Home Blog Page 754

3-Qof oo cudurka Ebola ugu geeriyootay dalka Guinea.

0

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Guinea ayaa sheegtay in seddex qof ugu geeriyootay dalkaas cudurka Ebola.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Guinea ayaa looga dalbaday hay’aadda caafimaadka adduunka inay si deg deg ah tallaal ula soo gaarto si looga baaqsado in cudurku kusii  faafo dalka iyo qaaradda Africa.

Dhanka kale, agaasimaha hay’adda caafimaadka u qaabilsan Afrika Machidisu Moeti, ayaa muujisay sida ay uga walaacsan tahay inuu mar kale soo laabto cudurka Ebola.

Moeti ayaa intaas ku dartay inay ka shaqeeynayaan sidii la isaga kaashan lahaa ka hor tagga cudurka dilaaga ah ee  Ebola.

Cudurka Ebola  ayaa markii ugu horaysay ka dillaacay galbeedka Afrika sanaddii 2013.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan sagootin ah la qaatay safiirka Ingiriiska u fadhiyay Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaliya Mudane, Ben Fender kaasi oo ay u dhamaatay muddaadii shaqadiisa.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriiirka ka dhaxeeya labda dal.

Safiirka Ingiriiska u joogay Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka iyo sida loogu fududeeyay inuu guto howlihiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa uga mahadceliyey safiirka kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo u rajeeyey safiirka mustaqabl wanaasgan.

Wasiirkii hore ee difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo Geeriyooday.

0

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaalida ee dalkaas.

Alle ha u naxariistee Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ku geeriyooday da’da 80-jirka, wuxuuna ahaa senetarka ismaamulka Gaarisa, kana tirsanaa aqalka sare ee dalka Kenya.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo xaqiijiyay geerida Marxuumka ayaa sheegay in afar ilaa iyo shan bilood uu xanuunsanayay,islamarkaana daaweyn caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga.

Maxamed Yuusf Xaaji ayaa muddooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Wuxuu sidoo kale soo noqday Guddoomiyaha gobolka Rift valley intii u dhexeysay 1970 iyo 1998 iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay falalkii ugu danbeeyay ee aragagixisadu ka geysatay Soomaaliya.

0

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii ugu danbeeyay ee argagixisadu ka geysatay dalka Soomaaliya kuwaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Bayaan ka soo baxay ururka iskaashiga islaamka ayaa lagu sheegay in ay tahay arrin fool xun falalka kooxaha argagixisadu geysanayaan, iyadoo lagu jiro diyaar-gawroowga doorashooyinka guud ee Soomaaliya.

Ururka ayaa uga tacsiyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed dadkii ku dhintay weeraradii ugu danbeeyay, wuxuuna caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Ururka Iskaashiga Islaamku garab taagan yahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ku garab siinayaan sidii looga guuleysan lahaa kooxaha argagixisada.

Barlamaanka Jaamacadda Carabta oo soo dhaweeyay Shirka golaha wadatashiga Qaranka.

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi ayaa soo dhaweeyay shirka golaha wadatashiga qaranka ee udhaxeeyay madaxda dowladda federaalka,kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

“Waxaan soo dhoweyneynaa wadahadalka qaran ee Soomaaliya waxaana ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada is haya inay si wax ku ool ah uga wada shaqeeyaan arrintan oo ah masiirka dadka Soomaaliyeed.

Mudane Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay baaqii ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ee ahaa in la qabto wadahadal wadatashi ah bishaan Febraayo 15-keeda iyo 17-keeda, si loo gaaro hishiis loona qabto doorasho la isku raacsan yahay, sidoo kalana laga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida dalka isla markaana laga gudbo dhibaatooyinka horyaal u diyaargarowga doorashooyinka guud ee dalka, iyadoo loo marayo qaab wada tashi ah, kaasi oo ka dhabeeynaya himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee qaaliga ah is ay ugu noolaadaan amni iyo horumar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta wuxuu ugu baaqaya dhammaan dhinacyada Jamhuuriyadda Federlka Soomaaliya inay si wax ku ool ah uga qayb-galaan wadahadalkaan oo ay muhiimada koowaad siiyaan danaha guud ee qaranka , si loo gaaro heshiis qaran oo ballaaran kaasi oo ogolaanaya, qabashada doorashooyinka qaranka sida ugu dhakhsaha badan, si kor loogu qaado amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Soomaaliya, meelna looga soo wada jeesto ururada argagixisada xagjirka ah ee khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.

Al-Casumi wuxuu cadeeyay mowqifka adag ee baarlamaanka carabta ee ku Aadan taageerad dhammaan dadaalada loogu talagalay in lagu gaaro is afgarad qaran oo dhameystiran isaga oo ugu baaqay wadamada carabta inay xoojiyaan furfurnaantooda ayna horumariyaan xiriirkooda Jamhuuriyada. Soomaaliya heer kasta iyo dhinac walba.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo faray hay’addaha amniga inay furaan isgoyska Dabka.

0
Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hay’addaha amniga inay furaan isgoyska Dabka oo xalay la xiray.
Ra’isul wasaare Rooble oo bartiiisa faceboka ku daabacay qoraal ayaa faray hay’addaha amniga inay si deg deg ah ufuraan wadada danka.
Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaa oo bilaabay Tababar ku saabsan amniga iyo badqabka doorashooyinka dalka+(SAWIRRO).

0

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GHDHF) oo kaashanaya qaybta amniga ee AMISOM ayaa bilaabay tababarka bedqabka doorashada iyo dadka ka shaqaynaya. Tababarkaan ayaa waxa ka qayb gelayaa Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal , Xalinta khilaafadka iyo Guddiyada Heer Maamul Goboleed, wuxuuna socon doona 14 ilaa 15 Febaraayo.

Guddoomiyaha GHDHF Mudane Maxamed Xasan Maxamed oo furay tababarka ayaa sheegay in duruufaha ku xeeran doorashada, goobaha cod bixinta iyo masuuliyadda hirgelinta doorasho ee saaran ay muhiim u tahay in xubnaha Guddiyada kala duwan ee hirgelinaya doorashada ay helaan tababarro ku saabsan bedqabka iyo dadka doorashada ka shaqaynaya.

Taliyaha Booliiska AMISOM, AIGP Augustine Magnus Kaille ayaa sheegay in iyagoo qayb ka ah guddiga isku dhafka ee Amniga doorashada uu tababarkan u keenayo hab isku xiran oo ay ku wada shaqeeyaan qaybaha fulinta doorashada iyo dhinacyada amniga qaabilsan.

Major Gen. Sadiiq Aadan Cali oo ah Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed, Xoghayaha guddiga isku dhafka ah ee amniga doroashooyinka Qaranka ayaa sheegay in wada shaqaynta AMISOM, ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo guddiyada hirgelinaya doroashada ay u tahay muhiim in amniga doorashada la sugo, lagana fogaado wax kastoo keeni kara ammaan darro.

Ugu dambeyn tababarkaan ayaa qayb ka ah diyaar garowga Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed ugu jiraan fulinta doorashada 2021 oo la rajaynayo in wakhti dhow ay wadanka ka qabsoonto.

Boliiska Soomaaliya oo baaraya Haween lagu dilay Muqdisho.

0

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno la xiriira cidda ka dambeysay dilka Saddex Haween ah oo Saakay aroortii ka dhacay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Haweenkani oo laba ka mid ahi ay xaamilo ahaayeen la dilay xilli ay kusii jeedeen goobtooda shaqo, iyadoo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen Argagixisada Al-Shabaab.

Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah ku dilaan Kooxaha Argagixisadda ah.

Wasiirka Difaaca XFS oo kormeeray Xarunta Idaacadda Ciidamada Qalabka sida+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji  ayaa kormeer shaqo ku tagay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida (SNA Radio), wuxuuna kulan la qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacadda Ciidamada Qalabka sida.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa  Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka kula kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, iyagoo ka wada hadlay Tayeynta iyo Horumarinta Warbaahinta ku hadasha Afka Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dadaal muuqda iyo Horumar la taaban karo idaacadda Ciidamada ay sameysay mudadii ay jirtay.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ugu mahadceliyay shaqada adag ee qaranka ay u hayaan Shaqalaaha iyo howlwadeenada Idaacadda SNA Radio, isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siinayaan Idaacadda ,wuxuuna hambalyo ku aadan Maalinta Raadiyaha Aduunka uu la wadaagay Shaqaalaha SNA Radio iyo Dhammaan idaacadaha  ku hadla afka Soomaaliga.

Si kastaba Wasaaradda Gaashandhigga XFS ayaa wada dadaalo Lagu horumarinayo Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida.

Ciidanka Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyey.

0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari Hoomey ah oo nabadiidka Al-shabaab ay ku diyaariyeen walaxaha qaraxa , howlgalkaan lagu soo qabtay gaariga hoomeyga ah ee lagu diyaariye walaxaha qaraxa ayaa laga fuliye tuulada Cad Cadeey ee Degmada Afgooye gobolka Shabellaha Hoose.

Gaarigaan Hoomeyga ah ayaa in mudo ah lagu diyaarinayay walaxa qaraxa waxaana la sheegay in nabadiidka Al-shabaab rabeen in ay ku weeraraan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalooyinka Muqdisho iyo labada Shabelle.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay gaariga ciidamada ay howlgalka ku qabteen uu ahaa gaari Hoomey ah isla Markaana lagu diyaariye walxaha qaraxa.

Saraakiisha Danab waxa ay sidoo kale sheegeen in gaariga Hoomeyga ah ee lagu diyaariyey walaxa qarxa Al-Shabaab doonayeen in ay ku gumaadaan shacabka ku dhaqan gobolada Banaadir iyo labada shabelle.

Ugu dambeyntii Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Xogta gaariga qaraxyada lagu diyaariye ay soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan Tuulada Cad Cadeey ee degmada Afgooye.