Home Blog Page 756

Shil gaari oo qasaaro badan geystay ayaa ka dhacay dalka Mareykanka.

0

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dad kale oo badana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay magaalada Fort Worth ee gobalka Taxes ee dalka Mareykanka.

Shilkan ayaa waxaa ku lug leh in ka badan boqol gaari kuwaas oo marayay wado weyn oo dhowr jiho isku dhaafta.

Gaadiidka oo isugu jiray xamuul iyo kuwo yar yar ayaa isdul barkaday oo isku dhacay iyadoo sababta lagu sheegay baraf surinka ka dhigay mid lagu sibqado.

Booliska iyo shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in qasaaraha uu kordhi karo maadaama uu wali gurmadku socdo.

Booliska waxay sidoo kale sheegeen in ay waqti qaadan doonto kala gurida gaadiidka isku riiqmay taana ay sababi doonto in dhabaha oo muhiim ah uu xirnaado

Qaramada midoobe oo deeq gaarsiiyay barakacayaasha magaalada Beledxaawo ee gobalka Gedo.

0

 

Heyada qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobe ee la yiraahdo UNHCR ayaa sheegtay in ay deeq gaarsiiyay dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Beledxaawo

Dadkan ayaa waxaa saameeyay dagaalkii dhawaanta ka dhacay magaalada kaas oo abuuray xaalad deg deg ah oo loo baahanyahay in gacan laga geysto

Dadka ayaa la siiyay agab muhiim ah sida baco ay hooy ka dhigtaan ,buste,gogosha hurdada iyo maacuun.

Dadkan ayaa waxaa ay ku nool yihiin xerada Qansaxleey halkaas oo ay degan yihiin barakacyaasha ugu badan .

UNHCR waxay tilmaantay in qorshaha uu yahay in la kaalmeeyo dad gaaraya 3,000

Nuxurka khudbadda ra’isul wasaare Rooble ee ka hor jeediyay golaha shacabka+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa khudbaddii maanta u jeediyay xildhibaanada golaha shacabka waxaa uu uga hadlay arrimo muhiim ah, waxaana kamid ahaa, sugidda amniga gaar ahaan xilliga doorashada, horumarinta caddaaladda, dhab u heshiisiinta, la dagaalanka musuq maasuqa, kobcinta dhaqaalaha, tayeynta adeegyada bulshada, la tacaalidda musiibooyinka Rabbaaniga ah sida; cudurka COVID-19, abaaraha iyo fatahaadaha.

Waxaa uu sidoo kale, sheegay in durba markii wasiirada cusub ay xilka la wareegeen la dejiyay qorshaha 100 maalin, iyadoo waxyaabaha hor tabinta u leh xukuumadda lagu soo koobay, affar tiir oo kala ah; tiirka siyaasadda loo dhan yahay oo ay ku wadajiraan wasaaradaha howshaas quseyso.

Tiirka horumarinta dhaqaalaha waxaa ku jira wasaaradaha iyo hey’adaha wax soo saarka iyo horumarinta dhaqaalaha, tiirka amniga iyo caddaaladda waxaa ku uruursan wasaaradaha iyo hey’adaha ay quseyso arrinta amniga, kan u dambeeyay ayaa ah, tiirka horumarinta adeegyada bulshada waxaa ku ku jira wasaaaradaha iyo hey’adaha ay shaqadoodu tahay adeegyada bulshada.

Mudane Rooble, waxaa uu ka hadlay, dadaaladda xukuumadda ay ku bixisay taaba gelinta doorashooyin loo dhan yahay laguna wada qanacsan yahay, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin qabashada doorashada iyo qancinta tabashooyinka ay qabaan dhinacyada ku lugta leh doorashada dalka.

Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sheegay in cidna laga aqbali doonin in  amniga dalka ay Khalkhal geliso, isagoo xusay in xasiloonida ay tahay mid lagama maarmaan ah.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dowladda ku garab istaagaan sidii dalka horumarinkiisa looga shaqeyn lahaa.

Mudane Rooble, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kordhinta dhakhliga gudaha oo la gaarsiiyay 12.6m oo doolar in bil walka laga soo xareeyo ilaha dhaqaalaha dalka, halka markii hore la soo xareyn jirey ugu badnaan 7 ilaa 8 milyan doolar.

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo taageeray maamulka cusub ee Liibiya.

0

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaan maamulka cusub ee Liibiya, waxayna ku baaqeen in si buuxda loo dhaqan geliyo xabad joojintii horay loo gaaray.

Golaha Amniga ayaa soo dhoweeyay doorashada dalkaasi iyo sidii loga qaybgalay Madasha Wadatashiga Siyaasadda Liibiya ee lagu qabtay magaalada Geneva.

Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Liibiya, ayaa sheegay in kormeerayaasha ay yihiin xoog fududeeye u taagan so if bixinta caqabadaha qaswadayaasha.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Xukuumadda lagu dhisay heshiiska Qaranka, Fatxai Baashaqa ayaa caddeeyay in dadka Liibiya, ay u sinayeen madasha wadahadalka siyaasadeed.

Shir jaraa’id oo uu Wasiirka  ku qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Liibiya ee Tripoli ayuu ku sheegay in ay muhiim tahay in xal loo helo xiisaddaha ka taagan dalkiisa, waxuuna  muujiyay in uu diyaar u yahay in uu booqdoona gobolada dhaca bariga dalkaasi si loo qeymeeyo hergalinta heshiiskii lagaaray.

Wasiirka ayaa ugu danbeeyn tilmaamay in dowladda hadda jirta ay diyaar u tahay in ay ku wareejiso xukunka dowladda cusub, ayna sii wadi doonto howlaheeda inta ay xukuumadda cusub ka helayso kalsoonida Baarlamaanka.

Dowladda Federaalka oo xoojineysa nidaamka caddaaladda iyo dhaqan celinta Maxaabiista.

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen.Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa kulan looga hadlayay kor uqaadista dhaqancelinta maxaabista la qaatay saraakiisha ciidanka, taliyeyaasha ciidanka asluubta, madaxda Hoggaanka,madax waaxeedyada, saarkiisha iyo ciidanka asluubta.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay xoojinta amniga iyo kor u qaadista dhaqan celinta maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in ay sare u qaadi doonaan tababarada iyo tayeynta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

“ Waxaan rabnaa ciidanka Asluubta naloo dhiibay inaan kor u qaadno, tabaradiisa, tayadiisa iyo ku dhaqankiisa sharci, cadaaladiisa inaan kor u qaadno oo mideyno ayaa rabnaa,” ayuu yiri Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlayay Saraakiisha iyo ciidanka Asluubta.

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa wado dadaalo ku aadan tayeynta ciidanka Asluubta si ay iyagana dhaqan celin wanaagsan ugu sameeyaan maxaabiista xabsiyada dalka ku xiran.

Nidaamka caddaaladda iyo dhaqan celinta ee Soomaaliya ayaa si weyn u soo xoogaysanaya iyada oo Dowladda Federaalka ay dhistay Xabsi Cusub oo si casri ah loo dhisay, kaas oo qeyb weyn ka qaadanayaa dhaqan celinta maxaabiista iyo sare u qaadista aqoontooda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Oo Hakisay Maamulkii ay Umagacaawday Deegaanka Bacaadweyn.

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Oo Hakisay Maamulkii Ay Umagacaawday Deegnaaka Bacadweyne.

wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha galmudug ayaa lagu qoray sidatan.

Puntland oo soo dhaweysay shirka uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo.

0
Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta rasmiga ah ee madaxtooyada Puntland ku leedahay Facebook ayaa lagu soo dhaweeyay shirka 15 bishan uu iclaamiyay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaas oo looga hadlayo meel marinta heshiiskii doorashada 17 September ay wada galeen madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay ku dhawaaqay in 15 bishan Febraayo, magaalada Garoowe uu dib uga bilaaban doona shirka madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga arrinsan doono doorashada dalka.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dadaalaya, sidii dalka uga  qabsoomi laheyd doorasho la wada ogol yahay si ay u soo baxdo natiijo lagu wada qanacsan yahay.

Golaha Ammaanka oo soo dhaweeyay shirka uu madaxweyne Farmaajo iclaamiyay.

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu yeeray hoggaamiyaasha Soomaaliya in ay si dhaqso leh dib ugu bilaabaan wada hadalada si loo diyaariyo doorashooyin cusub, iyagoo rajeynaya in la xaliyo xiisad cusub oo ka dhalata khilaafka doorashooyinka.

Qaraarka ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen, 15-ka wadan ee Golaha Amnigu waxay ka codsadeen Soomaalida inay “si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadalkooda oo ay u wada shaqeeyaan, iyagoo eegaya danaha dadka Soomaaliyeed.”

Go’aankan ayaa ku dhiiri galiyay hogaamiyaasha in ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan qabanqaabada qabashada doorashooyin loo dhan yahay iyadoo la doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.

Dowlad Britain ayaa ku baaqday kulanka albaabada u xiran maalin kadib markii dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo dowladaha federaalka ay ka baaqdeen waqtigii loogu talagalay ee ahaa in lagu sii wado codeynta doorashada madaxweynaha xiga.

Golaha Amnigu wuxuu kaloo cambaareeyay weerarada ka soo cusboonaaday kooxda Shabab waxayna mar kale xaqiijiyeen inay taageersan yihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Golaha Amniga ayaa mar kale kulmi doona 22-ka Febraayo si ay u cusbooneysiiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo wakhtigiisa dhammaanayo bishan Febraayo.

Xukuumadda oo fududeynaysa qabsoomidda Shirka Doorashooyinka ee Garoowe

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee  ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaas oo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHIR ISUGU YEERAY MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDYADA IYO GOBOLKA BANAADIR

0

Muqdisho, Febaraayo 09, 2021: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.