Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday dhaawacyada Qaraxii argagixiso ee Gaalkacyo+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Cabaas Amiin ayaa waxay booqdeen ciidamadii ku soo dhaawacmay weerarkii argagixiso ee Gaalkacyo, kuwaas oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka Ordogan Ex-Digfeer ee Muqdisho iyo isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliya .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ugu horeyntii xaaladda ciidamada iyo saraakiisha lagu dabiibayo isbitaalka, waxa uuna ka xogwareystay agaasimaha isbitaalka Ordogan, waxaana uu masuuliyiintii booqday uu u sheegay in gurmad caafimaad oo aad wanaagsan loo fidiyay , iminkana xaaladoodu tahay mid wanaagsan.

Intaas ka dib Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mid mid u booqday bukaanada, isagoo u rajeeyay caafimaad taam ah.

“Dowladiina iyo shacabkiinaba waa idiin ogyihiin in naftiina aad u hurteen dalkiina iyo dadkiina, si dhaw ayaan ula socon doonnaa xaaladiina caafimaad, qarankiina marna idinma dayici doono ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee dalka.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhaawacyada aan xaladooda caafimaad dalka waxba looga qaban karin ay Dowladda Soomaaliya baxnaano caafimaad oo dibadda ah ay u qaadi doonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...