Home Blog Page 780

Taliska nabad-sugidda Jubbaland oo soo saaray digniino.

0

Taliska nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa shacabka iyo ganacsatada uga digay in ay u nuglaadaan hanjabaadaha uga imaanaya maleeshiyaadka Alshabaab.

Taliyaha Nabad sugidda Jubbaland G/sare Khaalid Sheekh Cabdullaahi ayaa uga digay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada reer Jubbaland in ay qaataan hanjabaadaha Al-Shabaab ay doonayaan in ay ku cabsi galiyaan Shacabka iyo ganacsatada si ay lacago uga qaadaan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciddii argagaxisada Al-Shabaab ay la soo xiriiraan una hogaansanta awaamiirtooda ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

G/sare Khaalid ayaa ugu baaqay cid walba oo ay Al-Shabaab usoo hanjabto in ay la soo xiriiraan hay’adaha ammaanka, lana damaanad qaadi doono ammaankooda.

 

Shabkad ka tirsan Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay.

0

Hawlgallo ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa lagu soo qabtay saddex ruux oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin argagaxisada Al-Shabaab kuwaas oo falal amniga lid ku ah ka waday magaalada Kismaayo.

Raggan ayaa fuliyay falalkii u dambeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada iyaga oo u jeedkeedu ahaa khal khal gelinta ammaanka iyo waxyeeleynta shacabka sida uu sheegay taliska.

“Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo ku wajahan dalka Kuwayt.

0

Ra’iisal-Wasaaraha  xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah uu dalka dibaddiisa ugu baqoolo tan iyo intiiloo Magacaabay xilkaas.

Ra’iisul Wasaare Rooble sida qorshaysan wuxuu socdaal ku tagi doonaa dalka Kuwait, ujeedada safarka ra’iisalwasaaraha ayaa ah ka qaybgalka tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh SabahAl- Axmed Al- Sabaah oo ku geeriyooday dalka Mareykanka 29-kii  Bishii September ee sanadkaan.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulmi doonaa Amiirka cusub ee dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dowladood.

Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordiiq ah loo qabto,waxaana ka qayb geli doona inta badan hoggaamiyayaasha wadamada carbta iyo Islaamka.

Dhakhaatiirtii ka hortagga Covid-19 oo xaflad loogu qabtay Muqdisho+”SAWIRRO”

0

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir Marwo, Basma Caamir Axmed (Jakeetti) iyo sii-hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Saciid ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay Dhakhaatiirtii naftooda u huray sidii cudurka karoona fayris looga badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka,gobolka Banaadir,ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale waxaana soo qaban qaabiyay maamulka hotel Guryo samo.

Guddoomiye Basma Caamir Jakeetti ayaa uga mahadcelisay dhakhaatiirtii ka shaqeeyay sidii looga hortegi lahaa in cudurka Karoona fayris uu ku faafo dalka, iyadoo ku ammaantay dhabar adeegii ay muujiyeen xilligii adkaa.

 

Sacuudi-Carabiya oo si taxadar leh u furtay gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada.

0

Boqolaal qof oo muwaadiniinta Sacuudiga ah ayaa lagu soo dhaweeyay misaajidka weyn ee Maka si ay acmaasha cumrada u gutaan ka dib toddobo bilood oo loo joojiyay sababo la xiriira fayraska corona.

Wajiga koowaad ilaa lix kun oo qof ayaa loo ogolaan doonaa inay acmaashooda ku gutaan misaajidka wayn ee Maka, waxaana marba marka ka sii dambaysa la kordhin doonaa tiradaasi ilaa iyo inta uu misaajidka ka buuxsamayo,dadka cumraysanayo ayaa waxaa laga doonayaa iney xirtaan maaskarada wajiga, isla markaanaa ilaaliyaan kala fogaanshaha  bulshada,dhanka kale misaajidka Xaramka ayaa maalintiiba waxaa la nadiifin doonaa ilaa toban goor.

Sacuudi-Carabiya ayaa qorsheyneysa in xujayda ajaanibta ee ugu horreysa loo ogolaan doono bilowga bisha Nofeembar ee sanadkan,Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sannadkaan ka mamnuucday dadka dibadda ah in ay soo xajiyaan, si ay u xakameeyaan fiditaanka feyraska Karoona,kaliya tiro aad u kooban oo ku nool boqortooyada ayaa gutay waajibaadka xajka, sida markii horeba lagu yiri bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda.

Qiyaastii tiro ka badan laba milyan oo qof ayaa si sanadle ah u booqan jiray goobaha barakaysan ee Maka iyo Madiina si ay u soo gutaan waajibka Xajka oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Kiisas hor leh oo Coronavirus ah oo laga helay gobollo ka mid ah dalka.

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah shaacisay dad farabadan oo laga helay cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo ku kala sugan deegaanno ka tirsan dalka.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka dowladda ayay ku sheegtay in 5-tii maalin ee lasoo dhaafay cudurka laga baaray 2,704 qof, isla markaana laga helay 157 qof oo kamid dadkaas, kadib markii baaritaanno kala duwan lagu sameeyay.

Tirada dadka ugu badan ee laga diiwaan-geliyay cudurka maalmihii ugu dambeeyay ayaa ku sugan deegaannada Puntland, waxaana halkaas laga diiwaan-geliyay 157 qof uu ku dhacay COVID-19.

Sidoo kale Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay in deegaannada maamulka Somaliland laga helay 20 qof, halka G/Banaadir laga helay 2 ruux iyo deegaanada Galmudug oo laga diiwaan-galiyay 1 qof, waxaana dhammaan 157 ee laga helay Cudur rag ah 98, halka 59 ay yihiin dumar.

Ciidamada ammaanka oo fariisimo cusub ka samaysatay deegaano ka tirsan Galgaduud

0

Ciidamado isugu jira Boolis iyo Milatari ayaa howlgallo balaaran ka sameeyey deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanada Ilix, Booda-dheere, Labidule, Sina-dhaqo oo ku hoos yimaada caasimadda Galmudug ee Sama-reeb, iyagoo ciidamadu ay gaaf wareeg ku sameeyeen deegaanadaas oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay todobaadyadii hore ku soo dhawaadeen, iyagoo shacabka Deegaanka dhibaato u gaysta.

Howlgalka oo soconayey in ka badan 48 saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa si wada jir ah ciidamada u hor kacayey Taliyaasha Qaybta Guud ee Booliska Galmudug Sareeye Guuto Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame, waxaana ciidamada ay fariisimo ka samaysteen goobihii howlgallada laga sameeyey.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa isaga baxay Deeganada aan kor ku soo xusnay kadib markii ciidamadu ay halkaasi ka sameeyeen howlgal qorshaysan, iyadoo Taliska Booliska Galmudug uu balan qaaday in meel kasta oo Maleeshiyaadka lagu arko lagula dagaalami doono, bulshada Deegaankana ugu baaqay inay soo sheegaan Argagixisada meelkasta oo ay ku arkaan.

                 

AFRICOM oo ku baaqday in la dardargeliyo hawlgalada ka dhanka ah Al-shabaab (WARBIXIN)

0

1 October sanadkii 2008 ayaa si rasmi ah loo saldhigay taliska ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika kaas oo la yiraahdo AFRICOM.

Taliskan oo ku yaala dalka Jabuuti ayaa shaqadiisu tahay la dagaalanka kooxaha argagaxisada ee qaarada Afrika .

Dalkeena Soomaaliya oo ay ka jirto kooxda ugu weyn Afrika ee al-Qaacida xiriirka la leh oo ah nabad diidka Alshabaab ayaa Mareykanku ka fuliyaan howl galo lagu dhabar jabinayo Alshabaab iyaga oo kaashanaya ciidanka Soomaaliya

Laga soo bilaabo 2008 markii taliska la dhisay waxaa duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo weerarada gaarka ah ee ka dhacay Soomaaliya lagu dilay 1,364 kooxda Alshabaab ka tirsan .

Alshabaabka la dilay waxaa ku jira madax isugu jirta Soomaali iyo ajaaniib.

Heyadaha xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in ilaa 53 qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Taliska AFRICOM waxa uu sheegay in eedeymaha ururada xuquuqda aadnaha aanay sax ahayn oo ay iyagu ogiyihiin dhimashada 11 qof.

Dhanka Mareykanka waxaa howlgalada Soomaaliya kaga dhintay 2 askari waxaana kaga dhaawacmay lix kale .

Taliska 12 jirsaday ee Mareykanka waxay sheegeen in ay sii wadayaan burburinta kooxaha argagaxisada ah iyaga oo kaashanaya wadamada Afrika oo ay saaxiibka yihiin.

Waxay sheegeen in ay ka shaqeynayaan nabada iyo xasiloonida ayna ka go’an tahay xoojinteeda.

W/Q: M M Dhorre.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Askari lagu helay fal kufsi ah.

0

Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay  degmada Wadajir.

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID.

Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo dii  waan geliyay qiraalkii ka dhashay  horgeyntiisa Maxkamadeed.

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.

Intii ay socotay Maxkamadeynta  Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray.

Eedeysanaha oo isna kamid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay  inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

Qareenada u dooday eedeysanaha  ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in Maxkamadda ay siiso fursad ay  kula macaamilaan  ehelka dhibanaha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Switzerland oo ogalaaneysa kulamada dadka badan, xilli uu wali jiro Covid-19.

0

Isu imaatinka dad ka badan 1,000 qof ayaa la ogolaan doona dalka Switzerland, laga bilaabo maanta taas oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee lagu qafiifinayo xayiraadaha saaran dalka ee lagu soo rogay si loo yareeyo fiditaanka cudurka-19.
In kasta oo dadka laga helayo fayraskan ay sii kordhayso caalamka, haddana dowladda Switzerland ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dhacdooyinka dhaqanka iyo ciyaaraha la ogolaan doono inay sii socdaan, iyaddo laga taxadaraayo nadaafadda guud iyo xeerka kala fogaansha dadka.

Tan iyo bishii luulyo ee sanadkan waxaa kordhaayey kiisaska cudurka Covid-19 ee laga diwaan galinayey gudaha Switzerland, taas oo aan lamid ahayn sida dalalka France iyo Spain, qaar kamid ah goboladda dalka Swiss ayaa si weyn uga soo kabtay xanuunkan, iyadoo ay barbar socdeen in la furo dukaanada lagu iibiyo Af-xirka iyo in dib loogu laabto xarumaha kale ee ganacsiga.

Dowladdu waxay ku adkeysanaysaa tallooyinka in isu imaatinada ballaaran ee munaasabadaha inay sii socon karaan sida ciyaaraha kubadda cagta, ciyaaraha xeegadda barafka, riwaayadaha iyo bandhigyadda kala duwan, garoomadda saddex meelood labo meel ayaa loo ogolaanayaa taageerayaasha iyagoo xiran maaskaro ama waji xir.
Maamullada caafimaadka ee maxalliga ah ayaa mamnuici kara dhacdooyinka iyo munaasabadaha kala duwan haddi ay maleeyaan in halis weyn ay jirto, dowladda ayaa ku doodaysa kadib bilo xayiraado ah in dadka iyo dhaqaaluhuba u baahan yihiin inay kulamada caynkan ah.