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada muqdisho.

Guddoonka Golaha Baarlamaanka ayaa Xildhibaannada u diray Fariimo lagu ogeeysiinayo in uu jiro kulanka Golaha, waxaana laga dalbaday inay soo xaadiraan, waqtigana ilaaliyaan.

Ajandayaasha Kulanka Maanta ayaa la filayaa in uu noqdo u codaynta Xubnaha Guddiga Adeega garsoorka, iyo u codaynta xubnaha Guddiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa iyo sidoo kale Akhrinta 3aad oo la marsiin doono Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan waxaa ay ku guda jiraan kal-fadhigii ugu dambeeyay, waxaana horyaalla meel marinta iyo ka doodista ajandayaal dhowr ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...