Wasaaradda howlaha guud dib-u-dhiska Galmudug oo Tababar ugu soo xirtay Injineero dhuusamareeb “SAWIRRO”

Date:

Tababarkan oo muddo afar maalmood ah u socdey Injineero laga keenay Degmooyinka Galmudug ayaa maanta loo soo gaban-gabeeyay. Kuwaas oo la barey qorsheynta iyo maareynta Dhulka Magaalooyinka, waxaana tababarkan soo qaban qaabisey Wasaaradda howlaha guud dib-u-dhiska iyo guriyeynta Galmudug oo kaah-shaneysa UN-HABITAT, iyadoo aqoon kordhintan qeyb ka aheyd mashruuca hormarineed ee GPLJ oo si dardar leh kaga socda Degmooyinka Galmudug qaarkood.

Mudane Maxamed Cabdi Cilmi Xiriiriyaha Wasaarada Howlaha Guud iyo Mashruuca JPLG ayaa sharaxey waxa la isku dhaafsadey mudadii uu socday tababarka, isagoo intaa raaciyay in Wasaaradda ku rajo weyn tahay helida isbadal dag dag ah oo Injineeradane gacan ka geystaan.

Qaar ka mid ah Injineerada qaatay tababarkaan oo iyagana  ka hadley goobta ayaa u mahadceliyay Wasaaradda howlaha guud dib-u-dhiska iyo guriyeynta Galmudug oo dhowr jeer suuragalisay tababaro lasiiyay Injineerada degmooyinka Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....