Taliban oo laga dilay 15-dagaalame lagana qabsaday 3-degmo oo muhiim ah

Date:

Ciidamo daacad u ah dowladdii la riday ee Afghanistan ayaa Jimcihii Taaliban dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo uun kadib markii ay kooxdu dib u aas-aastay maamulkeedii dalkaasi.

Warbaahinta bulshada ee taabacsan Taalibaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxa ay sheegeen in ugu yaraan 15 dagaallamayaasha Taliban ah ay ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen waxa ay ugu yeereen dhabarjebinta cafiskii ay kooxdu u fidisay xubnaha dowladdii hore ee Afghanistan.

Abdul Hamid, oo ah taliye maxalli ah ee koox lagu tilmaamay kacdoonka ka dhanka ah Taalibaan ayaa ku sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray degmada Andrab in ciidamadiisu ay qarka u saaran yihiin degmo kale, islamarkaana wacad ku maray in uu qabsan doonaan gobolka Baghlan oo dhan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in Taalibaan ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo ka dagaalamaya degmada Andrab.

Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Amrullah Saleh oo Madaxweyne ku xigeen u soo noqday Madaxweynaha sida iskiis ah isku musaafuriyay ee Ashraf Ghani uu ku dhawaaqay inuu abaabulayo ciidan xoogan oo iska caaybiya Taalibaan oo uu ka wado gobolka uu ka soo jeedo ee Panjshir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...