Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday dhaawacyada Qaraxii argagixiso ee Gaalkacyo+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Cabaas Amiin ayaa waxay booqdeen ciidamadii ku soo dhaawacmay weerarkii argagixiso ee Gaalkacyo, kuwaas oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka Ordogan Ex-Digfeer ee Muqdisho iyo isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliya .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ugu horeyntii xaaladda ciidamada iyo saraakiisha lagu dabiibayo isbitaalka, waxa uuna ka xogwareystay agaasimaha isbitaalka Ordogan, waxaana uu masuuliyiintii booqday uu u sheegay in gurmad caafimaad oo aad wanaagsan loo fidiyay , iminkana xaaladoodu tahay mid wanaagsan.

Intaas ka dib Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mid mid u booqday bukaanada, isagoo u rajeeyay caafimaad taam ah.

“Dowladiina iyo shacabkiinaba waa idiin ogyihiin in naftiina aad u hurteen dalkiina iyo dadkiina, si dhaw ayaan ula socon doonnaa xaaladiina caafimaad, qarankiina marna idinma dayici doono ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee dalka.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhaawacyada aan xaladooda caafimaad dalka waxba looga qaban karin ay Dowladda Soomaaliya baxnaano caafimaad oo dibadda ah ay u qaadi doonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...