Cayaar kubadda cagta ah oo lagu kala yaacay kadib markii garsoorihii la soo baxay bastoolad

Date:

Cayaartaan oo ka dhaceysay wadanka Honduras, ayaa garsoorihii ciyaartu la soo baxay bastoolad, markii taageeroyaal ka carooday rigoore uu diiday ay ku soo yaaceen garoonka.

Sida ay soo xigatay Jariidadda The Sun, goobjoogayaal ayaa sheegaya in la arkayey garsooraha oo ay ku hareereysanyihiin taageerayaal careysan iyo  asaga oo bastoolada hadba koox kula jeesanaya bartamaha garoonka dhexdiisa.

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxaa laga arki karayey, taageerayaasha oo qeylinaya iyo wax u muuqday in ay ahaayeen dhawaqa rasaas, qeybta hore ee muuqaalka.

Garsooraha ayaa la arkayey asaga oo dhowr xabadood dhulka ugu dhufanaya taageerayaasha careysan, si ay uu isaga kala eryo, ilaa ugu dambeyntii ay ka kala carareen.

Bastoolada ayaa la sheegay in nin qaraabo la ahaa garsooraha uu u dhiibay markii ay ciyaartu dhammaatay si uu isugu difaaco hadii taageerayaashu soo weeraraan.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa la arkayey asaga oo ku leh garsooraha “ wacal baad tahay” inkasta oo uu dadka ku gambanayey.

Ilaa iyo hada lama oga in garsoorahaas loo cuskan doono qodobo ku saabsan anshaxa kubadda. Balse waxa la wada ogsoonyahay in Honduras ay caan ku tahay xasaradaha ka dhasha kubadda cagta. Waxana ugu caansanaa ‘dagaalkii kubadda cagta’ 1969 Honduras iyo El selvador, kaas oo ka dhashay  kulamo kubadda cagta ah oo ay koobkii aduunka sanadkaas wada yeesheen labada dal. Waxa ayna arintaasi sababtay in 3usbuuc kadib labada dal iclaamiyaan dagaal.

Laatiin America ayaa caan ku ah rabshadaha banooniga ka dhasha, waxana bishan horaanteedii 3dex qof lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay, ciyaar ka dhaceysay dalka Mexico, halkaas oo nin ku hubeysan qori AK47 uu rasaas ooda uga qaaday taageerayaal kubadeed, isaga oo ku baxsaday gaari uu watay, walow aan la caddeyn ilaa iyo hada sababta toogashadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...