Cayaar kubadda cagta ah oo lagu kala yaacay kadib markii garsoorihii la soo baxay bastoolad

Date:

Cayaartaan oo ka dhaceysay wadanka Honduras, ayaa garsoorihii ciyaartu la soo baxay bastoolad, markii taageeroyaal ka carooday rigoore uu diiday ay ku soo yaaceen garoonka.

Sida ay soo xigatay Jariidadda The Sun, goobjoogayaal ayaa sheegaya in la arkayey garsooraha oo ay ku hareereysanyihiin taageerayaal careysan iyo  asaga oo bastoolada hadba koox kula jeesanaya bartamaha garoonka dhexdiisa.

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxaa laga arki karayey, taageerayaasha oo qeylinaya iyo wax u muuqday in ay ahaayeen dhawaqa rasaas, qeybta hore ee muuqaalka.

Garsooraha ayaa la arkayey asaga oo dhowr xabadood dhulka ugu dhufanaya taageerayaasha careysan, si ay uu isaga kala eryo, ilaa ugu dambeyntii ay ka kala carareen.

Bastoolada ayaa la sheegay in nin qaraabo la ahaa garsooraha uu u dhiibay markii ay ciyaartu dhammaatay si uu isugu difaaco hadii taageerayaashu soo weeraraan.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa la arkayey asaga oo ku leh garsooraha “ wacal baad tahay” inkasta oo uu dadka ku gambanayey.

Ilaa iyo hada lama oga in garsoorahaas loo cuskan doono qodobo ku saabsan anshaxa kubadda. Balse waxa la wada ogsoonyahay in Honduras ay caan ku tahay xasaradaha ka dhasha kubadda cagta. Waxana ugu caansanaa ‘dagaalkii kubadda cagta’ 1969 Honduras iyo El selvador, kaas oo ka dhashay  kulamo kubadda cagta ah oo ay koobkii aduunka sanadkaas wada yeesheen labada dal. Waxa ayna arintaasi sababtay in 3usbuuc kadib labada dal iclaamiyaan dagaal.

Laatiin America ayaa caan ku ah rabshadaha banooniga ka dhasha, waxana bishan horaanteedii 3dex qof lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay, ciyaar ka dhaceysay dalka Mexico, halkaas oo nin ku hubeysan qori AK47 uu rasaas ooda uga qaaday taageerayaal kubadeed, isaga oo ku baxsaday gaari uu watay, walow aan la caddeyn ilaa iyo hada sababta toogashadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...