Home Blog Page 778

Xidigaha Xulka Banaadir oo garaacay dhigooda Hirshabeelle.

0

Kulanka ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedkada oo ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta foodda is daray xulalka kubadda Cagta Banaadir iyo Hirshabeelle, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Banaadir iyo Hirshabeelle, isla markaana sitay hal ku dhigto ayaa muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah oo la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka, waxaana cayaarta qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay la yimaadeen Xulka kubadda cagta ee Banaadir, taas oo aheed gool kulaad.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa labada dhinac waxa ay muujiyeen dadaal aad u badan, waxaana cayaarta waqtigii loogu talagalay ay ku soo idlaaday 1-0 oo ay guusha ku raacday xidigaha Xulka Banaadir.

Xulka kubada cagta Banaadir oo ciyaaray kulankoodii 2aad ayaa waxay ku hogaaminayaan guruubka ay ku jiraan 4 dhibcood.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo furay shirka wadatashiga caafimaadka xoolaha+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa Muqdisho ka furay shirka wadatashiga istraatiijiyadda caafimaadka xoolaha .

Shirka wadatashiga istraatiijiyadda caafimaadka xoolaha oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa Soomaaliya iyo Hey’adda FAO ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socday maamul goboleedyada iyo xeel dheerayaal ku xeel dheer caafimaadka xoolaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka furay ayaa xusay in istiraatiijiyadan ay muhiim u tahay sidii loo horumarin lahaa caafimaadka xoolaha, taas oo Soomaaliyana ku hogaamineysa inay tartan u gasho suuqayada caalamiga ah ee ganacsiga xoolaha oo kamid ah Ilaha dhaqaale ee dalka.

“Sharaf weyn ayey inootahay in aad nagala soo qeyb gashaan shirkaan wadatashiga ee loo ga hadlayo sidii loo hourmarin lahaa caafimaadka xoolaha iyo caafimaadka dadka intaba, sidoo kale tani waxa ay muhiim u tahay in Soomaaliya ay galaangal ku yeelato suuqyada caalamka, islamarkaana ay Soomaaliya tartan lagasho wadamada dhoofiya hilibka iyo xoolaha” ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen .

Waa markii labaad oo ay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha qabato shirka wadatashiga istaraatiijiyadda Caafimaadka xoolaha, taas oo xooga saareysa caafimaadka xoolaha oo dalkeena uu hodan ku yahay.

Guddoomiye Cumar Filish oo xariga ka jaray sheybaar lagu hubinayo tayada qalabka dhismaha+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxmuud Maxmed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray  Sheybaar lagu hubinayo tayada  qalabka  dhismaha.

Hubinta sheybaarka ayaa waxaa looga maarmi doonaa in hubinta tayada agabka dhismaha loo qaado dalka dibadiisa iyo in la dhiso dhismayaal aan la hubin tayadooda.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa  magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxmuud Maxmed (Cumar Filish) oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in sheybaarkan uu wax badan ka badali doono dhismayaasha casriga ah ee la doonayo in laga hirgeliyo caasimadda.

“Runtii baahi weyn ayaa loo qabay in la helo sheybaar nuucaani oo kale ah, waxaana uu ka koobanyahay qeybo badan oo loogu talagalay in lagu baaro 11 nuuc oo ah agabka wax lagu dhisayo, taasi oo muujineysa in wixii hadda kadib aan dibadda loo aadi doonin in baaritaan lagu sameeyo agabyada wax lagu dhisayo” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiye Cumar ayaa ka mahadceliyay hay’addii gacan ku siisay maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta sheybaar casri ah oo lagu baarayo tayada qalabka dhismaha.

Maamulka Gobolka Bakool oo digniin u diray ganacsatada Gobolka

0

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur ayaa sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo sidii ay dib u furi lahaayeen waddooyinka xiran ee soo gala magaalada Xudur, maadaama ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Al-Shahaab, kuwaasi oo dhibaato ba’an ku haya gaadiidka xamuulka ee raashinka geeya magaalada Xuddur.

Guddoomiye Shiine oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulan  dhawaan uu la qaatay ganacsatada kala hadlay in gaadiidka xamuulka ay soo mariyaan waddooyinka dowladda gacanta ku heyso, isagoo digniin u diray ganacsatada baal marto awaamiirta maamulka.

“Ganacsatada waa labo nooc, kuwo fuliyo awaamiirta maamulka iyo kuwo iska indha tiro amarada, anaga ka maamul ahaan waxaa naga go’an illaalinta hantida iyo muwaadiniinta, sidaa darteed waxaan rajaynaynaa inay ganacsatada u hogaansami doonaan go’aanada maamulka “ayuu yiri Guddoomiye Shiine.

Guddoomiyaha mar uu ka hadlayay barakacayaasha ku sugan Xudur, ayaa waxa uu sheegay inay sameyn doonaan qorsheyaal dib loogu celin doono deegaannada ay ka soo barakaceen, ayna ka dulqaadi doonaan haraadiga argagixisada Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si loo dar dargeliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Beyle oo la kulmay dhigiisa Turkiga Lütfi Elvan.

0

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Beyle oo la kulmay dhigiisa Turkiga Lütfi Elvan.

Kulanka waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka dhaqaale ee labada dal.

Wasiir Beyle ayaa kulanka kadib yiri “Sharaf ayay ii tahay in aan la kulmay Mr #Lütfi_Elvan oo ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Turkey oo si hagar la’aan ah inoo garab istaagtay, Wasiir #Lütfi waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, sidii hore loogu sii wada lahaa iyo taageerada Maaliyadeed ee Dowladda Turkiga”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa Turkiga ku amaanay kaalintooda dib u soo kabashada Soomaaliya.

“Turkigu waa Saaxiib ka ugu muhiimsan horumarka Soomaaliya oo dhinac walbo leh”

Madaxweyne Qoor Qoor: Waa in loo midoobo la Dagaalanka Argagixisada.

0

Madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlayay dadweyanaha Galmudug ayaa ugu baaqay culimada Soomaaliyeed inay xoojiyaan ka hortaga fikirka xagjirka iyo ka been sheegida kooxaha argagixisada ee diinta islaamka .

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay in argagixisa ay ka been abuurtaan diinteyna suuban iyagoo baneystay daadinta dhiigi dadka rayidka ah iyo kuwa utaagan ilaalinta qaranimada .

Waxaa kaloo uu xoojiyay in hada la taaganyahay dhammaadka waqtigooda.

“in la cadeeyo timaalamaha xagjiririinta argagixisada waxaan ka rabnaa culimadda inay xoojiyaan maadaama ay kooxahaan ka been sheegayaan diinteyna subaan oo ay ku baneysteen dilka dadka rayidka ayuu yiri madaxweyne qoor qoor.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor waxa uu bulshada ugu baaqay inay umidoobaan la daagalanka argagxisada si looga dulqaado dhibaatooyinka ay ku hayaan guud ahaan dalka.

“Waa inay bulshada umidoobaan la dagaalanka argagixisada si aan uga adkaanno cadawga baneystay dhibaateynta dadka shacabka ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne qoor qoor.

Hadalkaan ayuu madaxweyne qoor qoor ka sheegay munaadabada calmoo saarka duqa degmada Galkacyo isagoo ka falcelinayay weerarkii argagixso ee lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee 18-kii bishaan ka dhacay magaalada Galkacyo

In ka badan 40 dal oo UK saaray xayiraad dhanka duulimaadka ah taas oo saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo nolosha dadka UK.

0

Dalka UK ayaa wajahaya labo mushkilo oo waaweyn kuwaas oo saameyn xoog leh ku yeeshay dhaqaalaha iyo nolosha dadka .

UK oo ah dalka shanaad ee ugu taajirsan dunida waxaa iminka la dagaya nooc cusub oo ah feyraska karoona iyo xayiraad ay saareen dalal badan kuwaas oo cabsi ka qaba xanuunka laayaanka ah ee sida daran u faafaya.

Ilaa 40 dal oo badankooda ku yaala qaarada Yurub ayaa joojiyay duulimaadyadii si ay uga gaashaantaan xanuunka nooca cusub ee karoonaha ah ee UK laga helay.

Dalka faransiiska ayaa xiray marinka kaliya ee isku xira UK iyo Yurub kaas oo ah surinka biyaha English Chanel.

Gaadiid badan ayaa hoganaya magaalada Dover ee gobalka England halkaas oo ay ku taala dekada ay maraakiibtu ka xanbaaraan gaadiidka xamuulka.

Sidoo kale waxaa joogsaday tareenka badda ka hoos dusa ee Eurostar kaas oo isku xira Yurub iyo UK.

Ra’isulwasaaraha Britain Boris Johnson oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu taleefan kula xiriiray madaxweynaha faransiiska ayna ka shaqeynayaan sidii marinka badda loo furi lahaa .

Cuntada UK waxaa 20% ay soo martaa gacanka English Chanel waxaana sidoo kale ay UK halkaasi ka dhoofisaa wax soo saarkeeda sida cuntada badda.

 

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Jabuuti kaga qeyb galay Shir-Madaxeedka 38-aad ee aan caadiga ahayn ee dalalka Urur Goboleedka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Warbaahinta qodobbadii kasoo baxay Shirka ee khuseeyay dalkeenna.

<iframe src=”https://www.facebook.com/plugins/video.php?height=314&href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2FVillaSomaliaOfficial%2Fvideos%2F1501015313425653%2F&show_text=false&width=560″ width=”560″ height=”314″ style=”border:none;overflow:hidden” scrolling=”no” frameborder=”0″ allowfullscreen=”true” allow=”autoplay; clipboard-write; encrypted-media; picture-in-picture; web-share” allowFullScreen=”true”></iframe> 

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Rooble “Waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada Guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo, Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaa”.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay caleema saarka  Guddoomiyaha  cusub ee degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan   ayaa tallaabo horey loo qaaday ku tilmaamay in bulshada loo dhaweeyo maamulka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan  in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay. Isagoo tilmaamay in Xukuumaddu ay dhiirrigalineyso  degmooyinka dalka oo dhan in ay doortaan maamulkooda.

Eng. Rooble ayaa ku dhiirigeliyey Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug in ay sii dardargeliyaan dadaalladooda ku addan nabadda iyo dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah, una   midoobaan la dagaallanka argagixisada iyo in ay isu kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa.

“Waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo. Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaa  wayna taageereysaa iyo degmooyinka dalka oo dhami doortaan maamulkooda, oo ay lana xisaabtamaan. Tani  waxay tusaale u tahay daadajinta maamulka iyo in dadku iyagu doortaan cidda ay doonayaan”.

Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo dhowaan la dhisay ayaa markii ugu horreysay doortay Duqa magaalada oo ku yimid rabitaanka bulshada, tanoo qeyb ka ah barnaamijka maamul daadajinta ee shacabka loogu dhaweynayo dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo socdaal shaqo ku marayay deegaannada Puntland iyo Galmudug muddo 11 casho ah ayaa soo gabagabeeyey, waxuna uga mahadceliyey soo dhaweyntii diirranayd ee uu kala kulmay deegaannadii uu socdaalka ku marayay.

Gabar uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore Itoobiya oo xabsiga loo taxaabay.

0

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in booliska Federaalka Itoobiya ay xireen gabar uu dhalay Ra’isul Wasaarahii hore Meles Zenawi.

Semhal Meles ayaa joogtay magaalada Mekelle, halkaas oo ciidanka ay u dhaceen guri ay ku jirtay.

Hooyadeed Azeb Mesfin ayaa BBC qeybta Af Amxaariga u sheegtay inay inanteeda aaday magaalada Mekelle ka hor inta aanu dagaalka Tigreega bilaabin

Sidoo kale Azeb Mesfin waxay tilmaantay in gabadheeda ay sameyneysay filim ka hadlaya noloshii Aabaheed oo aanay shaqo ku laheyn TPLF.