Xanuun cusub oo ka mid ah Corona oo laga helay UK.

Date:

Guddiga xaaladaha deg dega ah ee dalka UK ee loo yaqaan Cobra, ee uu hogaamiyo Raโ€™isulwasaarahaย  dalkaasi ayaa yeelanaya maanta oo isniin ah kulan gaar ah oo diirada lagu saarayo nooc cusub oo ka mid ah xanuunka Coronaย  oo laga helay gudaha dalkaasi Ingriiska.

Feyraskan oo si lixaad leh ku faafayaย  qeybo badan oo ka mid ah UK ayaa sababay in la soo saaro xayiraado kale oo hor leh.

Guddiga Cobra ayaa waxaa horyaala arrimo ay mid yihiin qaabka faafida cudurka looga hortagayo iyo sida loo wajahayo waddamo badan oo mamnuucay duulimaadyadii ay ku tagi jireen ama ka imaan jiray UK.

Dalka faransiiska ayaa xiray surinka biyaha ee English Chanel oo ay isaga gooshaan maraakiibta iyo doonyaha sida xamuulka kala duwan.

Faransiisku waxay sheegeen in ay hakiyeen dhamaanba safaradii UK kagaย  imaan jiray ย 48 saac, si loo xakameeyo xanuunkan cusub ee ka dilaacay gudaha dalkaasi.

Sidoo kale waxaa joogsaday isu socodkii tareenka dheereeya ee badda hoose mara ee Euro star kaas oo isku xiray UKย  iyo Yurub inteeda kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale