Dowladda Soomaaliya oo xarigga ka jartay dhismaha safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya oo dib loo furay+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ay garab taagan yihiin Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Kenya Ababu Namwamba ayaa xarigga ka jaray dhismaha ay safaaraddu ku shaqayn doonto oo horay u ahaan jiray gurigii safiirka, laakin aan lagu shaqayn muddo 30 sano ku dhow oo burbursanaa.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen safiirrada in ka badan 10 safaraadood oo fadhigoodu Kenya iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee nool magaallada Nairobi waxaa ugu horayn ka hadlay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo sheegay in dadaal dheer loo galay soo celinta safaarada, waxuuna bogaadiyay dadkii lacagta ku deegay ee ka eyb qaatay dib u dhiska safaaradda.

Sidoo Kale Wasiirka Arimaha Dibada Soomaalia Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa munaasabadda ka sheegay in safaaraddani ay u adeegi doonto bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Safaaraddan oo wajigii koowaad oo dayactir ah lagu sameeyay waxaa ku baxday 310 kun oo doollar, waxaa dhimman wajiga labaad oo lagu dhisi doono gurigii safiirka iyo qeybta martida oo lagu dari doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...