Qurbo-joog soomaaliyeed oo lagu abaal mariyay taakuleyn ay u sameeyeen qoyasas dan-yar ah.

Date:

Dhallinradan oo kuย  nool waddamo ku kala yaalla qaaradaha Yurub iyo waqooyiga Ameerika ayaa waxaa ay ka soo jeedaan xaafadda Towfiiq oo ka tirsan Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadi,waxaanay ku muteysteen abaal-mrinnadan la guddoonsiiyay,howlo dhinaca samo-falka ah oo ay ka qabteen magaalada ย gaar ahaan qoysaska ka soo jeeda xaafadda towfiiq.

Mid ka mid ah dhallinyaradan qurbo joogta ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Shiikh ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho,kaasoo si weyn loo soo dhaweeyay isla markaana loo qabtay xaflado lagu maamuusayo waxqabadkooda iyadoo mid ka mid ah xafladahaasinaย  lagu guddoonsiiyay abaalmarinnada.

Maxamed Axmed Shiikh oo ka hadlay xafladii isaga iyo asxaabtiisii kale lagu guddoonsiinayay Abaalmarinnada ayaa sheegay in arrintani ay dhiirri gelin weyn u tahay isaga iyo asxaabtii kale uu ka yimidba,isagoo ballan ku qaaday iney sii laban-laabi doonaan howlahan Samo-falka ย ah ee ay u hayaan dadkooda soomaaliyeed.

Lataliyaha duqa magaada Muqdisho ee dhanka arrimaha siyaasadda iyo dhaqanka Garaad Cabdiqani Nuur Xasan oo isaguna ka mid ahaa masโ€™uuliyiintii maamulka gobolka ka socotay ee xafladdan ka qeybgalay ayaa sheegay iney arrintani tahay mid dhiirri-gelin iyo ku dayashaba mudan isgoo ammaanay dhallinyrada qurbo joogta ah iyo kaalintaย  wanaagsan ee ay qaadanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...