Home Blog Page 801

Deegaanka Ooda-gooye ee gobolka Sool oo dab ka kacay.

0

Wararka aan ka heleyno dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaalada Laas-caanood gobolka Sool ayaa sheegay in halka uu ka kacay Dab xoog leh,dabka ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sii fiday deegaano horleh waxana socoto dadaalo lagu doonayo in lagu damiyo Dabka.
Qoysas farabadan oo daganaa baadiyaha laas –caanood aya lagu soo waramayaa in ay bilaabayn in ay ka barakacaan guryahood iyagoo ka cabsi qaba in Dabka uu ku sii fido deegaanada ay ku nool yihiin.
Ilaa hada lama oga sababta keentay dabka,  dabylah todobadkan ayaa waxaa laga dareemay qaar kamid ah gobolada dalka dabeylo kuwaas oo sahalay in dabku si deg-deg ah ugu  sii fido dadka dagan dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaalada laas-caanood ee gobolka Sool.

Adeegsiga baraha bulshada oo ah mel ay ku kulman dadyoowga caalamka ku kala nool

0

Dadka ku nool dunidan ayaa waxay adeegsadan aaladaha kala duwaan ee lagu isticamaalo baraaha intarnetka
Waxaa ka midah aaladaha ay dadka sidaa aadka ay uu isticmaalan aalada tiktoka instagramka, facebook, you tubka, snapchatka, whatsapp, imo, twitterka, we chat iyo kuwa kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin, qaybaha kala duwaan ee dadyowga caalamka ku nool ayaa siyaabo kale duwaan u adeegsada baraaha bulshada ay ku dhex leeyihiin internetka.
Aalada Youtubka ayaa la sheega in dadka isticmaala dunida ay ka sameyaan gacansi ay ka soo saaran muqaaladda ay soo dhigaan barta ay ku leeyihiin Youtubka .
Aaladda loogu istimaalka badan yahay ayaa ah adduunka aaladda Facebooke, waxaana isticmaasha ku dhawaada dad lagu qiyaasay 2.4 bilyan oo qof halka labada kale ee Youtube iyo Whatsapp las heegayo in ay isticmaalaan in ka badan hal bilyan midkiiba.
Inkastoo aan la ogaan karin inta dad ku nool dunidan hadana waxaa la sheega in ay ku dhawaad 7.7 bilyan qof in ay duljoogan dunidan, 3.5 bilyan ku dhawaad ayaa isticmaala baraaha bulsha ee ku xiran Internetka, taasoo ka dhigan in saddex meelood labo meel ay adeegsaddaan Internetka.
Tiknolojiyadda casirga ayaa isbedal ku sameysay dunida, iyadoo la isku dhafsanyo dhacdooyinka caalamka ka dhaca, waxaana si deg deg ah ay isku gaarsiiyaan aaladahan casriga ee ku soo biray.
Aaladaha loo adeegsado intertenka ayaa la sheegay in ay soo bilowdeen 2000 ilaa 2004 oo ay ku soo biireen badankoodu caalamka, sidoo kale waxaa jiray labo aaladood oo aan si weyn u caan bixin kuwaasoo tartan kula jiray aalada Facebooke waxayna kala ahayeen MySpace iyo Friendster oo soo baxay sanadkii 2008 waxaana loo isticmaali jiray hi5 waxayna si toos ah uga baxeen guud ahan isticmaalka dunida sanadkii 2012-kii.
Aalada Twiterka ayaa 2011kii aysan suuragal ahayn in ay soo galiyaan dadka isticmaala muqaaladda, iyadoo hataan ay aad u soo galiyan muqaalada dadka caalamka daafihiisa ku kala sugan ee adeegsada.
Aalada loogu isticmaalka badan yahay ayaa ah Facebooke oo haysta isticmaalka ugu badan dunida waxaa soo raac YouTube, Instagram iyo WeChat saddexda kale ayaa midkiiba waxaa adeegsada ku dhawaad hal bilyan oo qof.
Aaladda Tiktok ayaa ah aaladah dib ka soo biirtay waxaa ay soo bilaabtay 2016kii ilaa 2018kii, waana aalad ay aad u adeegsadan dadka u badan dhallinyarada dadka isticmaala ayaa si dhaqsi ah waxaa ay caan uga noqdan baraha bulshada .
Aalada Tiktok ayaa ah aaladah dib kasoo biray waxaa ay soo bilaabtay 2016kii ilaa 2018kii waana aalad ay aad u adeegsadan dadka u badan dhalinyarada dadka isticmaala ayaa si dhaqsi ah waxaa ay caan uga noqdan baraha bulshada.
Dadka adeegsada ayaa hab muqaal ah isugu gudbiyaa fariimaha maweelada ee ay ugu talgaleen saaxiibadood kale ee ku taxan aalada TiKtok ee ay ku isticmaalan barta Internet-ka,maraarka qaar ay dadka isticmaalad waxay jilliin ku sameyaan sugaanta,haba uu bad nadeene dadka ajinbiga oo aad ujila sugaanta Soomaalida,isku soo wadda duubo tiknolojiyadda casriga ayaa ah ee caalamka ku soo biirtay ayaa u fuduudeysay dadyoowga caalamka ku kala nool in ay heel mel ay ku wada caweeya.

W.Qoray Naciimo Cabdi Saciid (Shiino)

Dood ku saabsan arrimaha maqaamka Muqdisho iyo dib u eegista Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Kulan wadatashi ah oo ay soo agaasintay wasaarada Dastuurka ee XFS ayaa aheyd mid looga doodayay dardargalinta dhismaha maqaabka Caasimadda iyo kaalinta kaga xusan dib-u-eegista Dastuurka qaranka.

Kulankan dooda ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano katirsan DFS, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho , guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, qaar kamid ah Agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo xubna ka socday beesha caalamka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo madasha ay dooda ka socotay ka hadlay ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caadimadda.

“ Magaalada Muqdisho waxaa kunool dad lagu qiyaasay in kabadan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka Caasimadeed waxaana aragtida dadweynaha Muqdisho kamid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib u dhiska Caasimadda iyo in magaalada ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii laheyd”.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka Muqdisho.

“Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaarada Dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka Muqdisho”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo kaalinta maqaamka Muqdisho.

“ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho.

Shir looga hadlayo arrimaha garsoorka dalka oo Muqdisho ka furmay

0

Shir sanadeedka garsoorka dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaaso looga hadlayo arrimaha xaaladda ah garsoorka iyo cadaalada dalka halka uu marayo

Sidoo kale sanadkii labaad  ayaa shirka lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana ka qabgalay hay’addaha Garsoorka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa  hay’aadddah garsoorka dalka, iyadoo  wasaaradda cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada garsoorka dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  horay ubalanqaaday in hay’aaddah garsoorka laga dhigi doonno kuwo lagu kalsoon karo waxaana dib u habeynta lagu sameyay hey’aaddah garsoorka dalka .

 

Duqa Muqdisho oo Casho sharaf sagootin ah u sameeyay qar kamid ah wax garadka Soomaaliyeed

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kulan casha sharaf sagootin ah u sameeyay Isimada Soomaaliyeed ee ka socday dowlad goboleedka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, odoyaal dhaqameed, fannaaniin iyo qeybaha bulshada rayidka.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in Muqdisho ay tahay Caasimadda ummadda Soomaaliyeed

Magaalada Muqdisho  waa magaalada madaxada ummadda Soomaaliyeed,waxaana waajib ka saranyahay qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah in uu door ka qaato xoojinta xasiloonideeda iyo xal u hilda nabad galyada magaaladda”.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo shirka Golaha 47-aad uga qeyb gelaya Uganda

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas,iyadoo halkaa oo uu ku soo dhaweeyay Ku-simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ,Mudane Cali Maxamed Cagabaruur.

Wasiirka ayaa magaalada Kampala kaga qeybgalaya shirka heer wasiir ee Golaha 47-aad ee Xarunta Maamulka Shaqaalaha Gobolka Afrika (ARLAC) kaasoo loogu talagalay wasiirada mas’uulka ka ah shaqada ee waddamada Afrika.

Wasiir Sadiiq Warfaa ayaa shirka Golaha 47-aad ee ARLAC ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan arrimaha shaqaalaha iyo horumarada ay Wasaaradiisu ka gaartay.

Baarlamaanka Mororco oo Sheegay in dhulka Falastiin aan la Bixin Karin.

0

Baarlamaanka boqortooyada Morocco ayaa xaqiijiyay in dhismaha dowlad madaxbanaan oo caasimadeedu tahay Qudus ay xaq u leeyihiin dadka reer Falastiin maadaama aysan mugdi jirin in israa’iil ay haysato dhul aysan lahayn oo ay xoog ku qabsatay.

Baarlamaanka Moroco ayaa soo saaray bayaan ay arrintaas kaga hadleen kaas oo ay ku sheegeen “Dhisitaanka dawlad madax banaan oo caasimadeeduna tahay Qudus waa xuquuq u gaar ah oo aan cid kale lasiin karin Falastiiniyiinta” ayaa lagu cadeeyey bayaanka.

Qorshaha Qarniga ee nabada bariga dhexe oo ahaa mid uusoo bandhigay Madaxweynaha maraykanka ayay baarlamaanka Moroco ku tilmaameen inuu yahay qorshe colaad abuuraya oo aan arrimaha nabadda bariga dhexe u wanaagsanayn.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Moroco Xabiib Al-maalik ayaa tilmaamay in baarlamaanka Moroco ay si adag u diidan yihiin in la fara geliyo ama la qaato dhulka falastiin.

 

Norway Oo Taageero Dhaqaale Siinaysa Hay’ado Ka Tirsan QM Si Ay Gargaar Beni’aadannimo Dalka Uga Hirgeliyaan

0

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in la kordhiyo baahiyaha arrimaha Beni’aadannimada sanadka 2020-ka iyadoo loo eegaayo dagaallada waqtiga dheer iyo roobabka xilligan oo aanan da’in cimilada darteed.

Sanadkan, Norway ayaa bixinaysa lacag dhan 420 milyan oo ah Shilinka Norway taasi oo ay ugu deeqayso Santuuqa Dhexe ee Ka jawaaba xaaladaha deg-degga ah ee QM kaasi oo loo soo gaabiyo (CERF) iyo Sidoo kale 90 milyan oo ay siinayso xafiiska Isku xirka Arrimaha Beni’aadannimada QM ee UN (OCHA).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Ine Eriksen Søreide oo ka hadashay arrintani ayaa sheegtay ‘In Kharashkani ay bixinayso Norway lagu xaqiijinayo si ay uga caawiso

In hay’adaha ay ka jawaabaan meelaha ugu saameynta badan oo ay ka jiraan arrimaha beni’aadantinimada, iyadoo ay barbar socoto istaraatijiyadda dhanka beni’aadantinimada’, ayay tiri Ine Marie Eriksen Søreide.

QM ayaa sheegtay in lagu qiyaasay, 167.6 milyan oo qof ay u baahnaan doonaan gargaarka beni’aadantinimada iyo hooy sanadkan 2020.

Iyadoo Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa codsigii ay u jeedisay dunida ay ku codsatay sanadkan 2020-ka is la siiyo lacag dhan 28.8 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Norway ayaa ka mid ah dalalka deeqaha ugu badan siiya Sanduuqa Dhexe ee Ka Jawaabista Xaaladaha Deg-degga ah ee QM ee Loo soo gaabiyo (CERF).

CERF waxay xaqiijinaysaa in kaalmada si dhaqsiyo badan loo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen mashkiladaha dhinaca beni’aadantinnimada. Waxaana ay sidoo kale bixinaysaa lacagaha sida aadka ah loogu baahan yahay ee loogu talo galay in lagu kharash gareeyo xaaladaha deg degga ah.

Sanad walba, 20 milyan oo qof ayaa hela kaalmada caafimaadka degdegga loogu baahan yahay iyadoo loo soo marsiiyo hay’adda CERF, halka 10 milyan oo qof ay helaan gargaar cunno. Sanadkii 2019-kii, CERF waxay kharash gareysay 47 dal si loo yareyo mashkiladaha ka taagan dhinaca beni’aadannimada kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dalalka Soomaaliya, Jibuuti, Yemen iyo Dalka Venezuela.

Sanadkani, CERF waxay gacan ka geysatay sidii looga hortagi lahaa xalna loogu heli lahaa Anyaxa Saxareedka oo dhibaato badan ku haya wadamada Bariga Afrika, iyadoo sidoo kale gacan ka geysatay sidii hooy iyo hu loo gaarsiin lahaa meelaha dadka ay sida aadka ah baahi ugu qabaan sida goobaha dagaalku haleelay ee Dalka Niger. QM ayaa waxay door ka qaadata xaqiijinta isku xirka, Qorsheynta iyo hirgelinta jawaabaha Beni’aadannimada.

‘Sida wanaagsan ee QM waxa ay muhiim u tahay xaqiijinta in tallaabo beni’aadannimo ay ka shaqeysiin karto si wax looga qabto dadka ay wajaheen mashaakilaadyada ugu badan. Xiriiriyeyaasha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa iyo Xafiiska QM ee Isku xirka Arrimaha Gargaarka ee (OCHA) ayaa iyaguna ka qaata doorkoodu muhiimka’, sidaasi waxaa sheegtay wasiirka Arrimaha dibadda Norway Ms Eriksen Søreide.

Sanadka 2020-ka, Norway waxay bixinaysaa 90 milyan oo doolar oo lagu kharash gareynayo dadaalada  hay’adda OCHA si korloogu qaado tallaabada isku xiran ee beni’aadannimada. Sidoo kale, waxay Norway, waxay taageero ku bixin doontaa xafiisyada ay ha’adda OCHA kuleedahay wadamada iyo dhaqaale kale oo loogu talo galay wadamada aadka unugul ama saboolnimada ay ka jirto.

Mid kamid ah shaqada beni’aadannimada ayaa ah in la xaqiijiyo badbaadada islamarkaana la saacido dadka gudaha ku barakacay. Hay’adda Qaxootiga ugu qaabilsan ee (UNHCR), in ka badan 41 milyan oo qof oo dunida dacaladeeda ku kala nool ayaa lagu barakiciyay gudaha wadamada dhammaadkii sanadkii 2018-kii. Tiradani ayaa ah mid sii kordhaysa, waxaana jirta baahi loo qabo si loo kordhiyo jawaabta laga bixinayo arrintani.

3-dii bishii Diceember sanadkii la soo dhaafay, Xoghayaha Guud ee QM ayaa aas aasay guddi heer sare ah oo ka shaqeya arrimaha barakacinta, waxaan loo xilsaaray in tallooyin ka keenaan sidii dalalka ay kunool yihiin dadka barakacay ay u siin lahaayen badbaadada ay u baahan yihiin, iyo sidii xulal waara looga gaari lahaa mashkiladaha ku gidaaman dadka soo barakacay.

Norway waxay si fir fircoon u taageertay hindisahan waxayna ku bixin doontaa 6.55 milyan oo lagu maalgelinayo miisaaniyadda sanadkani ee Beni’aadannimada taasi oo uu Xoghayaha Guud u dhisay sidii loo taageeri lahaa in Guddigani uu Shaqeeyo.

Waxaa Tarjumay Maxamednur Max’ed ‘Johannesburg’

https://www.cnbcafrica.com/apo/2020/02/11/norwegian-support-for-un-humanitarian-aid-efforts/

Ardayda Deegaanka Guriceel Oo Ka Qeyb Galay Dhismaha Wadada Dhuusamareeb Ku xirta Guriceel ‘Sawirro’.

0

Ardayda wax ka barata Iskuulada ku yaalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa saaka ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan oo shacabku ku dhisanayaan waddada dheer ee isku xirta Deegaanka Guriceel iyo Degmada Dhuusamareeb.

Wadadaan oo qiyaas ahaan ku dhow 70-KM ayaa waxaa si Isxilqaannimo ah ku dhisaya shacabka Deegaanka Guriceel oo kaashanaya Maamul Gobolleedka Galmudug, waxaana haatan lagu guuleystay dhismaha dhowr Kiilo mitir oo horay u burbursanaa.

Gaadiidleyda isticmaasha wadadaan iyo shacabka dib u dhiskeeda ku howlan ayaa dalbanaya in lagu taageero agabka ay u baahan yihiin si loo fududeeyo dhismaha waddooyinka.

Madaxweynaha JFS Oo Kulan La Qaatay, Charles Michel Oo ah Madaxweynaha Golaha Midowga Reer Yurub.

0

Kulanka Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la qaatay Mr. Charles Michel oo ah Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub ayaa kulan koodu waxa uu ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Labada Mas’uul ayaa ayaa iska xog wareystay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya taas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ka sameysay Xagga dhaqaalaha iyo Dib u habeynta Hay’addaha Dowliga ah.