Home Blog Page 720

Madaxda Galmudug oo deeq xoolo nool ah gaarsiiyay taliska ururka 6-aad

0

Maamulka taliska ururka 6-aad ee fadhigoodu yahay Gobolka Gaalgaduud ayaa manta la wareegay deeq xoolo nool ah oo ay soo gaarsiiyeen madaxda Galmudug.

Deeqdaan xoolaha ah ayaa qeyb ka ah dhiiri-galinta Ciidamada GorGor ee ka howlgala deegaanada hoostaga Gobolka Gaalgaduud iyo Mudug.

Barnaamij bulshada loogu baraarujinayay ilaalinta dhismayaasha Danta guud oo lagu soogabagebeeyay Cadaado

0

Dhismayaasha Maxkamada degmada Cadaado iyo dugsiga sare ee laga dhisaayo magaalada ayaa ka socda Wasaaradda arrimaha Guddaha Galmudug iyo kan degmada Cadaado oo iskaashanaya kuwaas oo gacan kahelaya Midiwga yurub.

Maamulka degmada Cadaado ayaa uqabtay barnamj wacyigalin ah 30 qof oo laga sooxulay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada kuwaas oo kadooday qodobada kala ah wadashaqeynta bulshada iyo maamulka degmada Cadaado, lahaanshaha mashruuca, Maamul wanwanaaga, wacyigalinta bulshada ee mashruuca, iyo mas’uuliyada guddiga dabagalka mashruuca, sida gacan loogu siiheynlahaa mashruucyadan waxaana isla goobta looga dhawaaqay guddi 7 xubnood ka kooban oo lasocindoona dhameystirka iyo jiritaanka dhismayaasha.

Maxamuud Maxamed Wardheere oo kamid ah xubnaha looxulay dabagalka dhameystirka iyo jiritanka mashruucyadan iyo Sahro Cadaawe oo ah Guddoomiyaha haweenka Degmada Cadaado ayaa balanqaaday ineysan dayacmin dhismayaashan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdulahi Cabdiraxmaan “Tootoole” ayaa sooxiray barnamijkan waxuuna ugu baaqay bulshada magaalada Cadaado iney ilashadaan Dhismayaasha danta guud kana faa’ideysatan.

MADAXWEYNE CALI GUUDLAAWE OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRU DOWLIHII WARFAAFINTA HIRSHABEELLE

0

INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi u diray eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo Shacbiga  Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle sidoo kalana ahaa Mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle Marxuum Maxamed Axmed Faarax Kolombo oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowlad Goboleedka iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

RW Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha

0

Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray;

A- Ku xadgudubka sharciga

1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa.

2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka 99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F} {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Ilaalinta Danaha Dawladda, Magacaabista iyo xil ka qaadista Saraakiisha sarsare ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo Ra’iisul Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista iyo Xil ka qaadista golaha Wasiirrada.

3- Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah.

4- Madaxwaynuhu wuxuu iska indhatirayaa Qodobka 91-aad ee Dastuurka oo qeexaya mudada xil-haynta Madaxwaynaha oo ah Afar Sano oo ka bilaabata maalinta Xilka loo dhaariyo kuna ekayd 8-Feebaraayo ee Sanadkaan isagoo isku dayaya in uu faragaliyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda si uu u abuuro fowdo iyo deganaasho la’aan.

5- Haddaba iyadoo laga duulayo sarraynta Sharciga, Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqradiisa koowaad ee Dastuurka KMG oo qeexeysa in Xukuumaddu u hoggaansameyso oo kaliya Go’aannada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadaynayaa in aanay waxba ka jirin Warqadda Sharci darrada ah ee ka soo baxday Madaxwaynaha loona hoggaansamaynin.

B- Carqaladaynta Doorashooyinka iyo Siyaasadaynta Nabadgalyada iyo Dhaqaalaha Dawladda.

1- Madaxwaynaha oo Mas’uuliyadiisu ay ahayd in uu dalka ku hago Doorashooyin daahfuran oo dimuquraadi ah ayaa ku guul daraystay in uu fuliyo waajibaadkaas Dastuuriga ah taas oo keentay in la gaaro heshiiskii 17-kii September 2020 oo Ra’iisul Wasaaraha loogu igmaday in uu fuliyo heshiiskaas si ay dalka uga dhacdo Doorashadii lagu heshiiyay.

2- Nasiib darro, Madaxwaynuhu isagoo isticmaalaya qaar ka mid ah Hay’adaha Amniga iyo Xafiiskiisa wuxuu maalmo gudahood bilaabay in uu ku dhaqaaqo falal uu ku fashilinayo Doorashada, jabinaya Heshiiskii la gaaray, waxyeelaynaya Awoodda Ra’iisul Wasaaraha isla markaana abuuray Khilaaf baahsan taas oo ugu danbayn uu Madaxwaynuhu qaaday isku daygii dhiigu ku daatay ee Muddo korarsiga ahaa oo aanu wali ka tanaasulin Madaxwaynuhu.

3- Madaxwaynuhu wuxuu bilihii la soo dhaafay qaadayay talaabooyin uu ku carqaladaynayo awoodihii Dastuuriga ahaa ee uu Baarlamaanka hortiisa dib ugu celiyay Ra’iisul Wasaaraha, ee hoggaaminta Amniga iyo Doorashooyinka Dalka, wuxuu sidaas oo kale isku dayay burinta heshiiskii 27-May 2021 oo lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay Go’aankii muddo kororsiga ee Madaxwaynaha ee 12-April 2021.

4- Si la mid ah xasaradihii uu abuuray Madaxwaynuhu 25-kii Bishii April ee keenay kala jabkii Ciidanka Qaranka iyo barakicii Dadweynaha Muqdisho, Warqadda Sharci darrada ah ee uu soo saaray Madaxwaynuhu waxay daliil ut ahay in aanu wali ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya.

C- Dardargalin howlaha Hay’adaha Dowladda iyo Doorashooyinka.

1- Si waafaqsan qodobada 99-aad, 100-aad iyo 103 ee Dastuurka, Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha Dowladdu in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee u adeegista Shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta Danaha Qaranka.

2- Si waafaqsan heshiisyadii 17-September 2020, 27-kii May 2021, iyo 22-kii August 2021 ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed in ay dardargeliyaan dhameystirka Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyagoo ilaalinaya jadwalka guud ee doorashooyinka Dalka.

3- Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku boorrinayaa Madaxwaynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay u fududeeyaan Guddiyada Doorashooyinka gudashada waajibaadkooda shaqo si loo dhammeystiro Doorashooyinka Dalka.

4- Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida in aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawraan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka, isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xasiloonida guud ee Qaranka.

5- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaybaha kala duwan ee Ciidammada Qaranka ku bogaadinayaa sida geesinimada iyo naf-hurista leh ee ay ugu adeegayaan dalkooda, wuxuuna u xaqiijinayaa in xukuumadda ay ka go’antahay joogteynta Xuquuqda Ciidamada iyo qaadista tallaabo kasta oo garab -istaag u ah Geesiyaasha u taagan Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

6- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansanaanta Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta.

Baaq.

1- Sida uu qabo Qodobka 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusuusinayaa Madaxwaynaha in uu ilaaliyo mabaadi’da aas-aasiga ah ee kala soocnaanta Awoodaha hay’adaha Dowladda, joojiyaanna faraglinta uu ku hayo xukuumadda iyo Garsoorka oo tusaale ay u tahay sida uu isugu dayayo in uu hor-istaago Caddaalad u helista Ikraan Tahliil Faarax

2- Ra’iisul Wasaaruhu isagoo ilaalinaya Danta Guud ee Qaranka iyo nidaamka Dawlad-nimada, wuxuu ugu naseexaynayaa Madaxwaynaha in uu joojiyo ku xad-gudubka Dastuurka Qaranka, Jabinta Heshiisyadii Doorashooyinka, Carqaladaynta hawlaha Xukuumadda, abuurista Xasiloonidarrada iyo isku dayga sadbursiga Doorashooyinka oo ay tahay in ay usinaadaan dhamaan Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha.

3- Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan daganaasho, ilaaliyaan Nabadgalyada, kuna garab-istaagaan Xukuumadda in ay dhamaystirto Doorashooyinka Dalka oo ah waddada kaliya ee furan si aan uga baaqsano dib unoqosho.

4- Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo uga mahadcelinaya doorkooda, wuxuu ugu baaqayaa beesha Caalamka in ay ku gacansiiyaan Xukuumadda dhamaystirka Doorashooyinka iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladaynayo Doorashooyinka, wuxuuna si gaar ah u xusuusinaynaa in il gaar ah lagu hayo shaqsiyaadka ku hawlan fashilinta Doorashooyinka iyo abuurista Xasiloonidarro Siyaasadeed iyo mid Amni.

Balanqaad.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ubalanqaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in ay xoogga saarayso dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadgalyada, iyo dhawrista Nidaamka Dawladnimada si hugaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalyo ah.

Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay xiriirka Shiinaha iyo Carabta

0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qayb galay kalfadhigii 9-aad oo ku saabsan dood-wadaag xoogga lagu saarayay xariirka Shiinaha iyo waddamada Carabta, kaasoo si fogaan arag ah ay aalada Zoom-ka uga qayb galeen madaxdii lagu casuumay.

Dood-wadaagan oo ay  si wada jir ah u soo abaabuleen Wasaaradda Hidaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Shiinaha iyo Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax kala duwan oo ka kala socotay Dowlaha Carabta iyo Shiinaha.

Danjire Cawaale Cali Kullane ooJamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya  Shiinaha oo halkaas qudbad ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay taariikhda xaadaradda shiinaha iyo halkii ay soo martay, isagoo tusaale usoo qaatay bad-mareenkii waynaa ee Shiinaha Zheng He ee safar dhanka badda ah ku gaaray Soomaaliya bilowgii qarnigii 15-aad,  kaasoo si diiran Soomaaliya looga soo dhaweeyay.

Sidokale Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa sheegay in is dhexgalka xadaaraha Carabta iyo Shiinaha ay tahay mid muhiim u ah in dalalkaas ay yeeshaan xariir ganacsi oo dhexdooda ah, sidaa darteenna loo baahan yahay in shucuubta dalalkan la baro dhaqamada iyo xadaaraha si isfahan dhan walba ah loo helo.

Tuugo dadka baad kaga Qaadi jirtay magaca Argagixisada Al-Shabaab oo

0

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, oo loo haystay in ay dadka baad kaga Qaadi jireen magaca argagixisada Al-shabaab, kuwaa Afduubka u geeystay dhowr qof si ay madax furasho ka qaateen ayaay maanta xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET ah oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanjireen Bixinta lacagaha ay Argagixisada ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.

Intii ay wadeen Howshan waxa ay sameeyeen dhowr Afduub oo ay u gaysteen Hablo Soomaaliyeed iyaga oo ka qaatay lacag u dhexeyso  kun ilaa laba kun oo dolarka Maraykanka, waxa ay sidoo kale Eedeysanayaasha sheegteen in ay ku qaadi jireen baadda magaca maleeshiyaadka Al-shabaab oo ay dhowr jeer ugu suura gashay helidda lacagtaas, sidokale waxaay  dadka ku kalifi jireen in ay ku ballamiyaan Masaajidda iyo Xaafado ku yaallo Cirifyada Muqdisho  iyo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Mid kamid ah dhibanayaasha  Goobjoogga  u ahaa Maxakamadaynta labada Eedeysana ayaa u sheegtay Garsoorka in ay kaga shakisay labadaba Gor-gortanka lacagta sidaasna ay  ku war geliyeen Ciidamada Amniga gaar ahaan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo  soo qabtay labadan eedeeysane, dabayaaqadii bishii May ee sanadkan.

July dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanayaasha Maxkamadda, waxaanna xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta oo awood u leh dhaqaajinta Dacwaddan ay ka Codsadeen Maxkamadda in Eedeysanayaasha Xabsiga Dhexe lagu hayo Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib Codsday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda Dabayaaqadii August Sanadkan, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay fadhigii koowaad isla xilligaasi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, oo iyaga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.

Xeer Ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif,  ayaa u sheegay Garsoorka in Eedeysanayaasha ay xittaa ku handadi jireen dadka ay Afduubtaan ee lacagaha ay ka qaadaan in Gaariga ay ku xiran-yihiin walxaha Qarxa oo hadii ay dhaq-dhaqaaq sameeyaan taas oo ay ka dhalan karto in ay wada Qarxaan middaas oo u fududayneysa in ganacsatada  ah ay ka saaraan Magaalada.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda iyagana ka codsaday in laga qaado magdhow eedeysanayaasha oo ay sheegeen dambiga ay galeen kaliya in uu ku koobnaa Turufo.

Dhowr fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan 30-cisho gudahood.

Madaxweyne Biden oo beeniyay Warar laga faafiyay

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa beeniyay warar ay warbaahinta Caalamka qaarkood baahiyeen oo ku aadanaa in laga diiday codsi uu u diray Madaxweynaha dalka Shiinaha, kaasi oo ku saabsanaa kulan toos ah oo ay yeeshaan.

Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa  qoray in wadahadal dhinaca telfoonka oo dhax maray Madaxweyne Joi Biden iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ay isku fahmi waayeen in kulan toos ah yeeshaan uuna ka biyo diiday Jinping oo marka hore codsaday in Mareykanka uu wax ka bedello siyaasadiisa ku wajahan Shiinaha.

Madaxweyne Joi Biden oo Warfidiyeenka ayaa sheegay in warkaasi uusan jirin , waxa uuna hadalkiisa kusoo koobay ” run maahan warkaasi”

La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Mareykanka Jake Sullivan, ayaa dhankiisa beeniyay warka laga faafiyay wadahadalka dhinaca telfoonka ah ee dhax maray Madaxda dalalka Mareykanka iyo Shiinaha.

Wadahadalka khadka telefoonka ee Biden iyo Xi ayaa ahaa kii ugu horreeyey muddo toddobo bilood ah, waxayna ka wadahadleen baahida loo qabo in la hubiyo in tartanka u dhexeeya labada dal ee ugu dhaqaalaha badan adduunka aanu u weecan isku dhac.

Dowlada Shiinaha ayaana wax war ah kasoo saarin warkan la baahiyay ee ku aadan in Madaxweyne Xi Jinping ka biyo diiday in kulan fool ka fool ah la qaato dhigiisa dalka Mareykanka Joi Biden.

Ciidamada Amaanka oo howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhabo

0

Howlgalkan uu horkacayey Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Qeybta Koonfur Galbeed, ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta Amniga Magaalada Baydhabo iyo ka hortaga Falalka guracan ee Argigixisada Alshabaab ay ku dhibaateeyan shacabka Soomaaliyeed.

Gawaarida isticmaasha Waddooyinka waaweyn ee Magaalada iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa mid mid loo Baaray, iyada oo loo sheegaya dadka muhiimada ay leedahay sugidda amniga magaalada Baydhabo.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Qeybta Koonfur Galbeed, ayaa Tilmaamay in kan Nabad Sugid ahaan ay ka go’antahay in Masuuliyada loo igmaday ee ah ilaalinta Amniga Shacabka ay ugudan doona si hufan ayna kordhin doonan Howlgalada Noocan ah ee lagu sugayo Amniga Magaalada si dhibaatada arxan laaweyaasha Al-shabaab ugaysanayaan shacabka looga Hortago.

Sidokale  Taliyaha ayaa ugu baaqay Shacabka Magaalada Baydhabo in ay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga si loo sugo Amnigooda.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann, oo ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruha.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa uga mahad celiyay dadaalka ay dalalka Midowga Yurub ugu jiraan horumarinta dowladnimada Soomaaliya iyo taageerada ay la garab taaganyahiin.

Guddiga Doorashooyinka gobolada waqooyi oo codsaday soo gudbinta Liiska Musharaxiinta u tartameysa Aqalka sare

0

Guddiga Doorashada gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi inay u soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Kuraasta gobolada waqooyi ee Soomaaliland, Khadar Xariir Xuseen, ayaa qoraal uu soo saaray kaga codsaday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed  iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillahi inay soo gudbiyaan liiska Musharixiinta u tartameysa Kuraasta Aqalka Sare.

Hoos Ka Akhriso Warqadda kasoo baxday Guddiga Maamulka Doorashada gobolada waqooyi