Wasaaradda Biyaha DFS oo biyo dhaamin u sameysay qoysas barakacyaal ah+(SAWIRRO).

Date:

Wasaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha DFS oo kaashaneeysa Hay’adda UNICEF ayaa bilaawday biyo dhaamin loo sameeynaayo qoysas barakacayaal ah oo ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha dalka ka dhacay.

Qoysaskan oo ku sugan gobolada Gedo, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir ayaa waxaa ay yihiin kuwa danyar ah oo aan haysan adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha DFS Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi, ayaa sheegay in ay Wasaaradda sii wadi doonto caawinta dadaka duruufaha adag wajahaya ee ka bara kacay fatahaadaha wabiga iyo daadaka.

Ilaa 5,000 qoysas ah ayaa ka faa’iidaysanaya biyo dhaaminta oo hadda socotay muddo labba todobaad ah waxa ayna sii socon doontaa illaa 6 da Janaayo 2021.

Qoysaskaan oo baahi badan u qabay biyo nadiif ah ayaa u mahadcaliyay
Wasaaradda iyo UNICEF.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...