Home Blog Page 778

Webiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Ka Tirsan Degmada Mahadaay

0

Webiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad ka sameeyay degmada Mahadaay iyo tuulloyin dhowr ah oo hoostaga,kuwaas oo ay ka barakaceen dadkii deganaa.

Tuulooyinka uu Webiga ka fatahay ee degmada Mahadaay ayaa waxaa kamid ah, Diinlaawe, Buurfuule, Shiidle Bari, Buulo Axmed, Kulmis iyo deegaanno kale, isla markaana dalagyo farabadan ay fatahaada baabi’isay.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe Saalax Fuleel Xaaji ayaa sheegay in dhammaan tuulooyinkaas iyo kuwo kale ay dadkii deganaa ka barakaceen kadib markii uu saameeysay fatahaadda webiga iyadoo sidoo kale fatahaaddu dhibaato baaxad leh ka geysatay deegaanno kale oo aad u tiro badan.

islamarkaana uusan jirin wax gurmad ah ooka yimid dhinaca maamulka Hir-Shabeelle iyadoo aysan jirin wax dadaal ah oo illaa iyo haatan ka muuqda madaxda maamulka Hir-Shabeelle si ay gurmad ugu fidiyaan shacabka ay fatahaadu barakicisay, sida uu sheegay Saalax Fuleel Xaaji oo ah Gud. Kuxigeenka A/Bulshada Degmada Mahadaay ee Gobalka Sh/Dhexe.

Fowsiya Abiikar: “Hadii Aad Isku aragto Fayruska COVID-19 Horey Ugaar Xarumaha Lagula Tacaalo Cudurka ”SAWIRRO”

0

Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 71 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,573 Xaaladood.

Bukaannada cusub oo 52 kamid ah rag yihiin , 19-na haween ayaa kala jooga Jubaland 46, gobalka Banaadir 17, Somaliland 6 iyo Puntiland 2. Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 61.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in ay xanuunka Karoona ka bogsaday 10 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee dadka bogsooday 188.

Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta ka dhalata, sidoo kale qof kasta oo isku arka astaamaha lagu garto COVID19 uu tago xarumaha caafimaad ee loo qorsheeyay in lagula tacaalo cudurka.

Guddiga Ka Hortagga Covid-19 Oo Shir Ka Yeeshay Dabaal-Dega Ciidul Fidriga

0

Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo habeen weliba la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan munaasabadda Ciidul-Fidriga oo maalmaha soo socda fooda inagu soo heysa.

Shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona ay ka goobjoog ahaa wasiirada caafimaadka, arrimaha Diinta, tala-bixiyaha Covid-19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) iyo xubno kale oo muhiim ah.

Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay dadka ugu daamaashi karaan maalmaha Ciida goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo talaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo Covid-19.

Xubnaha ka qeyb-galay shirka ayaa falanqeeyey qorshaha la soo bandhigay, si ay bulshada ugu dabaal-degaan munaasabadda Ciidul Fidriga.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal guud oo lagula dagaalamayo xanuunka oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday Shiinaha.

Wasaaradda C/Fimaadka XF Soomaaliya Oo Xaalado Cusub Diiwaangelisay ‘Sawirro’

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 15 qof taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 178 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen ku dhawaad 12% dadkii uu feyrusku haleelay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale sheegtay in la diiwaan geliyay 47 xaaladood oo kala jooga Puntland, 19 gobalka Banaadir 13, Somaliland 8 iyo Koonfur Galbeed 7. Xaaladaha cusub 42 kamid ah waa rag, 5 kalana waa haween. 1,502 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay.

Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 59.

Dowladda ayaa wadda dadaallo xooggan oo looga hor tegayo, laguna xakameynayo faafitaanka Feryruska karoona, laguna yareynayo saameynta uu bulshada ku yeelanayo, waxaana dhaqan galay amarro dowladdu soo rogsay si loogu guuleysto qorshaha xakameynta iyo sare u qaadidda bed-qabka bulshada.

Ururrada Haweenka Oo Ka Shiray Xoojinta Wada Shaqeynta Ka Dhexeysa Iyo Horumarka Dalka

0

Kulanka oo Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay ayaa socday muddo saddex cesho ah waxaana looga hadlayay qorshaha istaraatiijiyadda ay ku shaqeyn doonan Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed iyo Ururrada Haweenka ee Dowlad Goballeedyada mudada shanta sano ee soo socoto.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Ururrada Haweenka dowladda goboleedyada  iyo  xubno ka tiran Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed .

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed Marwo Batuulo Sheekh  Axmed Gaballe  ayaa sheegtay in haweenku ay isku raaceen xoojinta iyo wadashaqeyta dhexdooda ah iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka dalka.

Dejinta qorshaha Istaraatiijiyadda shaqo ee shanta sano ee soocoto ay ku shaqeyn doonan Ururka Haweenka Qaranka iyo Ururrada Haweenka dowlada goboleedyada ayaa muhiim u ah wada shaqynta ka dhaxayso iyo howlaha adag ee horyaala Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Qeyb-Diid Iyo Madax Kale Oo Joojiyay Colaad Ka Taagnayd Deegaanka Ka tirsan Gaalkacyo

0

Wafdi uu hogaaminayo Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid isla markaana ay qeyb ka yihiin maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo ayaa gaaray Degaanka Taarroge oo dhanka galbeed uga aadan magaalada Gaalkacyo, qiyaastii u jira 9km oo saakay ay ku dagaalameen maleeshiyaad ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Mas’uuliyiintaan ayaa ku guuleystay hakinta Dagaalkaan, waxaana la soo sheegayaa inay dib u kala rareen ciidamadii dirirtu u dhexaysayay

Mas’uuliyiinta maantay ku baxay kala celinta maleeshiyaadka Dagaalamaya ayaa maalmahaan waday dib u heshiisiin looga samayn lahaa degaankaasi oo colaadiisu taagnayd todobaadyadaan.

W/D: Baashi Cali Xaashi

Xudur Oo Ka Cabanaya Saameynta Covid-19 Ee Nolosha Danyarta Ah “Sawiro”

0

Dadka danyarta ah iyo ganacsatada magaalada Xudur ayaa si wadajir ah uga cabanaya saameynta cudurka safmarka ah ee COVID 19 uu ku yeeshay nolosha. .

Suuqyada lagu iibiyo raashiinka quutul daruuriga ee magaalada Xudur ayaa ka jirin dhaq dhaqaaq ganacsi sababtuna waxa ay tahay cuddurka Fayriska Karoona oo saameyn weyn ku yeeshey ganacsigii iyo isu socodkii magaalooyinka.

Magaalada Xudur oo aan waxba soo gelin iyo raashiinadii keydka ahaa oo qaali garoobey ayaa keentay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah lasoo deristay dadkii murugmaalka ahaa oo aan wax shaqo ah heysan iyo dadkii ganacsiga yar yar lahaa oo tafaariiqdaa gadayey.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in cudurka COVID 19 uu saameyay noloshada bulshada, iyadoo wax kiis ahna aan weli laga helin magaalada Xudur.

Dowladda Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Toddobaadka La Dagaalanka Covid-19+Sawirro

0

Guddoomiyaha Guddiga Wacyigalinta Covid-19 ahna Wasiirka Wafaafin dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaciyay in guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilaabi doono ololaha wacyigalinta todobaadka ee ciribtirka Cudurka Karoona si dalka oo dhan loo gala dagaalamo .

“Ololahaan ayaa laga sameyn doonaan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan ula dagaalano cudurkaan safmarka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed”Ayuu yiri wasiir Maareeye

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna xubin ka tirsan Guddiga wacyigalinta Basmo Caamir Shakeeti ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb-qaatan la dagaalanka cudurkaan covid-19.

“Shacabka Soomaaliyeed eek u nool Caasimada waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan dagaalka aan kula jirno cudurkaan halista ah ee karoona Feyrus, waana loo baahanyahay in aan iska kaashano”sidaas waxaa yiri Basmo Caamir Shakeeti.

Dhinaca kale masuuliyiinta ayaa kormeer wacyigalin ah ku tagay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir iyagoo bulshada kaga wacyigalinayay qatarta uu leeyahay Cudurkaan islamarkaana uqeybiyeen maaska afka lagu xerto si looga taxa diro faafitaanka cudurkan safmarka ah ee covid-19.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ahna guddoomiyaha guddiga wacyigalinta ee Covid-19 ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka cudurkaan .

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay inay ciribtirka cudurka covid-19 ee saameynta uu ku hayo dalka dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii ay uga hortagi lahayd “Ayuu ku yiri Maareeye.

Ololaha wacyigalinta iyo ka hortaga cudurka safmarka ah ee Karoona ayaa waxa uu si xowli ah uga socdaa dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gobollada dalka.

Taliyaha Xoogga Oo Kormeeray Dugsiga Tababarka Ee Har-Qaboobe ‘Sawirro’

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa komeeray ciidamo tababar uu uga socday dugsiga tababarka ee Har-qaboobe ee degmada Guriceel tababarkani oo qeyb ka ah la dagaalanka  dhanka ah kooxaha argagixisa Al-shabaab .

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa warbixin ku saabsan xaaladahooda ka dhageysay saraakiisha dugsiga, sida taliyaha qeybta 21-aad Generaalka Qooje ,Taliye ku xigeenka qeybta iyo taliyaha dugsiga Har-qaboobe iyagoo tilmaamay in lagu guuleystay ka soo gudbida marxalado adag oo ciidankan lagu diyaarinayay isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin qabshada waajibkaadka la saaray.

Taliyaha ciidanka  xoogga Generaal  Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada Dugsiga ku jira iyo saraakiishoodaba Ku ammaaney dhabar adayga ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarka isagoo ballanqaaday in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto Aqoontooda Ciidan iyo waalibaadka ka saaran ilaalinta shacabkooda .

“Dhammaan hogaanada, saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka ku jiraan xeradaan Har-qaboobe waxaan leeyahay waxaad muujisay karti iyo awood sidaa daraadeed waxaan balan qaadeynaa inaan idin qalabeyn doono si aan cadawga ummadda aan uga dulqaadno”Ayuu yiri taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

 

Guddoomiye Cumar Filish Iyo Wasiir Warfaa Oo Saxiixay Mashruuca Caawinta Danyarta

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Sadiiq Xirsi warfaa ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar ee ku nool caasimadda.

Ka dib kulan ay ku yeesheen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayay kula kala saxiixdeen labada mas’uul.

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa oo duqa Muqdisho ku soo dhoweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka Gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka nugul ee ku nool gobalka Banaadir.