Home Blog Page 722

Ra’isul wasaare Rooble oo la kulamaya maanta Midowga Murashaxiinta.

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galabta magaalada Muqdisho kula yeelanaya shirkii labaad xubnaha Midowga Murashaxiinta madaxtinimada dalka, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda.

Maxamed Ibraahim Macalimu, ayaa qoraal lagu daabacay Twitter ku xaqiijiyay in kulanka galabta oo looga wadahadli doono dhameystirka heshiiskii labada dhinac ku dhexmaray magaalada Muqdisho 25 bishii Febraayo.

“Si loo sii dhameystiro heshiiskii 25kii Febraayo, Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kula kulmaya Hotel Decale Midowga Musharraxiinta. Xukuumaddu wax ay dadaal dheeri ah ku bixinaysaa sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo gaaray Baladweyne+(SAWIRRO).

0

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ciidan ah oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow oo maanta ah gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya saraakiil sare oo AMISOM ka tirsan, waxaana soo dhoweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Taliye Odawaa ayaa inta uu ku sugan yahay Baladweyne wuxuu kormeer kala duwan ku sameyn doonaa Xerooyinka Ciidamada Dowladda deegaanadaas, gaar ahaan xarunta Baladweyne,wuxuuna xog-wareysi la yeelan doonaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Hiiraan la howlgala.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa si gaar ah xoogga u saari doono dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab iyo sidii looga ciribtiri lahaa guud ahaan gobolka Hiiraan.

Olole Bulshada looga wacyi-gelinayo Cudurka Covid-19 oo ka bilowday Gaalkacyo

0

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Kaashaneeysa Maamulka Dagmada Galkacyo ayaa Ka Bilaabay Dugsiyada Waxbaarshada Olole Bulshada Looga Wacyi Galinayo Khatarta Xanuunka Covid-19, Kaas oo Saameeyn Muuqata Xilligaan Ku Haya Soomaaliya iyo Dalal Kale Oo Caalamka Ka tirsan

Ololahaan oo qeyb ka ah Xoojinta ilaalinta Caafimaadka iyo Ka hortaga Xanuunka Covid-19 ayaa waxaa maanta si rasmi Looga uga biloowday Xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyadoona ay goobjoog auhaayeen Masuliyiin Ka socatay Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Dagmada iyo Wasaaradda Waxbarashada

Madaxa Xafiiska Waxbarshada Maamulka Dagmada Gaalkacyo Liibaan Macalin Saalax ayaa Ugu horeyn ka hadlay ujeedka Ololaha wacyi gelintaa ee maanta Laga bilaabay Dugsiyada Waxbarashada Gaalkacyo

Dr Cabdi Mahad Maxamuud Diiriye oo ka Mid ahaa howlwadeenadii Ka Socday Wasaaradda Caafimaadka Galmdug ayaa isna ku Dheeraaday ka Hadalka Heerarkii Kala Duwanaa ee Uu Soo Maray Xanunka Maanta Loo Yaqaano Karoona Feyrus Laga Soo Bilaabo Sanadkii 2003

Ugu Danbeyna, Isku Duwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmdug ee Gobalka Mudug Dr.Liibaan Cabdulqaadir Macalin ayaa Ku Booriyay Ardaydu In Kaalintooda Ka Qaataan Sidii Bulshada Loogu Wacyi gelin Lahaa Qaadashada Talooyinka Caafimaadka Iyo Ilaalinta Nadaafada Si Looga Hortago Khatarta Xanuunka Faafaha Daran Ee Karoona Feyrus.

Iran oo shuruud ku xirtay in wadahadal ka gasho heshiiska Nugliyeerka.

0

Iran ayaa meesha ka saartay in wadahadal aan caadi aheyn la yeelato Mareykankaa iyo Midowga Yurub kaas oo ku saabsan dib u soo nooleynta heshiiskii Nugliyeerka ee 2015 la galeen dalalka reer galbeed dowladda Iran, waxayna ku adkeysteen in marka hore Washington ay qaato cunaqabateyntii dhinac laha aheyd oo la saaray Tehran.

“Anagoo tixraacayna talaabooyinkii dhowaan la qaaday iyo bayaanadii ka soo baxay Mareykanka iyo sadex kamid ah dalalka waa weyn ee reer Yurub, Iran uma aragto xilligan in ay wadahadal la yeelato dalalkaas ,” sidaa waxaa yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Saciid Khatibzadeh.

Mareykanka oo hadalkaas ka jawaabaya ayaa sheegay in uu ka xun yahay balse ay wali raadin doonaan wadiiqo diplomaasiyadeed oo micno leh oo labada dhinac ugu soo laaban karaan heshiis, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad.

Saraakiisha Iraaniyiinta ah ayaa sheegaya in ay darsanayaan codsiga uga yimid madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, hase ahaatee ay doonayaan in la qaado xayiraaddii dhaqaale ee Mareykanku saaray Iran 2018.

Dowladda Iran iyo Maamulka cusub ee Mareykanka ee Joe Biden ayaa isku tuur tuuraya in uu midba mid kale bilaabay talaabada dib loogu soo nooleynayo heshiiskaas. Iran waxay doonaysaa in Washington marka hore qaaddo xayiraadda halka Mareykanku ku doodayo in Iran ay u hogaansanto qodobada heshiiska.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Xuuthiyiinta ay ku qaadeen Sacuudiga.

0

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar gentaalo ah oo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen Axaddii ku qaadeen magaalooyin ka tirsan Sacuudiga.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa gentaalo ballistic ah ku tuureen jihada caasimadda Sacuudiga Carabiya ee Riyadh iyo magaalooyin ka tirsan gobolka Jiizaan oo ay kamid tahay Khamiis Mushayti.

“Soomaaliya waxay u aragtaa in weerarkan uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo kan bani’aadamnimada isla markaana ah dambi argagixiso oo ka dhan ah meelaha la degan yahay, wuxuuna carqalad ku yahay dadaallada Qaramada Midoobay ku doonayso in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen” ayaa lagu yiri bayaanka soo  baxay wasaaradda.

Dowladda Soomaalia ayaa sidoo kale, sheegtay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka muwaadiniinteeda.

Ardayda Xudur oo dalbaday in laga caawiyo qalabka looga hortago Cudurka Covid-19.

0

Goobaha Waxbarashada waxay ka mid ah yihiin goobaha ugu sahlan ee Cudurka safmarka ah ee Corono Virus uu ku faafi karo, iyadoo taas laga duulayo ayaa ardayda wax ka barata Iskuulada ku yaalo degmada Xudur ee gobolka Bakool waxaa loo sameeyay wacyigelin ku saabsan covid-19.

Fasalada qaar ee iskuulada ayaa la soo sheegayaa in ay dhigtaan in ka badan 70-arday, mana lahan Af-saabka (Af-xir) iyo Agabyada kale ee lagaga hortago Cudurka dilaaga ah ee Covid-19 oo dunida hadda si weyn ugu soo laba kacleeyay.

Macalin Xuseen Cali Abdi ayaa ardayda wacyi gelinaya ka hor intaan la gelin Fasalada.

“ Banaanka imow gacmaha iska nadiifi ka dibna Fasalka ku noqo,” ayuu ku yiri Ardayda Macalin Xuseen Cali Cabdi.

Macalinka ayaa ka hadlay baahiyaha ay u qabaan in lagu caawiyo qalabka loo adeegsado ka hortaga Cudurka Corono Virus, wuxuuna ardayda ku diira geliyay in markasta gacmaha ay iska dhaqaan si ay kaga nabad galaan cudurkan dilaaga ah.

Coronavirus ayaa ku baahay inta badan caalamka, sida ay dhaqaatiirta caafimaad ay sheegeen, Coronavirus wuxuu ku dhacaa sambabbada. Calaamadaha waxay ku bilowdaan qandho, waxaa soo xiga qufac qallalan, kaas oo horseeda dhibaato dhanka neefsashada ah.

Abaanduulle Qorax” Ciidanka waa in ay dardar geliyaan sugida amniga degmada Baardheere,”

0

Abaanduullaha Guutada 10aad Col. Cismaan Sheikh Cabdi Qorax ayaa Kormeeray Saldhiga Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo, isagoo u kuurgalayay xaaladda amni ee degmada iyo shaqada muhiimka ah ee ay Bulshada Ciidanka Bulshada u hayaan.

Gaashaanle Cabdi Sheikh Xasan Cilmi oo ugu horeyn ka hadlay soo dhoweynta Abaandullaha Guutada 10-aad Cismaan Sheikh Cabdi Qorax ayaa sheegay in ay ciidanka mar kasta heegan ugu jiraan badbaadinta shacabka naftooda iyo maalkooda,islamarkaana si weyn uga shaqeynayaan amniga gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Abaanduule Qorax ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay dardar geliyaan sugida amniga iyo in la iska kaashado sidii loo ciribtiri lahaa cadowga Shacabka dhibaatada ku haya.

Xaaladda amni ee degmada Baardheere ayaa ah mid wanaagsan, waxaana ka howlgala ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuw nabad sugida iyo ciidanka Xoogga dalka oo dagaal adag kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu maanta ruqsadda Mobile Money (License) guddoonsiiyey shirkadda Hormuud Telecom. Waa markii ugu horeysay oo Bangiga Dhexe bixiyo ruqsad noocaan ah.

0

Adeeggan waxaa isticmaala in ka badan 70% shacabka Soomaaliyeed. Lacagta dhexmarta adeegga Mobile Money bil kasta waxa lagu qiyaasay $2.7 bilyan, sida ay qortay warbixinta Bangiga Aduunku ee sanadkii 2018.

Bixinta Ruqsadda adeega lacaguhu waxay muhiimad gaar ah u leedahay sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka waddanka iyo ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo leeyahayba.

Munaasabadda lagu bixinayey Ruqsadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumorinta Dhaqaalaha iyo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada Dowladda Federaalka, Agaasimaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Agaasimaha Hay’adda Warbixinta Maaliyadda, Guddoonka Ururka Bankiyada iyo Xoghaya ururka Xawaaladaha.
#CBS2021

Golaha amaanka ee qaramada midoobe oo cunaqabateyn saaray sadax hor jooge oo ka tirsan argagaxisada shabaab.

0

 

Golaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro sadax xubnood oo ka tirsan kooxda shabaab

Xubnahan argagaxisada ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hogaamiyaha shabaab,Macalin Ayman iyo Mahad Karataay.

Dowlada Soomaaliya oo kaa shaneysa dalka Mareykanka ayaa arintan ka dalbatay golaha amaanka

Talaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasaarada arimaha dibadda ee Mareykanka

Erica Barks-Ruggles  oo ah saraak sare oo ka tirsan xafiiska arimaha heyadaha caalamiga ee wasaarada arimaha dibadda Mareykanka ayaa arintan ku tilmaantay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in talaalka covid-19 uu dalka soo gaarayo bilowga bisha soo socota

0

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya Dr,s Fowyso Abiikar Nuur oo marti ku aheyd barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa warbaahintab qaranka ayaa sheegtay in todobaadka 2-aad ee bilawga bisha soo socota dalka uu soo gaari doono talaalka covid-19 kaasi oo ay soo saartay dowladda UK isla markaana laga isticmaalay wadama badan oo kala tirsan qaaradaha dunida.

Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegay in helida talaalkaan ay soomaaliya ka caawineyso hay’adda Caafimaadka aduunka WHO oo soomaaliya ay xubin ku leedahay.

“Waxaan fileynaa in bilawga bisha soo socota uu dalka soo gaaro talaalka covid-19 oo ay naga caawineyso hay’adda caafimaadka aduunka WHO ayay tire wasiir Fowsiyo.

Dhinaca wasiirka caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegay in safiirka shiinaha ufadhiya Soomaaliya uu kala shaqeynayo helida talaal kale ay soo saartay dowladdiisa kaasi oo isna laga isticmaalay dalal badan.

“Qorshaha helida talaalka Covid-19 waxaan soo bilaawnay dhextaalka sanadkii tagay ee 2020 waxaana ka mid nahay dalal badan oo aan awoodin qarashka ku baxaya.

Tan iyo markii dalka laga diwaan geliyaya kiiskii ugu horeeyay covid-19 waxaa uu haleeyay  6,687 waxaa ka bogsootay 3,784 iyadoo tirada dadka ugeeriyooday ay gaartay 223.