Waxaa sii kordhaya qulqulka dadka qaxootiga ee ka cararaya colaada waqooyiga itoobiya kuwaas oo ka talaabaya xadka Sudan+(SAWIRRO).

Date:

Sida ay sheegtay heyada qaramada midoobe ee qaxootiga dad lagu qiyaasay 4,000 ayaa maalinkii ka talaabaya xuduuda Sudan .

Dadkan oo u badan caruur iyo haween ayaa qaarkood ka gudbaya wabiga Tekeze halkaas oo doonyo macmal ay raacayaan halka qaar kalana ay dabaalanayaan.

Deegaanada Lugdi iyo Hamdayet oo dhaca bariga Sudan ayaa halka ay qaxootiga ugu badan gaareen.

Sabtigii aynu soo dhaafnay waxaa UNHCR ay sheegtay in qaxootiga Sudan gaaray ee la diiwaan galiyay ay 20,000 ka badan yihiin.

Shaqaalaha gargaarka ayaa xuduuda ku qaabil caruur iyo dumar jilacsan oo xanuunsanaya kuwaas oo daryeel caafimaad u baahan .

Dadka colaada ka baxsanaya ayaan wadan agab maadaama ay guryahooda hal haleel uga soo baxeen

Madaxa UNHCR ee Sudan Axel Bisschop, ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo kasta oo lagu badbaadinayo dadka magangalyo doonka ah ay muhiim tahay.

Dagaalka ka socda gobalka Tigreega ee waqooyiga itoobiya ayaa heyadaha gargaarku sheegeen in uu sababyo musiibo bani’aadanimo hadii aan la joojin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...