Home Blog Page 755

Ingiriiska oo sheegay in 13.5 milyan oo qof laga Tallaalay COVID19.

0

Britain waxaa la sheegayaa in ay  dhowdahay  inay gaarto hadafkii ay tiigsanay bartamaha bishan Febraayo,  kaasi oo ah in xanuunka COVID 19,  laga tallaalo 15 milyan oo ka mid ah kooxaha u nugul ee ku hawlan ka hortaga fayraska Corona, taasi oo horseedi karto yareynta faafitaanka xanuunkan.

In ka badan 13.5 milyan oo qof ayaa la tallaalay tan iyo markii barnaamijka tallaalka ugu weyn taariikhda UK laga bilaabay horraantii  bishii Diseembar ee sanadkii tagay, celcelis ahaan 431,323 qof ayaa helayay maalin kasta intii uu socday Tallaalkan.

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa balan qaaday inuu talaalayo dhamaan dadka ku taxan afarta qaybood ee mudnaanta leh, oo ay ku jiraan dadka  ay da’dooda ay ka weyntahay 70-ka sano, dadka degan guryaha daryeelka iyo qaar ka mid ah shaqaalaha muhiimka ah.

Dhanka kale, Xukuumadda Welsh, oo si madaxbanaan u wadata siyaasadeeda caafimaadka, ayaa sheegtay inay ku guuleysan doonto hadafkeeda ah talaalka afarta koox ee mudnaanta la siinayo.

Tirooyinku waxay muujiyeen in qiyaastii 22% dadweynaha Wales ay heleen tallaal, marka la barbardhigo dadka England tallaalkan helay 20.3%, sidokale reer Scotland ayaa dhankooda helay 19.2%,  halka dadka  Waqooyiga Ireland ku nool ay Tallaalkan ka heleen 18.7%.

Johnson  wuxuu ballan-qaaday inuu dib-u-eegi doono dhammaan xogta khuseysa  Tallaalkan, ka hor inta uusan sameynin  waddada ay dowladdiisa ku wajaheysa xanuunkan bilaha soo socda.

“Waxaan horumarin doonaa qaab kale oo loo wajahayo yareynta  faafitaanka xanuunkan,  taas oo ay ku jiri doonto qorshayaal dib u furida Iskuulada.” Sidaas waxaa warbaahinta usheegay Af hayeen u hadlay Boris Johnson.

Wasaaradda cadaaladda oo shir muhiim ah la yeelatay deeqbixiyeyaasha taageera cadaaladda dalka.

0

Waxaa maalinnimadii Jimcaha, 12ka bisha Febraayo 2020 qabsoomay shir  fogaan arag ah, kaas oo heerkiisu sarreeyo, waxaana  shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane C/qaadir Maxamed Nuur.

Shirka waxaa lagu falanqeeyey  barnaamijyada cadaaladda iyo asluubta, iyadoo aad looga hadlay horumarrada laga sameeyey xabsiyada Kismaayo iyo Maxkamadda Boosaaso.

Wasiirka ayaa ka hadlay howlaha sanadkaan hortabinta u leh Wasaaradda Cadaaladda ayna kamid tahay qorshaha istraajiyadeed ee shanta sano ee hey’adaha cadaaladda yeelanaayaan.

Ugu danbeyntii waxaa lagu ansaxiyey howl-qorsheedka 2021. Shirka waxaa ka soo qeyb galay deeq bixiyeyaasha taageera bahda cadaaladda sida EU, Netherlands, Sweden, Hey’adda IDLO, iyo dhammaan qeybaha hey’adaha Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Caafimaadka X.F.S oo faahfaahin ka bixisay xaaladahii ugu dambeeyay ee COVID-19.

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladahii ugu danbeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in barataanadii ugu danbeeyay ee la sameeyay shalay laga helay 28 ruux oo ku sugan Muqdisho iyo Hirshabeelle, islamarkaana ay sare u sii kacayaan kiisaska cudurka Karoonaha.

Drs. Fawziya Abiikar Nuur, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegt in 12-kii February 2021: xanuunkan laga baaray dad gaaraya 628 COVID-19, waxana Laga Helay 62, oo ku sugan Banadir, kuwaa oo kala ah 36 Lab ah iyo 26 Dhedig ah, halka ay u geeriyodeen 2 qof.

Wasaaradda ayaa Tirada Guud ee Laga Helay xanuunkan ku sheegtay 5,075, Tirada Guud ee Bogsatay waa 3,733.

Halka Dhimashada Guudna ay tahay 146.

Wasaaradda ayaa ygy danbeeyn digniin caafimaad u dirtay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed si ay ugu digtonadaan halista xanuunkan oo markale soo laba kacleeyay.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray Qarax ka dhacay Muqdisho.

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa nuuciisuna ahaa NOAH 3 albaab ah uu soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.

Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay.

Feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo Khatarta argagixasad ay la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Baarlamaanka Yurub oo ansaxiyay ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee Yaman ku sugan.

0

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa si weyn ugu codeeyay qaraar qabyo ah oo ku baaqayo in dalka Yaman laga saaro dhamaan ciidamada shisheeye si loo fududeeyo wadahadalka siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalkaas, xilli ergayga Mareykanka ee Yaman uu kala hadlay madaxweynaha dalkaasi in heshiis siyaasadeed laga gaaro dhibaatada wadankaasi ka taagan.

Go’aankan uu gaaray Baarlamaanka reer Yurub ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu xalliyo dhibka ka socda dalkaasi tan iyo sanadkii 2015, dagaaladaasi oo sababay dhibaato bini’aadanimo tii ugu xumeed.

Qaraarkan ayaa xoojinaya dadaalka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yaman Martin Griffiths si loo riixo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalkaasi.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay  ayaa golaha Amaanka ugu baaqay in ay qaataan tallaabo adag si qaswadayaasha Yaman loogu gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada iyo in la balaariyo liiska dadka cunaqabateynta lagu soo rogay.

Dhinaca kale Wakaaladda Wararka ee Yaman ayaa sheegtay in Madaxweyne Cabdi-Rabbu Mansuur Haadi uu ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Yemen, hoyga uu ka degan yahay magaalada Riyaad, si ay uga wada hadlaan dadaallada loogu jiro nabadeynta dalka.

Wakaaladda oo soo xiganeysa illo ku dhaw Madaxweynaha Yaman sheegtay in uu madaxweyne Haadi, ku raacay ergayga Mareykanka, dadaalada uu ku doonaayo amniga iyo xasilloonida Yemen.

Maamulka cusub ee Mareykanka oo xayiradii ka qaaday dadka qaxootiga ah.

0

Maamulka  cusub ee madaxweyne  Biden ayaa ku dhawaaaqay in ay billaabi doonaan  in si tartiib tartiib ah ay Mareykanka u soo galaan kumannaan qof oo qaxooti  ah, waasi oo hadda  ku xayiran dalalka la deriska ah sida dalka Mexico.

Warbixin  ka soo baxday maamulka Mareykanka ayaa lagu sheegay  in laga billaabo Toddobaadka  soo socda uu gudaha dalkaasi ka bilaaban doono codsiga 25,000 oo qof oo dacwaddooda magangelyo doonka ah ay diyaar tahay.

Dadka  ayaa marka hore waxaa laga rabaa inay isa soo diiwaan geliyaan oo ay soo maraan baaritaanka cudurka Covid-19, ka hor inta aan loo ogolaan in ay ka soo tallaabaan xudduudda.

Tallaabadan ayaa u muuqato  lagu doonayo in lagu meesha looga saaro siyaasadahii  guracnaa ee sida weyn loogu dhaliili jiray madaxweynihii  dhawaan xilka baneeyay ee dalkaasi Mareykanka Donald Trump.

Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, dhaqanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha oo tilmaamay in Marxuumku uu door muuqda kasoo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo guud ahaan hoggaanka dhaqanka Soomaaliland geerida ku timid Marxuumka oo ahaa Suldaankii Guud ee Soomaaliland.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir waxa uu ka soo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey dib u yagleelidda Qarannimada dalkeenna iyo wadajirka shacabkeenna, isaga oo si gaar ah uga qeyb qaatay Shirkii Carta 2000, kana mid noqday Xildhibaannadii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Maleeshiyaadkii isku hortaagnaa Deegaanka Xananbuure oo lakala qaaday+(SAWIRRO).

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan yuusuf Cadaala oo hogaaminayo xubno masuuliyiin ah oo dadaalo dhax  dhaxaad iyo hishiisìn beelo walaalo kawaday  deegaanka xananbuure ayaa ku guuleystay in  lakala  qaado maleeshiyaad is  hortaagnaa.

Masuuliyiinta ayaa saakay kormeer ku tagay deegaanka Olol oo dhanka koofur galbeed ku dhawaad 20KM ka xiga Xananbuuro oo  ka mid ah goobaha ay maleeshiyadu ku signed.

Sidoo kale waxa ay tageen deegaanka Xinjilab oo isna dhanka woqooyi ka xiga ku dhawaad 20KM Xananbuuro halkaas oo ay ku sugnaayeen dhinaca kale.

Gudaha magaalada waxaan markii labaad si fool ka fool ah u kulansaday  waxgaradka labada dhinac

Maanta oo sabti ah ayaa waxaan la filayaa inlaga soo  saaridoonaa Go’aamo uhiilinaya nabadda

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi  Kaariye  (Qoor Qoor) golaha wasiiradda Galmudug iyo wax  garadka  deegaanka siday  ugala  shaqeeyeen sidii dib loogu soo  celin  lahaa nabadda  iyo walaalnimada

Ugu dambeyntii wasiir Cadaala ayaa Waxa uu baaq udiray dhamaan Waxgaradka, culumada, dhalinyarada, ganacsatada iyo haweenka kasoo jeeda deegaanka Xananbuure inay xoogooda isugu geeyaan sidii aanay mardanbe colaad nuucaan ah usoo laaban laheyn loona dawaynlahaa tabashooyinka Walaalaha.

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirka Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Wadamada Carabta.

0

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka qeybgalay Shirka Agaasimeyaasha Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee wadamada xuminta ka ah Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qabtay  aaladda Fogaan aragga (ZOOM).

Shirkaan oo ah kii 19aad, ayna ka soo qeybgaleen 13 wadan ayaa diiradda lagu saarayay ka doodista qodobadii Shirkii hore ee ay yeesheen Wadamada Carabta iyo waxa ka qabsoomay sida, dib u eegista Magacyada Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Wadamada Jaamacadda Carabta, sida ay ula dhaqmaan Wadamada Jaamacadda Carabta Qaxootiga carbeed ee wadamadooda ku sugan iyo saameynta uu ku yeeshay qulqulka Qaxootiga dhanka Amniga ee Wadamada Jaamacadda Carabta.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa hormarro la taaban karo ka sameysay qodobada looga hadlay shirarkii hore, sida; ka-hortagga Socdaalada Sharci darada ah, ka hortagga sameynta iyo ku safarka Dukumeentiyada safarka ee been abuurka ah iyo sidoo kale soo dhaweynta qaxootiga Carbeed ee ku sugan Soomaaliya sida Suuriyaanka  iyo Yamaniyiinta.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay la jaanqaadeyso iyo siyaasadaha iyo Sharciyada lagu hagaajinayo Xaaladaha nololeed ee Qaxootiga Carbeed, islamarkaana looga hortago saameynta ay ku yeelan karaan dhanka Amniga wadamada marti geliyay, sida ku biirista Ururada Xagjirka ah, ka ganacsiga Maandooriyaha iyo Dhaqista lacagaha madow iyo Socdaalka Sharci darada ah.

Shirkaan oo laba maalin socday ayaa maalintii ugu dambeysay loogaa hadlay Isdhaafsiga Khibrada dhanka Jinsidiyaha, Isticmaalka Tiknolojiyada horumarsan ee Baasaboorka, iyo In aragti mideysan ay ka yeeshaan Wadamada Jaamacadda carabta aqoonsi ay ku mideysan yihiin dhamaan wadamada jaamacadda Carabta, kaas oo si weyn looga dooday ilaa ay 14 dal oo kamid ah ay soo gudbiyeen nuqulo kamid ah aqoonsiga,  markii dambena leysku raacay in aragtiyo  intaa ka badan laga yeesho.

Ugu dambeyn, Shirkaan oo jawi wanaagsan ku soo xirmay, waxaa bandhigyo ku sameeyay Dowladaha Urdun,iyo Sudan , kuwaas oo soo   bandhigay qaab-dhismeedka Hey’adahooda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Adeegyada ay bixiyaan Iyagoo meesha ku soo bandhigay adeegyada kala ah Bixinta Baasaboorka, Galka Qoyska, Kaarka Aqoonsiga, Shahaadada Dhalashada, Shahaadada Nikaaxa, Shahaadada Dhimashada, Shahaadada Furiinka iyo Galka Shakhsiga. Sidoo kale waxaa la isku raacay in adeegyada Socdaalka Wadamada Jaamacadda Carabta la fududeeyo.

Ciidanka Xoogga dalka oo deegaanno ka tirsan Sh/dhexe kala wareegay Al-Shabaab+(SAWIRRO).

0

Ururka 7aad ee Guutada 16-aad ee Ciidanka kumandooska danab ayaa  hawlgal ka sameeyey degaan ka mida   gobolka shabeelaha dhexe.

Degaanad hawlgalku ka dhacay ayaa kala ah  War ciise,  Maja badan,  Qor dhere, Bulo gannay, ka dheeray, kulan oo Dhamantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha ururka 7aad  ee Guutada 16aad ee Ciidanka kumandooska danab Dhame Xasan maxamed cisman  oo hogaamiyanyey hawlgalka ayaa sheegay  in u jeedka hawlgalku u ahaa in Lagu Bur Buriyo Fariisamo  Nabad Diidka ku la hayeen deganaakaas  kuwaas oo isugu jiray Goob ay maxakamad beneed u ah iyo meel gabaad u ahayd  kuna  dhibateeyaan dadka shacabka ah ee ku nool Gobolka shabeelaha dhexe.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa Shacabka Somaliyeed Ka Codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Si Looga guulaysto Nabadiidka .

Hawlgalkan  ayaa in uu socday waxa ay nabadiidku isku dayeen iska caabin balse Ciidanka kumandooska danab ayaa cagta mariyey maleeshiyadka qaarna nolosha lagu qabtay iyagoo hubaysan.

Burburintan Xarumahan ayaa alshabaab ku ah dhabar jab wayn madama ay goobahan ka helijireen dhaqaalo farabadan oo ay ka badaan dadka shacabka ah.

Hawlgalkan ay sameyeen ururka 7aad ee Guutada 16aad Ciidanka Kumandooska Danab ayaa qayb ka ah  hawlgalada guud ee lagu baacsanayo  nabadiidka  Naflacaariga maleeshiyadka alshabaab ee ka socda qayb ka mida dalkeena Somaliya.