Home Blog Page 733

Wasaaradda waxbarashada XFS oo shaacisay inay xiri doonto Jaamacadaha aan soo buuxin shuruudaha

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Carab ayaa shaaciyay in ay qorsheynayaan in ay Albaabada u laaban jaamacaddaha ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo oo aan buuxin shuruudaha wasaaradda waxbarashada.

Waxaa uu sheegay in dhammaan Ardeyda Soomaaliya ay u baahan yihiin jaamacado tayo maadaama ay dhiibayaan lacag sidaas darteeda lasoo reebi doono kaliyaha kuwo tayada wanaagsan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay diwaangaliyeen dhammaan jaamacaddaha ku yaalla haddana ay waddaan qiimeynta heerka tayada waxbarashada.

Waxaa uu xusay in ay qorsheynayaan in ay xiraan ka hor doorashada kuwo liita ee aan buuxin shuruudihii looga baahnaa.

Senator C/Xakiin Macalin Axmed oo 3-kun ugu deeqay dayac-tirka garoonka kubadda cagta Dhuusamareeb

Garoonka kubadda cabta ee magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu bilaabay dayac-tir, waxaana arrintaas u istaagay dhalinyarada xiriirka cayaaraha ee caasimadda Galmudug, iyadoo wajiga koowaad ee dhismahaas uu maanta lacagtii ugu horeysay ugu Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doorto Dhuusamareeb.

Senator Cabdixakiin ayaa gudigga dhismaha garoonka, lacag dhan 3,000 (seddax kun oo dollar), taas oo horay uu ugu balan qaaday dhalinyaro is-xlqaantay oo dhisme ku bilaabay garoonka kubadda cagta ee magaalada Dhuusamareeb.

Gudigga dhismaha garoonka oo ka duulaya qiimeyn ay ku sameeyeen adeegyada ka dhiman garoonka ayaa Senatorka uga mahad celiyay tilaabadan wanaagsan ee uu qaaday, taasi oo hormuud u noqon doonta dhaqaajinta qorshaha qabyo tirka garoonka cayaaraha ee magaalada Dhuusamareeb.

Maxamed Nuur Maxamed oo ah gudoomiyaha Gudigga Cayaaraha Dhuusamareeb iyo gudoomiye kuxigeenka Gudigga Ugaas Gacmo-gaab ayaa mahad celin balaaran u jeediyay Senator Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin, iyagoo  ka dalbaday xubnaha kale ee deegaanka laga soo doorto in ay kaalin tan lamid ah ka qaataan shaqada ka socota garoonka cayaaraha magaalada Dhuusamareeb.

Garoonka Cayaaraha Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa loo diyaarinayaa marti-galinta cayaaraha degmooyinka Galmudug oo markii labaad ku loolami doona.

Cayaartoy laga soo kala xulay degmooyinka Galmudug ayaa ku loolami doona garoonkaas, kuwaas oo laga soo dhex-xuli doono cayaartoyda Galmudug ku meteli doonta cayaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan xiriirka.

 

Erdogan oo fariin la xariirta qaxootiga Afghanistan u diray dalalka Yurub

0

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Tayyib Erdogan ayaa dalalka reer Yurub u soo jeediyey inay qaadaan mas’uuliyadda muhaajiriinta ka imanaya dalka Afghanistan, isagoo sheegay in Turkigu uusan aheyn dal u taagan kaydinta muhaajiriinta magan-geliyada ka doonaya dalalka reer Yurub.

Dalka Afghanistan waxaa haatan ka taagan qalaalaase xoog leh kadib markii Axadii todobaadkan ay caasimadda kabul gudaha u gashay kooxda Taliban. Kumanaan qof ayaana u tallaabay dhanka dalka Turkiga todobaadkaaan.

Madaxweyne Erdogan oo hadal ka jeediyey shir uu la lahaa golihiisa wasiirrada ayuu ka sheegay in wadamada reer Yurub looga baahan yahay inay qaataan mas’uuliyadda dadka reer Afgaanistaan ee ka cararaya dhibaatada waddankooda, isagoo intaas ku daray in Ankara ay tallaabooyin ka qaaday xudduudaha ay la leedahay Iran – oo ah marin muhiim u ah muhaajiriinta Afghanistan ee soo gala Turkiga.

Sidoo kale Erdogan ayaa sheegay inay dhici karto in Turkigu uu wadahadal la yeesho dowladda cusub ee ay soo dhisi doonto Taliban, si ay uga wada xaajoodaan wuxuu ugu yeeray ajendeyaashayada guud ee labada wadan.

Madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland oo kusoo wajahan Muqdisho

0

Maalinta berri oo Sabti ah oo ay ku beegantahay 21-bisha ayaa waxaa la filayaa in Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha wadatashiga oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shalay ayaa qorsuhu ahaa in uu shirka furmo, balse uu dib u dhacay, waxaana Magalada Muqdisho ku sugan, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha, Hir-Shabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiye Cumar Filish.

Saacadaha soo socda ayaa waxa la filayaa inay magaalada muqdisho ay soo gaaraan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo shirka qeyb ka ah.

Shirka Golaha wadatashiga qaranka ayaa waxaa looga hadli doonaa diyaar garowga Doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta Dhaqaalaha ka dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Madaxweyne Dowlad Goboleedka KG oo xaflad u sameeyey xildhibaanada Aqalka sare iyo kuwa maamulkaas “Sawirro”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudae Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xaflad Madaxtooyadda Maamulka ugu sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo Xubnaha loo doortay Aqalka Sare.

Xaflada ayaa isugu jirtay Mahadcelinta Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo soo dhaweynta Xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee ay doorteen xildhibaanada Koofur Galbeed.

Xaflada oo si qurux badan u dhacday ayuu Madaxweyne Laftagareen ugu hambalyeeyey xildhibaanada cusub ee aqalka sare loo doortay asagoo sidoo kale uga mahadceliyey xildhibaanad Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Shaqadii adkeyd ee ay qabteen.

Safiirka dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

0

Danjiraha Cusub  ee dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan u magacaawaday Sacuudiga ayaa warqadaha aqonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda dalkaas

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal.

Munaasabadda gudbinta ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ee Magaalada Riyaadh, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Intaa kadib Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Danjire Saalim Macow Xaaji iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal aya yeeshay kulan gaar ah waxaa ayna  uga wada hadleen sii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab

Danjire Saalim Macow ayaa uga mahad celiyay dowladda Sacuudiga sida ay u soo dhaweeysay, waxaana uu sheegay in uu wax weyn ku kordhin doono horunarinta iyo cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ay wadaagaan labada dowladood.

Madaxweyne Ashraf Ghani oo shaaciyey sababta uu uga cararay dalkiisa Afghanistan

0

Madaxweynaha dibad-jooga ah ee dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay inuu dalkiisa uga baxay si uu uga fogaado in dhiig ku daato, iyadoo saacadihii u dambeeyey ay Taliban gudaha u gashay xarunta madaxtooyada Afghanistaan ee Kabul.

“Madaxweyne Ghani wuxuu u baxay si looga fogaado isku dhacyada Taliban oo khatar gelin doonta nolosha malaayiin qof oo reer Kabul ah,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebook-ga ee Madaxweyne Ashraf Ghani.

Ghani ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, isla markaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa wadanka.

Madaxweynuhu illaa hadda ma uusan shaacin halka uu u baxsaday, balse wararku waxay sheegayaan inuu iska dhiibay dalka deriska la ah Afghanistan ee Tajikistan.

Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa la-wareegista Taliban ee dalka Afghanistan ugu yeeray “mid qalbiga xanuujineysa,” wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeynayaan inay dhammaan dadka Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey kasoo saaraan dalkaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken ayaa sheegay in badqabka shaqaalaha Mareykanka, oo weli ku sugan safaaradda, iyo Afgaaniyiinta caawiyey ay tahay “shaqadooda koowaad.”

Saraakiil sare oo ka tirsan Taliban ayaa AFP u sheegay inay hadda kulan amni ku leeyihiin madaxtooyada Afghanistan oo ku taalla Kabul oo si buuxda ay ula wareegeen.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulan ay yeesheen ku go’aamiyey shir ka dhaci doona Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay Dowlad Goboleeyada in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac loona gaaro jadawalka doorashooyinka.

Mareykanka oo in Taliban la wareegto Kabul ku tilmaamay ‘arrin qalbiga xanuujineysa’

0

Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa la-wareegista Taliban ee dalka Afghanistan ugu yeeray “mid qalbiga xanuujineysa,” wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeynayaan inay dhammaan dadka Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey kasoo saaraan dalkaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken ayaa sheegay in badqabka shaqaalaha Mareykanka, oo weli ku sugan safaaradda, iyo Afgaaniyiinta caawiyey ay tahay “shaqadooda koowaad.”

“Mareykanka wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo suurta-gal ah oo aan awoodno, si aan uga soo baxno dalka, haddii taas ay tahay waxa ay doonayaan, Taliban waxba ma aynan weydiisan. Waxaan u sheegnay haddii ay faraha lasoo galaan shaqaalaheena ama holwgalladeena inta aan ka baxeyno, ay jiri doonto jawaab deg deg ah oo adag,” ayuu Blinken u sheegay telefishinka CNN.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtidii amray in 1,000 askari oo kale oo dheeraad ah loo diro Kabul, si ay gacan uga geystaan sugidda ammaanka hantida iyo shaqaalaha Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey ciidamada Mareykanka.

Guud ahaan 4,000 oo Mareykan ah ayaa la filayaa in tagaan Kabul maalmaha soo socda, si ay u xoojiyaan 650 oo askari oo Mareykan ah oo dalkaas horay u joogay.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Afghanistaan Madaxweyne Ashraf Ghani iyo ku xigeenkiisa Amrullah Saleh isaga baxay dalka oo intiisa badan ay la wareegtay kooxdu.

Madaxweyne Ghani ayaa waayihii dambe la kulmaayay cadaadis ah inuu iska casilo xilka madaxtinimada, maadaama magaalooyinka waaweyn ee ku hareereysan caasimadda Afgaanistaan ay gacanta u galeen mintidiinta Taliban.

Dr. Xuseen Yoonis Xasan oo ah sarkaal sare oo Soomaali ah, kana tirsan Qaramada Midoobey ayaa isagii ku sugan Kabul waxa uu u waramay Radio Muqdisho, isagoo sheegay in magaalada ay gacan ku heynteeda la wareegtay Taliban.

Hoggaamiyaha Taliban oo ku sugan madaxtooyada dalkaas ayaa ka soo muuqday warbaahinta. Waxaan la sheegay in kooxdu shaacisay inay berri ku dhawaaqi doonto dowlad islaami ah.

 

Guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashada oo geeriyooday

0

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur.

Marxuumka ayaa goordhaw ku ku geeriyooday Isbitaal Martiini, sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddoomiyaha waxaa laga helay cudurka Coronavirus, sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay inuu hayey xanuun dhanka kilyaha ah.

Guddiga uu hoggaaminayey marxuum Cabdullahi Abyan ayaa maalmihii dambe ku howlanaa doorashada Soomaaliya, waxuuna ka mid ahaa xubnihii Jubbaland u tegay doorashadii ka dhacday ee Aqalka Sare.