Home Blog Page 721

Qasaaraha qaraxyadii ka dhacay dalka Equatorial Guinea oo kordhay

0

Madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea ayaa sheegay in uu kordhay qasaaraha qaraxyo maalinkii Axada ka dhacay magaalada Bata.

Tirada dhimashada ayaa iminka gaartay 98 halka dhaawacana uu yahay 615.

Meydad badan ayaa laga soo hoos bixiyay guryaha dumay halka qaar ka mid ah dhaawacyadii cuslaa ay isbitaalada ku dhinteen.

Qaraxan oo la sheegay in uu ka dhashay baaruud halis badan oo taalay baqaar ciidanku leeyihiin ayaa gilgilay Magaalada Bata.

Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa qaraxyo ka dhacay dalka Equatorial Guinea

0

 

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay 420 kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo culus oo galabtii Axada gilgilay magaalada Bata ee dalka Equatorial Guinea .

Wasaarada caafimaadka ee dalkaasi ayaa sheegtay in qasaaruhu badan karo maadaama ay jiraan dad qaba dhaawacyo halis ah

Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay baaruud halis ah oo la dayacay taas oo taalay xero ciidan oo magaalada ku taalay

Qaraxyada oo cuslaa ayaa geystay bur bur xoog leh oo gaaray guryaha ku yaalay aaga xerada ciidamada.

Isbitaalada magaalada Bata ayaa buuxsamay waxaana soconaya gurmad xoog leh

Qaraxyo qasaaro geystay oo ka dhacay dalka Equatorial Guinea

0

Inta la og yahay 300 qof ayaa ku dhaawacantay dadka kale oo aan wali la cayimin tiradooda waa ay ku dhinteen qaraxyo ka dhacay magaalada Bata

Dadka magaalada ayaa sheegay in qaraxyada oo ahaa afar isxigay ay ka dhaceen meel u dhow xero ciidan oo ku taala magaalada .

Qiic ayaa cirka isku shareeray waxaana la arkayay waxaana aad u burburay guryo badan oo ku yaala halka qaraxu ka dhacay

Sababta qaraxa wali lama sheegin waxaana safaaradaha shisheeye ay muwaadiniintooda u sheegeen in aanay guryaha ka bixin

Gudoomiyaha baarlamaanka Carabta oo canbaareeyay qaraxii argagaxisada ee jimcihii ka dhacay Muqdisho.

0

Gudoomiyaha baarlamaanka jaamacada carabta Adel bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u canbaareeyay qaraxii argagaxisadu ku laayeen dad shacab ah oo maqaayad ku sugnaa jimcihii aynu soo dhaafnay kaas oo ka dhacay degmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha wuxuu adkeeyay hiilka iyo isgarab taaga buuxa oo baarlamaanka carabtu u hayo jamhuuriyada federaalka ee soomaaliya uuna taageersan yahay dadaalada ay wado ee argagaxisada lagula dagaalamayo.

Gudoomiyaha wuxuu ku nuux nuuxsaday diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhamaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhamaan qawaaniinta  caalamiga ah islamarkaana halis ku ah amaanka iyo xasiloonida.

Ugu danbeyntii wuxuu gudoomiyaha uga tacsiyeeyay madaxda dowlada Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa wuxuuna soo ka basho dhaqso leh u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay

Beesha caalamka oo soo dhoweeyay Wada-hadalka Mira dhalay ee Madaxda Siyaasadda.

0

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF in ay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay Maleeshiyaad Al-Shabaab ka tirsan.

0

Howlgalkani oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ka fuliyeen deegaanka Gamboole oo qiyaastii 48 kiilo mitir ujira magaalada jowhar ee xarunta doowlad goboleed Hirshabeele.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayay kumaandooska ku dileen ku dhowaad 10 maleeshiyaad ah tiro intaasi ka badana weey dhaawaceen, sidoo kale ciidanka waxeey soo qabteen hub iyo saanadkale oo ciidan, Sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Kusimaha Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska xoogga dalka Danab ahna taliyaha ururka 7-aad ee guutada 16-aad Dhamme Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure)

Howlgalka oo ay fuliyeen ururka 7-aad ee guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ayaa yimid kadib markii ay ka war heleen in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay deegaanka as Gamboole ku dhibaateeynayaan.

Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ayaa maalmihii ugu dambeey gobolka shabeelaha dhexe kawaday howlgalo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MARTIGALINAYA MUNAASABADDA LAGU DHAMMESTIRAYO ARRIMAHA DOORASHOOYINKA

0

 

Muqdisho, Maarso 01, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray amaro looga hortagayo COVID-19+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta waxa uu amar ku bixiyey in bulshada caasimadda ay xirtaan Afsaarka (Face mask) si looga gaashaanto xanunka COVID19.

Kaddib kulan ay isugu yimaadeen maamulka Gobolka Banaadir uuna shir guddoominayay duqa caasimadda ayna ka qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud,  Guddoomiyasha Degmooyinka, Saraakiisha Aminga iyo Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose ee Xamar ayaa looga hadlay soo labo kacleynta cudurka safmarka ah ee COVID-19, kaasi oo dhibaato ba’an ku haya bulshadeena, waxaana uu maamulka soo saaray go’aamo lagu badbaadinayo bulshada ku nool caasimadda.

Go’aanada waxaa ka mid ah in meelkasta oo ganacsi ah oo lagu iibiyo waxyaabaha kala duwan ama ha noqoto goobaha lacagaha la isugu xawilo in qof aan wadan Afxirasho (face mask) aan loo ogolaan inay gudaha u galaan oo ay ka ganacsadaan.

Milkiilayaasha goobaha ganacsiga ayaa la faray inay dhaqan geliyaan awaamiirta ka soo baxday Maamulka gobolka  ee ah in la qaato afxirashada (Face mask), si looga hortago cudurka COVID-19.

Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir lagu wargeliyay inay la socdaan dhaqan gelinta amarada ka soo baxay Maamulka Gobolka ee la xiriirta ka hortagidda faafidda cudurka COVID-19, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Cabdullaahi Wiish. Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Gobolka Banaadir.

Kulanka Ra’isul Wasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta oo socda+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hadda kula uga bilowday Hotel Decale ee magaalada Muqdisho xubnaha Midowga Murashaxiinta, kulanka waxaa looga hadlayaa dhameystirka isfahamkii dhowaan labada dhinac ku gaareen halkaas.

Kulanka ayaa hadda socda, iyadoo dhinacyada diiradda saari doonaan sii wadista isfahamkii 25 bisha Febraayo wada gaareen labada dhinac, waxaana la filayaa in marka uu kulanka soo idlaado ay Warbaahinta la wadaagaan waxyaabaha la isku afgartay.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyina Heer Federaal oo ku baaqay in shir deg deg ah la isugu yimaado.

0

Guddig Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa golaha wadatashiga qaran ugu baaqay in si deg deg ah u kulmaan si loo xaliyo tabashooyinka ka soo laabtay heshiiskii 17 September 2020.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in guddigu soo dhaweynayo isfahamkii dhowaan wada gaareen xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta, waxayna ku baaqeen in la sii wado wadahadaladda si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga ayaa sheegay in sida keliya marxaladda xasaasiga ah looga gudbi karo ah tahay qabashada doorasho loo dhan yahay, taas oo ay sheegeen in ay diyaar u yihiin qabashadeeda.