Itoobiya oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay rag lala xiriirinayo argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish.

Date:

Itoobiya ayaa sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan kooxaha argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ku sugnaa gudaha Itoobiya.

Laamaha amaanka iyo sirdoonka Itoobiya oo iskaashanaya ayaa sheegay in ay xireen 14 xubnood oo qorsheynayay weeraro ka dhaca Itoobiya gaar ahaan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Kooxahan ayaa sidoo kale la sheegay in ay qoranayeen dad u shaqeeya oo weerarada u fuliya.

Dadka la qabtay waxaa ka mid ah Abdul Abdi Jemal  oo la sheegay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab kaas oo dhawaanta soo galay magaalada Addis Ababa

Xubnaha kale ee la xiray waxaa ka mid ah Abdrohman Aden Abubeker, Muktar Gab Gosa, Gama Direye Abdi, Shiek Ahmed Nur Mohammed Ousman, Kusow Aden Hussien, Mohammed Hassen Aden Oumer iyo  Redwan Muhad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...