Maamulka cusub ee Mareykanka oo xayiradii ka qaaday dadka qaxootiga ah.

Date:

Maamulka  cusub ee madaxweyne  Biden ayaa ku dhawaaaqay in ay billaabi doonaan  in si tartiib tartiib ah ay Mareykanka u soo galaan kumannaan qof oo qaxooti  ah, waasi oo hadda  ku xayiran dalalka la deriska ah sida dalka Mexico.

Warbixin  ka soo baxday maamulka Mareykanka ayaa lagu sheegay  in laga billaabo Toddobaadka  soo socda uu gudaha dalkaasi ka bilaaban doono codsiga 25,000 oo qof oo dacwaddooda magangelyo doonka ah ay diyaar tahay.

Dadka  ayaa marka hore waxaa laga rabaa inay isa soo diiwaan geliyaan oo ay soo maraan baaritaanka cudurka Covid-19, ka hor inta aan loo ogolaan in ay ka soo tallaabaan xudduudda.

Tallaabadan ayaa u muuqato  lagu doonayo in lagu meesha looga saaro siyaasadahii  guracnaa ee sida weyn loogu dhaliili jiray madaxweynihii  dhawaan xilka baneeyay ee dalkaasi Mareykanka Donald Trump.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...