Wasaaradda Caafimaadka JFS oo qeybo ka mid ah Dalka ka bilowdo Howlo Wacyi galin ku aadan Ka hortaga Cudurada dhashay xilliyada Roobka+(SAWIRRO).

Date:

Wasaarada Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshadda JFS ayaa bilowday Howlo looga hortagaayo cudurada ka dhashay Xilli roobaadka meelaha biyo fadhiisidka.

Howshaan oo ah wacyi galin iyo qaabkii lagula dagalaami lahaa kaneecadda xilliyaha Biyaha fadhiisadka ee Roobabku keeno taasoo sababta cudurada duumada iyo cuduro kale sida Dengue fever (Xumadda) iyo cudurada kale.

Wasaaradda ayaa xooga saartay deegaanada ku xeeran wabiyada iyo goobaha kale ee uu roobku Biyaha dhigo waxaa shaqaalaha wasaaraddu ay bilaabeen wacyi galin Agab iyo Daawooyin looga hortagaayo halista Cuduradda.

Ugu Dambeyntii Wasaarada Caafimaadka ayaa Bulshada qeybaheeda kala duwan kula talisay inay ku dadaalaan nadaafada kana taxadaraan biyo fadhiyada wasakhda ah iyo Meelaha gabaadka u ah kaneecada sida dhirta in ay wax ka qabtaan si cudurada looga hortago.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...