Taliska Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray Qarax ka dhacay Muqdisho.

Date:

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa nuuciisuna ahaa NOAH 3 albaab ah uu soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.

Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay.

Feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo Khatarta argagixasad ay la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...