Home Blog Page 825

Hay’addaha Dib-U-Eegista Dastuurka Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Shiray Arrimaha Dastuurka+sawirro

0

Hay’adaha u xilsaaran dib-ueegista dastuurka oo kala ah Wasaarada Arrimaha Dastuurka, Guddiga Baarlamaanka ee la-socodka Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa shir ku qabsoomay aalladda la iska arko ee Internet-ka la yeeshay qaar ka mid ah Danjirayaasha dalalka iyo hay’adaha caalamiga u fadhiya Soomaaliya oo kala ah UN, Norway, Sweden, Denmark, UK, Switzerland, EU, Germany, Italy, iyo US.

Shirka intii uu socday ayaa lagu gorfeeyay caqabadaha soo food-saray iyo horumarka laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sii wadidda hayaanka loogu jiro dhameeystirka dastuurka.

Ugu horeeyn, kulanka waxaa warbixin ka jeediyay Wasiirka Ariimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay howlaha qabsoomay mudooyinkii dambe isagoona yiri.

“Waxaa noo suurtagashay in aanu qabanno howlo muhiim ah oo ina horyaallay kuwaasi oo masiiri ah qaar kalena inoo harsanyihiin, inaga oo og muhiimadda uu leeyahay dib-u-eegista dastuurka” Wasiir Saalax ayaa sidaasi sheegay.

“Waxaa kulamo-shaqo oo wadaxaajood ah la yeelanay Wasaaradaha DFS iyo qaar ka mid ah Dowlad Gobolleedyada inagoo kala arinsanay daadajinta awoodaha, xal-ka-gaarista arrimaha u baahan wadaxaajood-siyaasadeed iyo dar-dargelinta arrimaha wacyigelinta dadweynaha iyo uruurinta ra’yiga shacabka Soomaaliyeed ee ku saabsan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay”.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo danjirayaashii kale ee shirka ka qeybgalay ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay iyo wadashaqeeynta ka dhaxeeysa hay’adaha u idman dib-u-eegista dastuurka xiligan adag ee khatarta Caabuqa COVID19 uu jiro, sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen guulaha laga gaaray arrimaha farsamada ee dastuurka iyo arrimaha xalka siyaasadeed u baahan oo wax laga qabtay howlaha ka dhimanna ay qorsheysanyihiin in muddo dhow la soo dhameystiro.

Dhanka kale, waxa ay beesha caalamka ku boorriyeen DFS iyo D/Goboleedyada inay kawada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee heshiiska u baahan si loo dhameeystiro dastuurka muddo xileedkan hada lagu jiro.

Gebogabadii, Wasiir Saalax Jaamac ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka garab istaaga ay had iyo jeer u muujiyaan Wasaaradda iyo labada Guddi, sidoo kalena waxay Beesha Caalamka markale xaqiijiyeen joogteynta taageeradooda ay siiyaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka si looga dhabeeyo rabitaanka shacabka ee ah dhammeystirka dastuurka.

Wasiirka Warfaafinta Oo Soo Kormeeray Goobaha Is-xilqaan Lagu dhisay

0

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ahna Guddiga Qaban-qaabada Xuska 60-Guurada Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya.

ayaa maanta Kormeeray Madxafka qaranka, Maktabadda iyo Golaha Murtida Madadaalada, Wasiirka oo ay Ku wehliyeen Kormeerkiisa xubno ka tirsan Guddiga Qaban-qaabada Xuska 60-Guurada Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu warbixin ka dhageystay howl-wadeenada ka howlgala goobihii uu booqday ayaa waxa ay qeyb ka ahayd inuu u kuurgalo sida ay u socdaan howlaha dhismaha iyo dayactirka xarumaha la dhisay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn u gashay sidii ay u dayactiri lahayd dhismayaashii muhiim adeegyada bulshada Soomaaliyeed sida Maktabadda, Tiyaatarka, xarunta Madxafka Qaranka, xaruntii hore ee xisbiga iyo Garoonka Kubadda cagta ee Muqdisho Stadium kuwaasi gebi ahaanba si buuxda loo dayactiray.

Wasiirka Maaliyadda Oo Soo Dhoweeyay Bankiga Adduunka Oo Ansixiyay 55 Milyan Ee Kabka Misaaniyadda Dowladda Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Duacaale bayle ayaa sheegay in Bankiga aduunka uu ansixiyay 55 milyan oo lagu kabayo miisaanadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kambka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag.

“Lacagtaan deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul Wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay sadexdii sanadood ee la soo dhaafay.
Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna shacabka iyo ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono”.

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku guuleysatay dib habeynta dhaqaalaha taasi oo ay ka dhalatay in hay’adda dhaqaalaha aduunka ay Soomaaliya ku amaaneen sida ay u maareysa nidaamka hufnaanta dhaqaalaha dalka iyo heerka ay ka gaartay arrimaha deyn cafinta

Dating Tips For Manuacturers

0

The seeing advice for a great engineer is that you don’t desire to date someone like me. Basically what you said above is great dating tips for designers. Now, I just am about to get married and this love of life is an application engineer! Needless to express, she practices these guidelines and eventually find out why I have already been so dismal in previous relationships.

Not what that I was performing before I just met this computer industrial engineer was playing online games. The lady was an avid participant of free online games and was obsessed with Wow and Final Fantasy A. It turned out she is also a enormous lover of all these types of big names in online video gaming. So , it had been that your woman really enjoyed what I have and was totally in what I do.

As the months passed, our relationship began to blossom. I actually even acquired the chance to particular date her. Facts were going well until I met her new man. What happened to the relationship?

So , how can you time a computer professional? First thing primary. You must get to know these people. They may be very shy at first and would need some time to get used to the presence. Likewise, keep in mind that they are the same men and women that write code. So , you can need to use some steps to see through their cowardliness, timidity, fearfulness, apprehension.

The internet dating methods for engineers are that you have to show patience. In fact , they must end up being treated just like royalty because of the status and skills. However after some time, you can inquire from them away. They will be incredibly open to the advances should you show them some esteem and they can even make a date with you. In fact , they may also invite you to their place for dinner. Should you that, they will surely believe you are interested in them too.

Of course , in the event things can not work out, they can break the relationship. Assuming you have already hit with someone who you sense is good and has characteristics similar to these people, then they are worth going out with. You can just await them to discover their true love and break program you somebody new. But once you feel they are really not good enough to suit your needs, do not give up!

There are many online dating tips for engineers out there. Should you just know where you should look for them, you will get one of the most out of your relationships. Internet dating sites can provide you with a huge selection of profiles and online dating advice pertaining to engineers. You can also get free dating mexican dating site hints and tips for the engineering fields that http://www.ivf-berlin.de/www/tr/amplify-your-relationship-with-your-mom-and-get-one-stage-closer-to-being-the-man-you-wish-to-be/ will help you associated with right options.

Internet dating is one of the good ways to meet people. But , you should not let this thing get in the way of building an enduring relationship. Dating is a fantastic thing that anyone can experience.

Wasaaradda Caafimaadka Oo Faah-faahisay Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Covid-19

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa faahfaahisay Wararkii ugu dambeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.

Warbixinta kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka ayaa siddaan u qorneyd:

> Laga Helay: 23

> Somaliland: 18

> Benadir: 5

> Lab: 18

> Dhedig: 5

> Bogsasho: 11

> Dhimasho: 0

> Tirada Guud Laga Helay: 2,835

> Bogsashada Guud: 829

> Dhimashada Guud: 90

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS Oo Ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobollada Waqooyi

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxey Maalintii Afaraad oo xiriir ah Maanta kulan ku yeesheen,iyagoo ka doodayay Xeerarka doorashada oo ay u soo gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta Xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Waqooyi.

167 Xildhibaan ayaa ogolaaday xeerkaan, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diiday ma jirto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in xeerkaan uu ansax yahay,isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Soo Guuleysatay Dhammeystirka Qoriska Manhajka Dugsiga Sare “Daawo Sawirro”

0

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Taliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qabatay Xafladda Gabagabada Qoraalka buugaagta Manhajka Qaranka ee dugsiga Sare oo ah buugaag ay diyaariyeen dad Soomaaliyeed.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabadda Wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo munaasabada ugu qeyba galay habka adeega casriga ah ee online-ka,Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada ,Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf, Agaasime xigeeno qubaradii diyaarisay Manhajka Waxbarashada, xubno ka socday shirkada Badar ee daabacay Manhajka,Culimaa’udiin iyo marti sharafkale oo lagu casuumay.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo u mahadceliyay Khubaradii iyo dadkii waqtiga ku soo bixiyay in la helo Manhaj dugsi sare oo la jaan-qaadi kara dalka ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in lasoo gaaro heerkaan Gabagabada qoraalka buugaagta Manhajka, isagoo sheegay in ay ka go’antahay tayeynta Waxbarashada Dalka.

Senator Naciimo Oo Soo Dhoweysay Qoondada Haweenka Ee Baarlamaanka Meelmariyay

0

Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siisay Radio Muqdisho ayaa si diiran u soo dhoweysay qoondada haweenka ee uu meelmariyay Golaha Shacabka ka dib markii uu maalmo ka doodayay sidii xeerkaasi lagu meelmarin lahaa.

“Qoondada haweenka 30% aad ayaan ugu faraxsanahay, waa wax muddo dheer loo soo dagaalmayay oo runtii gabdhihii naga horeeyay ee bulshada rayidka, dad badan ay waqti u soo geliyeen annaga naftirkeena sidaas kuraasta ku helnay”. Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf ayaa sidaasi tiri.

“Laakiin waxaa la rabaa in la ogaado kuraasta aan ku fadhinaa waxaa iska leh beelo Soomaaliyeed, dhaqanka Soomaaliyeedna runtii waa dhaqan marwalba culeysku ah gabdhaha waan ku faraxsanahay in nala siiyo qoondada” ayay hadalkeeda raacisay Senator Naciimo.

Senator Naciimo ayaa hoosta ka xariiqday in haweenku ay juhdi ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen qoondada boqolkiiba sodon iyadoo ugu baaqday dadka ama beelaha uu ku maqan yahay saamigaasi looga baahan yahay in xagooda laga helo.

“Waxaa ay sheegtay in ay iyada qabto fekerka ah in la siiyo haweenka qoondada 30% haweenka oo kuraasta marwalba loo hormariyo gabdhaha kadib reerkii gabdhihii soo baxo ay kuwa ka le ku qasbanaadaan ayna la sii tarmaaan si ay u helaan 40% ama 50%” ayay tiri Senator Naciimo Ibraahim

Ansaxinta Qoondada haweenka ayaa micnaheedu yahay in kuraasta golaha ay haweenku kuleeyihiin ay Hadda wixii ka dambeeya u tartami doonaan keliya haween gaar ahaan Baarlamaanka 11-aad ee soo socda.

 

Guddiga Qaban-qaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda Oo Kulan La Qaatay Taliyayaasha Ciidanka Qalabka Sida

0

Kulankan oo looga hadlay u diyaar-garowga qabsoomidda Munaasabadaha Maamuuska Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada JFS gaar ahaan Sugidda ammaanka ayaa dhexmaray Guddiga Qaban-qaabada 60-sano guurada Xorriyadda Soomaaliya iyo saraakhiisha ciidamada qalabka sida shirkan oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta XFS mudane, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Kulanka oo Saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayay guddiga Xuska maalmaha xoriyaddu la yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka ee Qaranka oo uu ugu horeeyo taliyaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Mudane, Odawaa Yuusuf Raage, waxaa kale oo goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdraxmaan Aadan, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed, saraakiil ka socday Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay Adkeynta Ammaanka Caasimadda inta lagu guda jiro todobaadka Xorriyadda iyo sidii looga gaashaaman lahaa falalka argagixiso ee cadawgu umaleeyagaan ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka oo inta uu socday ay masuuliyiinta muujiyeen muhiimada ay leedahay in masuuliyadd layska saaro goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto maamuska ayaamaha Xorriyadda JFS.

Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garowday Xuska Todobaadka Xorriyadda 60-sano guuradii ka soo wareegatay markii layska tuuray heeryadii gumeystaha oo  ka bilaabanaysa 26 bisha Juun maalintii ay Gobollada Waqooyiga xoriyadda ka qaateen gumeystihii kuna eg 1-dii Luuliyo oo ah maalinta Xornimada Goboladda Koofureed iyo Maalintii ay midooben Gobolladii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya halkaas oo lagu aas aasay dowladii ugu horeeysay ee gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni Iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo Qardho Tagay

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee Gobalka Bari, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo mas’uuliyiin kale,  halkaasoo ay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Qardho ay diiran ugu soo dhoweeyeen.

Ujeedka Safarka madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu yahay sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo tababar muddooyinkii dambe ugu socday deegaannada Qardho iyo Badhan.

Inta uu ku sugan yahay Qardho madaxweye Deni ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa maamulka magalada Qardho iyo odayaasha dhaqanka qaarkood, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan.