Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay wado muhiim u ah shacabka Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magalada muqdisho Mudane  Cumar Maxamuud Maxamed Flish ayaa waxaa maanta dhagax dhigay wadada jaale siyaad oo xiriirisa isgoysyada korontada iyo xoosh ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada dhagax dhiga waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha degmooyinka Dharkeynle Guhaad Sheekh Xasan iyo guddoomiyaha degmada wadajir Bashiir Maxamed Cali.

Wadada ayaa waxa ay marin muhiim ah tahaya dadweynaha ku nool labada degmada maadaama ay ka mid tahay wadooyinka ugu ganacsiga badan iyadoo ay yalaan suuqyo iyo goobo kale .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa kula dardaarmay shacabka degmooyinka wadjir iyo dharkeynley in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadada oo aan helin dayactir 30-kii sano ee la soo dhaafay waxaana sidoo kale uu kula dar daarmay inay ilaaliyaan nadaafada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...