Home Blog Page 802

Kulan looga ariinsanyo nidaamka Cadaaladda iyo Amniga oo Muqdisho ka furmay

0

kulan looga hadlayo Hanaanka Cadaaladda Federaalka iyo masuuliyadaha Amniga ee la xiriira dib u-eegista dastuurka ayaa ka furmay muqdisho waxaana ka soo qayb galay kulanka wasaaradaha Cadaaladda, Amniga iyo khuburro caalami ah.

kulanka oo ay si wada jir ah usoo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Dastuurka iyo Arrmaha guddaha ayaa muddo laba cisho ka socon doona magaalada muqdisho.

Iyadoo lagu soo bandhigi doonaa hannaanka cadaaladda ee federaalka ah iyo masuuliyadaha amniga iyo nuuca booliska federaalka iyo sida ay u wada shaqaynayaan booliska federaalka iyo kan dowlad goboleedka iyo awoodaha ay kala leeyihiin.

Wasiirka Dastuurka Saalax Ahmed Jamac iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa si wadajir ah u furay kulanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku howlan tahay sidii loogu kala saari lahaa awoodaha ay kala leeyihiin labada heer dowladeed ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

“Waxaa muhiim ah in la kala garto awoodaha jira iyo sida loo  kala qaybiyo labada heer , kadibna heshiis laga gaaro si dastuurka dalka loogu qoro ” ayuu yiri wasiir Sabriye.

labo kamid ah raggii loo haystay kiiskii marxuumada Caisha Ilyaas oo maanta lagu toogtay Bossaaso

0

Waxaa goor dhawayd Magaalada Boosaaso dil qisaas ah lagu fuliyay laba xukunsane oo horay lagu helay dilkii allaha u naxariiste   Caa’isha Ilyaas  Aadan oo ahayda gabar 12sanno jir ahada.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu fuliyay dilkaani toogasho halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame  oo ahaa Xukmanaha saddexaad mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Caa’isha .

Maxkamada Darajada Koowaad ee gobalka Nugaal ee racfaanka iyo Maxkamada sare ee Puntland ayaa dhaammaantood si iska mid ah iskugu raaceen xukun dil ah ee ragga lagu helay in ay gaysteen kufsiga Caisha Ilyaas oo ahayd gabar yar  oo 12 jir ah taas oo ay kufsadeen raggan saakay toogashada lagu fuliyay.

 

 

 

 

Akhriso: Nuxurka khudbadii madaxweyne Farmajo ee Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika+sawirro

0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika.

“Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.”

Madaxwwynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan.

“Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin.

Dhismaha Garoonka kubadda Cagta Cabdullahi Ciise oo meel wanaagsan marayo.

0

Gudiga Ku hawlan Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdulaahi Ciise Ee Magaalada Galkacyo Ayaa Kulan Looga hadlayey sidii loo dardar gelin lahaa hawsha dhismaha garoonka Waxa ay layeesheen qaar ka mid ah Bahda Sportiga Gobalka Mudug. Gudoomiyaha Ururka HAB Ee Gacanta Kuhaya Qorshaha Lagu dhisayo Garoonka Kubadda Cagta Cabdullahi Ciie  Mudane Maxamuud Cali Oo Ka war bixiyey halka uu marayo qorshaha Dhismaha Garoonka Ayaa sheegay in howlaha ugu horeeya  ee gudigaan ay qabanayaan ay tahay in todobaadkan la guda gali doono hawlaha dhismaha garoonka.

Bahda Sportiga Magaalada Galkacyo ayaa dhankooda balan qaaday inay Gudiga kala shaqayn doonaan dhamaystirka Garoonka oo gacan ay ka gaysan doonaan dhismaha iyo hawlaha lagu hormarinayo garoonka.

 

Wasiirka baadroolka DFS oo booqday Xarumaha Shirkadaha Shidaalka Dalka Suudaan.

0

Wasiirka Batroolka oo bryahaanba ku sugnaa Dalka Suudaan ayaa booqday shirkadaha iyo Xarumaha kala duwan ee ka shaqeeya shidaalka iyo Macdanta dalka Suudaan laga leeyahay, iyaoo booqashada ku wehliyay Safiirka JF Soomaaliya Maxamed Sheikh Isxaaq iyo madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya yusuf jeego.

Wasiirka ayaa Goobaha ku soo dhoweeyay Howl-wadeenada shirkadaha shidaalka, iyagoo Wasiirka ugu warbixinayey sida ay u shaqeeyaan iyo qalab-ka kala duwan ee ay isticmaalaan.

Wasiirka ayaa intuu booqashada ku jiray waxa uu warbixin ka siiyey shirkadaha uu booqanaayay sida Soomaaliya diyaar ugu tahay inay ka faaidaysato khayraadkeeda gaar ahaan dhanka baadroolka iyo Macdanta.

Wasiirku waxa uu sheegay inmaanta dalka Soomaaliya uu soo dhawaynayo cid kasta oo maalgashanaysa, isla markaana dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeduba ay diyaar u yihiin in ka faaidaystaan khayraadkooda, isagoo xusay in dalka Soomaaliya yahay mid leh Khayraad aad u fara-badan,  ayna ka go’antahay in la helo Soomaliya isku fillan gaar-ahaan dhaqaaleheeda, iyadoo laga duulayo in laga faaidaysto nimcooyinka iyo Khayraadka ku duugan oo alle ku manaystay dalka Soomaaliya.

Wasiirka baadroolka-Dowlada fedraalka Soomaaliya Abdirishiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Hataaan la joogo xiligii Suudaan iyo Soomaaliya ay iska kaashan lahaayen wax-soosarka khyraadka dabiiciga ah, isla markaana loo abuuri lahaa jawi wada shaqayneed oo labada dal wadayeeshaan gaar ahaan wax soo-sarka shidaalka iyo Macdanta.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweyne farmaajo uu meel mariyey sharciga badroolka, waxana haatan dowladu dadaal ugu jirtaa sidii suuq caalami ah loogu heli lahaa shidaalka Soomaaliya, si dalkeenu uga baxo baahida dhaqaale xumo iyo ku tiirsanaanta gacmaha Caalamka.

Xiisad Ka tagneed deegaano hoosyimaado Degmada Matabaan oo la xaliyey”Sawiro”.

0

Saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa poliska ee Hirshabelle aya ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in mudo ah ka taagnayd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan iyo dilal dhacay in xal laga gaaro.

Saraakiishaan oo ka kala tirsan qeybaha 21 aad iyo iyo 27 aad iyo guutooyin kooda ka howlgala galmudug iyo hirshabelle ayaa ku sugnaa goobta.

Genaraal mascuud maxamed warsame taliyaha guutada 15 aad ee Galmudug ka howlgasha oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka sii kala fogaynaya.

Iyadoo labada dhinaca odoyaasha iyo wax garadka dood dheer kadib laysku fahmay in wax walba sharciga lagu dhameeyo hada kadibna lays kaashado sidii ciidmada dowlada lagu garab siin lahaa in aysoo qabtaan cid walba oo dil ka gaysta labada dhinac.

Tartanka qaadista Miisaanka culus oo Muqdisho lagu qabtay.

0

-Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gebagebeeyey tartanka qaadista miisaanka culus oo muddooyinkii dambe ka socday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayna ka qayb galeen dhallinyaro.

Dhallinyarada jirkooda dhisa ee caasimadda Muqdisho ayaa si weyn tartanka uga qeyb galay, waxayna tilmaameen inay ku faraxsan yihiin inay helaan tartan noocan oo kale.

Tartankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo nuuciisa ah ee loo qabto dhallinyada ku dhaqan gudaha Magaalada Muqdisho.

Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha Midowga Afrika oo Adis Ababa ka furmaya.

0

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya , Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in  uu si rasmi ah uga furmo Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika.

Shirkan oo socon doona inta u dhexeeysa 9-10-k a  bishan  Febaraayo ayaa waxaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Shirkaan ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo, iyagoona gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan  la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare, hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.

 

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo duqeymo la beegsaday dhismo ay ku sugnaayeen Kooxda Al-Shabaab.

0

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn la beegsadeen dhismo ay argagixisadu ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, iyagoo xusay iney ku dhaawaceen laba ka mid ah horjoogayaasha kooxda.

Jeneraal. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgallada ee Taliksa Milatariga Mareykanka ee Africa ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista in Al-Shabaab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Mareykanka iyo saaxibadiisa Bariga Africa”.

Ciidamada XDS oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada ka geysta deegaannada ay haraadiga ku tahay kooxda, kuwaasoo lagu qaarijiyay horjoogayaal ku caanbaxay dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee abriyada ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbashada Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay Arinka Dugsiyadda Sare Ee Puntland.

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/laahi Goodax Barre ayaa markale ka hadlay xiisada wasaaraddiisa kala dhexeysa dowlad goboleedka Puntland.

Goodax Barre oo ka jawaabayay hadalkii ka soo yeeray ardayda dhigata iskuulada ku yaalla deegaannada Puntland kuwaasoo dhowaan dalbaday in aan la siyaasadeyn waxbarashadooda.

Wasiirka oo u jawaabayey ardaydaas oo muuqaalladooda lagu baahiye Internet-ka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay garab istaagto arday kasta oo Soomaaliyeed, si uu helo waxbarasho dhameystiran, islamarkaana ardayda wax ka barta deeganada Puntland ay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka.

“Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si uu u helo waxbarasho dhammeystiran, islamarkaana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barata deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka”. ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasaaraddiisu aysan dan gaar ah ka laheyn Puntland, balse ay muhiim tahay in ay galaan imtixaanaadka Qaranka ee dowladda.