Baarlamaanka Yurub oo ansaxiyay ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee Yaman ku sugan.

Date:

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa si weyn ugu codeeyay qaraar qabyo ah oo ku baaqayo in dalka Yaman laga saaro dhamaan ciidamada shisheeye si loo fududeeyo wadahadalka siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalkaas, xilli ergayga Mareykanka ee Yaman uu kala hadlay madaxweynaha dalkaasi in heshiis siyaasadeed laga gaaro dhibaatada wadankaasi ka taagan.

Go’aankan uu gaaray Baarlamaanka reer Yurub ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu xalliyo dhibka ka socda dalkaasi tan iyo sanadkii 2015, dagaaladaasi oo sababay dhibaato bini’aadanimo tii ugu xumeed.

Qaraarkan ayaa xoojinaya dadaalka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yaman Martin Griffiths si loo riixo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalkaasi.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay  ayaa golaha Amaanka ugu baaqay in ay qaataan tallaabo adag si qaswadayaasha Yaman loogu gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada iyo in la balaariyo liiska dadka cunaqabateynta lagu soo rogay.

Dhinaca kale Wakaaladda Wararka ee Yaman ayaa sheegtay in Madaxweyne Cabdi-Rabbu Mansuur Haadi uu ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Yemen, hoyga uu ka degan yahay magaalada Riyaad, si ay uga wada hadlaan dadaallada loogu jiro nabadeynta dalka.

Wakaaladda oo soo xiganeysa illo ku dhaw Madaxweynaha Yaman sheegtay in uu madaxweyne Haadi, ku raacay ergayga Mareykanka, dadaalada uu ku doonaayo amniga iyo xasilloonida Yemen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...