Home Blog Page 732

Anthony Blinken ” Shiinaha waxaan kula xisaabtami doonna khatar kasta oo ka jirta Badweynta Taiwan”.

0

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Anthony Blinken ayaa ku booriyay xukuumadda Beijing in ay ixtiraamto xuquuqda Uighurs, Tibet  iyo Hong Kong.

Xariirkii ugu horreeyay ayaa dhexmaray  saraakiisha labadan dal tan iyo markii uu xukunka qabtay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

“Waxaan Shiinaha kala xisaabtami doonnaa khatar kasta oo waxyeleeysa xasiloonida, gaar ahaan Badweynta Taiwan,” ayuu Blinken ku yiri Yang Jiechi mar uu khadka taleefanka kula hadlayey.

Mareykanka ayaa  sidoo kale ugu baaqday Shiinaha inay ku soo biirto beesha caalamka ee cambaareysay afgambigii ka dhacay  Myanmar.

Mareykanka wuxuu sii wadi doonaa halganka uu ugu jiro xuquuqda aadanaha iyo kor u qaadida dimoqraadiyadda Caalamka, oo ay qeyb ka yahiin Tibet iyo Hong Kong,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Mareykanka wuxuu cadaadis saarayaa arrimaha ganacsiga Shiinaha, isaga oo ku eedeeyay dhibateeynta Muslimiinta laga tirada badan yahay iyo Hong Kong.

Eedeymaha uu Mareykanka u soo jeediyay Shiinaha waxa ka mid ah  losoo faafinta cudurka Corona oo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay baaritaan ku hayso.

 

Xanuun halis ah oo ka dillaacay Dowlad deegaanka Soomaalida.

0

Sida ay ku dhawaaqday Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, xannuun loga shakisanyahay in uu yahay Dengue ayaa ka dillaacay qeeybo ka mid ah Dowlad degaanka Soomaalida.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 207 xaaldood oo loo maleynayo in uu xannuunkaasi yahay ayaa laga helay gobollada Dollo iyo Liibaan ee degaanka Soomaalida.

Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay baaritaano ay sameyeen lagu xaqiijiyay jiritaanka cudurkan, waxyana intaasi ku dartay in baaritaannadan lagu sameynayo shaybaar ku yaalla Hawassa.

Xanuunkan Dengue oo ah xanuun asal ahaan ay gudbiso Kaniicada ayaa  horay uga dillaacay sannadihii  isla deegaanka intii u dhaxeysay sanadahii 2017 iyo 2018.

Xukuumadda oo ka war bixisay natiijada Shirkii Samareeb

0

 

Shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo muddo 5 maalmood ah ka socday Magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug ayaa caawa la soo gebegebeeyey. Arimaha ugu waaweyn ee lagaga wada hadlay waxa kamid ahaa:
Guddiyada Doorashada, guddida doorashada Somaliland iyo maamulka doorashada Gobolka Gedo.

Madaxda Dowladda Federalka oo muujiyey tanaasul iyo odaynimo badan, in badanna isku deyey in ay qanciyaan mid kamid ah maamul goboleedyada way u suurtageli weyday.

Gebegebadii markii qodobadaas la isla meeldhigi waayey madaxweynuhu wuxu go’aamiyey in shir dambe la isugu soo laabto si halkaas looga sii ambaqaado taabba gelinta heshiiskii 17kii September 2020.

Horjoogihii Al-Shabaab uqaabilsanaa qaraxyada Gobolka Galgaduud oo gacanta lagu dhigay+(SAWIRRO).

0

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goordhow soo bandhigey horjoogihii Qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Xasan Cabdinuur daad “Carey’s” kaasi oo ka mid ahaa maleeshiyaad xalay lagu qabtey howlgal ciidamadu ka fuliyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Horjoogahaan oo hoggaamiyay koox xalay isku daydey in ay hoobiyaal ku soo tuuraan Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb ayaa laga daaweynayaa dhaawac ka soo gaarey dagaalka, waxaa sidoo kale goobta la keenay gaarigii ay wateen iyo qori ah B10 oo ay adeegsanayeen, sidoo kale Ciidamada ayaa goobta ku soo bandhigey qoryo fudud iyo meydadka xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay dagaalkii xalay.

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/Gaas: Xuseen Xoosh Cali iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan masuuliyiinta maamulka Dhuusamareeb ayaa ku amaaney Ciidamada Gor-Gor ee howlgalkaan fuliyay, sida ay uga hortageen qorshihii Alshabaab ee ahaa carqaladeynta Amaanka Magaalada.

Joe Biden oo qorsheynaya in siyaasad cusub lagu wajaho arimaha ka taagan Yemen.

0

Maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dalka Mareyanka  Joe Biden  ayaa shaaca ka qaaday  in ay soo afjarayaan dhammaan taageerada Mareykanka ee ku aaddan howlgallada weerar ee ka socda dalka Yemen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay wadaan qorshe la doonayo in Mareykanku uu kaalin firfircoon kaga qaato joojinta dagaalada ka socda dalka Yemen ee ay isku hayaan isbaheysiga uu hoggaamiyo Scuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta ee dalkaasi.

“Sacuudi Carabiya waxay wajaheysaa weeraro gantaalo iyo hanjabaado kale oo uga imanaya xoogagga ay taageeraan Iiraan sidaa daraadeed,waxaan sii wadaynaa inaan taageerno oo aan ka caawinno Sacuudi Carabiya inay difaacdo madax-bannaanideeda   iyo midnimadeeda dhuleed iyo dadkeeda. ”ayuu yiri Joe Biden

Sacuudi Carabiya ayaa soo dhaweysay hadalada Biden, gaar ahaan sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo wax ka qabashada hanjabaadaha ka dhanka ah.

Labo diyaaradood oo siday gaar gaar oo ka degay Xudur+Sawirro

0

Ururka horumarinta ee UBAX oo ah urur samafal oo ka dhisan deegaanadda koonfur galbeed ayaa deeq rashiin oo isugu jirta Masago, Bur, Bariis, Baasto, Saliid iyo Timir oo ay ka soo uruuriyeen bulshada magaalada baydhabo gaarsiiyey magaalada xuddur si ay qeyb uga noqoto gurmadka loo fidinayo bulshada magaalada.

Guddoomiyaha Ururka horumarinta ee UBAX Cabdi Jirbriil Aadan ayaa bulshada reer baydhabo iyo madaxweynaha koonfur galbeed uga mahaceliyey kaalinta ay ka qaateen in magaalada xuddur loo gurmado.

Yuusuf Warsame Xasan oo wakiil ka ah Jaaliyada koonfur galbeed ee Maama Muniira Fiundation oo deeq gargaar ah xuddur soo gaarsiiyey ayaa isna ka hadlay sida ugu suuragashay in deeqdaan xuddur soo gaarsiiyaan…….

Raashiinkaan oo gaaraya 12-tan qaarna ay ku deeqeen jaaliyada koonfur galbeed qaarna dhalinyaradaan isxilqaamay ay ka soo uruuriyeen shacabka degmada baydhabo waxa dhinaca diyaarada ka saacidey madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed( lafta-gareen) oo waqti badan geliyey sidii loogu gurman lahaa shacabka gobolka bakool gaar ahaan degmada xuddur.

Ciidanka xoogga dalka oo ka hortagay qorshe ay argagaxisadu ku qal qalin rabtay amaanka Dhuusamareeb

0

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howgal qorsheysan oo ay caawa fuliyeen waxa ay nolosha kusoo qabteen Maleyshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab oo qorsheynayay in ay Hoobiyaal ku weeraraan magaalada Samareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wasiirka Amniga dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyeyaasha howlgalka hoggaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dilay 8 ka mida dhagar qabayaasha Al-shabaab sidoo kalana gacanta lagu dhigay Gaadiidkii, Hoobiyihii iyo Hub fudud oo ay u adeegsanayeen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyey Furitaanka Shirka Wadatashiga Samareeb+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wadajirka shacabka soomaaliyeed, waxa uuna dul istaagay marxaladihii adkaa ee laga soo maray dib u dhiska dowladnimadeenna.

Joe Biden oo soo saaray qodobbo la xiriira qoysaska soogalootiga ah iyo kuwa magangelyo doonka ah.

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay sadex qodob oo la la doonayo in lagu mideeyo caruurta iyo dadka muhaajiriinta ah ee lagu kala qeybiyey siyaasaddii maamulkii hore ee Donald Trump.

Qodobada la saxiixay ayaa waxaa kaloo ku jira in dib-u-eegis lagu sameeynayo  barnaamijka dadka soo galootiga ee isaga ka horreeyey

Amarada Mr Biden waxaa sidoo kale ka mid ah in la sameeyo guddi isku daya inay mideeyaan carruur lagu qiyaasay 600-700 ee weli ka maqan qoysaskooda.

“Ma sameynayo sharci cusub ee waxaan tirtirayaa siyaasad xumida ka dhanka ah qoysaska dadka soo galootiga ah iyo kuwa magangalyo doonka ah”ayuu yiri Biden Madaxweynaha Mareykanka

Maamulkii hore ee Donald Trump ayaa sanadihii 2017-18. Waxa uu kala qrybiyay ama kala soocay dadka waaweyn ee aan sharciga lahayn iyo caruurta xilli ay doonayeen in ay ka soo tallaabaan xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico.

Mashruuc lagu horumarinayo wax-soo-saarka Beeraha oo laga daah furay Jowhar+(SAWIRRO).

0

Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Maamulka Hirshabeellle ayaa daah furtay mashruuc dib udayactir loogu sameenayo Kanaalada waraabiya Beeraha Degmada Jowhar iyo deegaanada ku xeeran.

Kanaaladaan Biyaha qaada  ee dib loo habeynayo waxay kala yihiin Weydow goomey iyo kanaalka Galuundi kuwaas oo bur bur aad u weyn ka muuqdo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Beeraha Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim daqare oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kanaaladan dib udayactirkooda muhiim u tahay kor uqaadista wax-soo-saarka Beeraleyda Gobalka Shabeellaha dhexe.

Beera falatada Degmada Jowhar ayaa baahi weyn u qabay helista mashruucan kuwaas oo hadda la rajeynayo inay ka faa’ideystaan Mashaariicda lagu horumarinayo Beerahooda.