Home Blog Page 779

QM: Bartamaha Soomaaliya Waxaa Ku Barakacay Hal Milyan Oo Qof.

0

Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ay wajahaysaa daadadkii ugu ba’anaa oo saameeyay in ku dhow hal milyan oo qof iyadoo ay 400,000 oo qof ay ku barakaceen sida ay sheegtay Qaramada Midoobay oo ka digtay suurtagalnimada in cudurro ay ka dhalankaraan goobaha ay dadku ku badan yihiin marka doonayaan in ay guryo KMG ka dhistaan meelaha lagu barakacay.

Xafiiska Isku xirka Howlaha Beni’aadannimada ayaa sheegay in 24 qof ay ku dhinteen daadadkii ku dhuftay deegaanno ka tirsan degmooyinka Jowhar Iyo Beledweyne halkaasoo ay ku yaalaan dhulal beereedyada ugu badan ee Bartamaha Soomaaliya.

Beledweyne oo kutaala Gobalka Hiiraan waa gobalka uu sida xun u saameeyay kadib markii uu webiga Shabeelle oo qararka jabsaday oo buux dhaafiyay 85% magaalada iyo 25 tuulo oo uu maro webiga, sida ay sheegtay  Qaramada Midoobay.

Waxaa jirta khatar sare oo muujinaysa in cudurro ka dhalankara gudaha magaalada Beledweyne xilli ay roobab mahiigaan ay weli ka da’ayaan dhulalka sare ee dalka Itoobiya oo deris la ah Gobalkaasi.

In ka badan 400,000 oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku dhex socda biyaha fatahaadda oo buuxiyay waddooyinka si ay uga baxsadaan biyaha webiga Shabeelle, dadka ayaa

ka walaacsan in daadadka kale oo dheeraad ahi ay ku dhuftaan magaalada, iyadoo taariikhda daadadkii horey ugu dhuftay sanadkii la soo dhaafay ay yihiin kuwii ugu xumaa ee soomara taariikhda.

“Daadadka halkan ayaa saameeyay guud ahaan magaalada. Dadku waxa ay ka walaacsan yihiin Badbaadadooda,” sidaasi waxaa yiri Xasan Cilmi, oo deggan Beledweyne. “Ciidamada Dowladda ayaa caawinaya dadka, balse dadka itaalka daran iyo kuwa waayeelka ah waxa ay u baahan yihiin in la caawiyo si ay uga gudbaan biyaha waddooyinka buuxiyay oo si xoog leh ku socda.”

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in fatahaadda ay halis ku tahay in ay goyso wadada weyn ee isku xirta magaalada Beledweyne iyo garoonka diyaaradaha oo kuyaala meel ka baxsan degmada taasi oo carqaldeyn ku ah sahayda gargaarka beni’aadannimada ee la gaarsiin lahaa magaaladaasi.

Kudhowaad 40% dadka magaalada Jowhar, oo ah magaalo ay daganyihiin 20,000 oo qof ay ka barakaceen guryahooda, sida ay sheegtay Wasaaradda Gargaarka Beni’aadannimada iyo Maareeynta Masiibooyinka ee Hirshabeele State.

Bukaannada Karoona Ka Bogsoonaya Oo Kordhay “SAWIRRO”

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay xanuunka Karoona ka bogsooseen 11 qofood.

Bukaannada jirkooda laga waayay Feyruska ayaa tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaya 163 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xanuunku haleelay.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 34 xaaladood oo kala jooga Somaliland 18 gobalka Banaadir 14, iyo dowlad gobaleedka Hishabeelle 2. Xaaladaha cusub 21 kamid ah waa rag, 13 kalana waa haween. 1,455 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay.

Hal ruux ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tidara guud ee geeridu noqotay 57.

Wasiirka Caafimaadka, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona si guul ay ugu dhamaadaan qorshayaasha dowladdu ay ku dooneyso in cudurka looga guuleysto.

Warta Nabadda Oo Xalay U gudubay Wareegga Afar Dhammaadka Tartan Cilmiyeedka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee xalay ayaa waxaa kulankiisa 27-aad, wareeggiisa 3-aad kulankiisa 4-aad ku tartamay Degmooyinka Warta Nabadda Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah la qabanayo ayaa waxaa taaba gelineya maamulka Gobolka Banaadir.

Labada degmo ee Warta Nabadda Vs Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Warta Nabadda:- Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareertay dhigooda Kaxda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Kaxda:- Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya, iyagoo iska qalday Shan su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Degmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afar dhammaadka ee tartanka.

Ilaa iyo afar degmo ayaa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka, waxaana tartamayaasha ay isku arki doonaan sidan.

Dharkeynley vs Garbahaareey, halka Buurhakaba ay foodda is dari doonaan dhigooda Warta Nabadda.

Caawa haddii uu Alle idmo tartanka, waxaa tartami doona degmooyinka Dharkeynley Vs Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo.

Madaxweyne Waare Oo Golahiisa Wasiiradda Kala Hadlay Xaalada Baladweyne+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kula kulmay, xubno ka tirsan golaha wasiiradda Hirshabelle iyagoo ka wada hadlay xaaladda Fatahaada Beledweyne, iyo howlaha socda ee Dadka looga samatabixinayo Dhibaatada Biya baxada,

Sidoo kale  Waxaa Kulanka aad looga hadlay sida muhiimka ay u tahay hirgalinta barnaamijka Xalka Waara ee Beledweyne looga leexinayo Biyaha mar walbo ku fataha.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo golahiisa wasiirada ayaa sidoo kale isla soo qaaday dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne iyo sidii biyaha kusoo fatahay xaafada looga saari lahaa maaadaama isku socodka uu go’ay .

“Waxaan qorsheynay in mashaariic hormarineed aan ka fulino magaalada Baladweyne oo ay ka mid tahay inaan biyaha ka leexino magaalada si aan wax uga bedelmno fatahaadaha soo laa’laabtay iyo sidoo kale dhismaha garoonka diyaarahada Magaalada “ayaa logu yiri kulanka .

In kabadan 60 kun oo qoys ayaa ku barakacay magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan kadib fatahaaddii uu webiga Shabeelle ka geystay halkaasi.

waxaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel-jaale iyo deegaano kale oo hoostada magalaada si aan uga badbaadaan biyaha baxa webiga Shabeelle uu ka wada.

Wasiir Beyle Oo Kormeeray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Maaliyadda +Sawirro

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta komeer ku tagay dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo wejigiisa labaad uu soo gaba-gaboobay.

“Waxa aan kormeer ku tagay dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo wajigiisii 2-aad uu soo gabo-gaboobay,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dhisman cusub ayaa ka qeyb qaadan doona daboolidda baahida loo qabo xafiisyo iyo goob ay ku wada shaqeyn karaan dhammaan shaqaalaha Wasaaradda maaliyadda sidii loo laba laabi lahaa shaqada ay Wasaaraddu u hayso Bulshada.

Howlgal lagu khaarijiyay xubno ka tirsan argagixisada oo ka dhacay Jubbada Dhexe

0

Muqdisho:-(SNTV)-Ciidaanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidamada Africom ee Mareykanka ayaa howlgal lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada AL-shabaab ku dilay gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkaasi oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday nawaaxiga magaalada Kuunyo Barrow, Duqeyntaas oo lagu dilay 2 (labo) ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

howlgalkan ayaa ka qeyb ka ah qorshe Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga ee sii wadidda dagaalka looga takhalusayo argagaxisada quudata dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed..

Dowladda Federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ayaa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaadha dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan,Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa sii daciifaysay awoodii maleeshiyada Alshabaab ay u adeegsan jireen dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed,taasi oo ay ka dhiidhiyeen ciidamada Qaranka.

Degmada Garbahaareey Oo Xalay U Gudbay Wareegga Afar Dhammaadka Ee Tartanka “sawirro”

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo caawa kulankiisa 25-aad wareegiisa 3-aad kulankiisa 2-aad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo Vs Garbahaareey oo ku kala yaala Goballada Jubbada Hoose iyo Gedo, barnaamijkan oo sanadkii 10-aad oo xiriir ah uu taabagelinayo maamulka Gobalka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs Garbahaareey ayaa muujiyay tartan aad u adag, islamarkaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Kismaayo:- Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya, waxaana ay iska qaldeen Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Kismaayo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Garbaareey:- Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Kismaayo, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbaareey waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa caawa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka.

Caawa haddii uu Alle idmo waxaa tartamaya ilaa iyo afar degmo, waxaana qeybta hore waxaa isku arki doona degmooyinka Dhuusamareeb Vs Buurhakaba oo ka kala tirsan Goballada Galgaduud iyo Baay, halka qeybta labaad waxaa tartamaya caawa Kaxda iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir.

Boosaaso Oo Laga Furay Xarun Lagula Tacaalo Dadka Uu Soo Rito Covid-19 +Sawirro

0

Waxaa maanta axad ah  magaalada Bosaaso ee Gobolka Barri laga furay Xarunta maaraynta iyo daryeelka covid-19 oo loogu talagalay in lagu daryeelo dadka uu haleelo caabuqa dilaaga coroonafayris.

Xaruntan oo ah tii ugu horeysay oo laga helayo adeegyo dhammeystiran ayaa waxaa xariga wadajir uga jaray isuduwaha wasaarada caafimaadka Gobalka Bari, Duqa degmada Boosaaso, taliyaha qaybta Gobalka iyo wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland .

Waxaana dhammaan masuuliyiinka dowladda iyo saraakiisha ciidamada ay bulshada deegaanka  ugu baaqeen inay xarunta la soo xiriiraan si ummadda loo badbaadiyo cudurkaan halista ah ee  covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Puntland ayaa diwaangelisay guud ahaan tirada dadka uu soo ritay cudurkaan covid-19 deegaanada Maamulka Puntland 136 qof halka geeridu ay gaartay 5 ruux iyo sidoo kale 3 qof oo ka bogsootay.

Puntland Oo Cambaareeysay Weerarkii Argagixiso Ee Uu Ku Geeriyooday Guddoomiyihii Gobalka Mudug

0

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlayay magaca Dowlad-goballeedka  iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed si gaadmo ismiidaamin ah ugu dileen maanta Gaalkacayo, isagoo Guddoomiyuhu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Xaalado Cusub Oo Karoona Ah Oo La Diiwaan Geliyay “SAWIRRO”

0

Wasiirka C/fimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xuk.Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 64 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 1 bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Waqooyi Galbeed 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween.

1,421 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu habboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada.