Home Blog Page 720

Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Dowlada Jarmalka oo Deeq Dawo ah ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug+(SAWIRRO).

0

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa maanta kala wareegtay hey’adda IRC, qalab iyo daawooyin caafimaad oo loogu talagaley xarunta la tacaalka xanuunka Covid-19 ee Gobolka Galgaduud waxaana deeqdani katimid deeq bixiyaasha xafiiska arrimaha dibadda ee dowlada Jarmalka (GFFO)

Wasiirka Caafimaadka ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa qalabkaan caafimaad ka gudoomey Madaxa hey’adda IRC ee Galmudug Cabdijamaal Xasan Magan, isagoo xusey in kaalmadani noqon doonto mid wax badan ka tarta howsha culus ee wasaaraddu kawado xarumaha Gobolka iyo dadaalka ay ugu jiraan ka hortaga iyo xakameynta xanuunka Covid-19.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal ku dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab+(SAWIRRO).

0

Howlgalkan qorsheeysan ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxey ka fuliyeen deegaanka geel-gub ee degmada Cadalle ee gobolka shabeelaha dhexe.

Howlgalkaan ayaa yimid Ka dib markii ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ay ka war heleen dhagarta ay maleegayeen kooxda Al-Shabaab,iyadoo ciidanka ay howlgalka ku dileen 8-ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab iyadoona qaar kale nolosha lagu qabtay..

Howlgalkan qorsheysan ayaa ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed waxey ka fuliyeen deegaanka geel-gub ee degmada Cadalle ee gobolka shabeelaha dhexe.

Taliyaha ciidanka xooga dalka somaaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo hadlay warbaahinta codka ciidanka ayaa sheegay in ay ciidanka gacanta ku soo dhageen maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo hubkii ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odowaa ayaa intaas ku daray in Ciidanka wali ay sii baacsanayaan maleeyshiyaadka Al-shabaab ee ku jabay dagaalka ciidanka xoogga ay ku qaadeen fariisamaha ay ku lahaayeen degaanka (Geel-gub).

Maalmahii u dambeeyay  ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxey ka wadeen gobolada dalka soomaaliya.

Dowlada Turkiga oo cambaareesay weerarkii argagixiso ee xalay ka dhacay Muqdisho.

0

Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Turkiga ee aan walaalaha nahay ayaa si adag maanta u cambaaraysay weerarkii argagixiso ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu,

Warkaasi ayaa intaasi raaciyay Dowladda iyo shacbiga Turkiga waxay aad uga tiiraanyoodeen dhacdadaasi arxanla’aanta ah ee lagu laayay dadkaasi oo ku sugnaa maqaayadda Gelato Divino.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga Warkaasi ka soo baxay ayaa lagu yiri “waxaan Cambaaraynaynaa falkaasi argagixiso ee horonimada ah, waxaanan tacsi u diraynaa shacbiga Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay iyo dowladooda”   waxay dhanka kale wasaaraddu Raxmadda Alle u rajaysay dadkii ku dhintay, kuwa ku dhaawacmay in Alle siiyo caafimaad buuxa oo dag dag ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorsheynta oo kulan Dar dar galinta Howlaha Wasaarada la qaatay Madaxda Waaxyaha+(SAWIRRO).

0

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo dar-dar-galinaya shaqooyinka horyaalla Waasaaradda ayaa kulan la qaatay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Madax qeybtyada iyo Kooxda farsamo yaqaanada (Technical Staff).

Kulanka waxaa warbix looga dhageystay Agaasimo waaxayada Wasaarada iyo howlaha u qabsoomay Todobaadkii la soo dhaafay, xilli lagu gudo jiro dar-dar-galin howlaha horu-tabinta u leh Wasaaradda.

Waxaana Sidoo kale Agaasimaha uu Carab baabay in ay jirto Fulinta Sanada 2021, iyo Qorsho Howleedka Wasaaradaha Dowlada, Qiimeynta iyo Kormeerka waxyaabaha u qabsoomay.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa madaxda qeybaha kale kula dardaarmay in shaqooyinka la sii xoojiyo, si natiijo wax ku’oolka ah ee hiigsaga dalka Hormarinta guud loo gaarsiiyo.

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha Dibadda JFS oo Muqdisho ka dhacday+(SAWIRRO).

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Manaasabad uu Xilka kula wareegayay Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Dibadda taasi oo ka dhacday Xarunta Wasaarada Arimaha Dibada.

Munaasabaadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Fadraalka ah Wasiiro hore Xildhibaano iyo Safiiro.

ugu horeyn ayaa waxaa halkaasi ka Hadlay Gudoomiyaha Gudiga Arimaha dibada ee Baarlamaanka fadraalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Biixi Cige.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Dibada Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wasiirka ay ku soo dhaweynayaan Masuuliyada Cusub ee loo igmaday.

Wasiiraka Cusub ee Wasaarada arimaha Dibada mudane Maxamed Abdirisak Maxamuud abuubakar ayaa sheegay inuu sii amba qaadayo shaqada Wasaarda Hogaankeeda uu qabtay.

Wasiirka Qorsheynta JFS oo kulan la qaatay Golaha Dhaqaalaha Qaranka+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dawlada Fedaraalka Soomaaliya Mudane Jamaal Xassan ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Xubna ka socda Golaha Dhaqaalaha Qaranka JFS.

Wasiirka iyo Khuburada golaha Dhaqaalaha Qaranka Waxaa ay ka wada hadleen sidii Golaha iyo Wasaaradu isaga Kaashaadan dar-dar gelinta horumarinta dhaqaalaha, sida ugu fiican ee looga faa’iideysan lahaa talooyinka ku salaysan cilmi-baarista ay soo jeediyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka ay ka mid yihiin Daarasado laga samayeeyey saamaynta uu ku yeeshay Xanunka COVID-19 dhaqaalaha dalka iyo sidii looga soo kaban lahaa.

Beeraleyga Deegaanka Xero Dhagaxley ee Degmada Hobyo oo cabasho ka muujiyay Saameen uu wax soo saarka beeraha ku yeeshay Ayax faro badan oo xaaluf ba’an ku haya+(SAWIRRO).

0

Deegaanka xero dhagaaxleey oo ka tirsan Degmada Hobyo islamarkaana ah deegaanada ugu horeeyay dhanka tabcashada beeraha ayaa waxaa beeraleyda halkaasi ku nool iyo maamulka deegaanku ay cabasho xoogan ka muujiyeen saameeyn uu wax soo saarka beerahooda ku yeeshay ayax korankaro kaas oo xaaluf ba’an ku haya dalagyadii ay beerteen.

Qaar ka mida beeraleyda oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka ayaxa ama koran koradu ay u geysteen dalagyadii ay tabcadeen iyagoo dhanka kalana codsaday in laga caawiyo sidii ayaxa ama koran korada looga hortagi lahaa.

Beeralayda ayaa sheegtay in Dalagyadii ay beerteen xilligan qeybo ka mid ah Saameeyeen oo ay ka cabsi qabaan in saameyntu ay intaasi ka balaarato waxayna intaasi ku dareen hadii aan hada wax laga qaban ay qasaaro intaasi ka badan ay soo gaari doono.

 

AUN waxaa Isbitaalka Xoogga lagu aasay dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Xalay Muqdisho+(SAWIRRO).

0

Allaha ha unaxariistee waxaa isbitaalka xoogga dalka ka socota aaska sideed dhalinyaro ah oo xalay ku dhintay weerar argagixiso oo ka dhacay maaqayad ama goob lagu nasto ee loo yaqaano Gelato Devino ee ku taala kasoo horjeedka xarunta sahal ee wadada garoonka aadan cade gasha.

Aaska waxaa ka qeyb-galay boqol dad shacab ah,qaar ka mid ah ehelada murxuumiinta masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ,saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Weerarka xalay lala beegsaday goob lagu nasto ayaa sidoo kale waxaa jiro dadka kale oo dhaawacyo  ay ka soo gaareen iyadoo lagu dabiibayo isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xarunta gobalka Tigray ee Mekelle.

0

Saraakiisha Ciidamada itoobiya ayaa sheegay in dhowr jiho ay guluf xoog leh uga qaadeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.

Jeneraal Hassan Ibrahim ayaa wakaaladda warar Itoobiya u sheegay in ciidanka gacanta ku dhigeen magaalada Wukro oo 50km dhanka waqooyi kaga beegan Mekelle . Dhanka kale  in ciidanka ka duulay dhanka Adwa ay qabsadeen magaalooyinka  Hawzen, Abraha Weatsbeha ilaa Wukro .

Dhinaca Adigrat ayaa waxaa uu sheegay in ciidankii ka duulay ay qabsadeen magaalooyinka Senkata iyo Al-Najashi.

Aaga Raya ayaa jeneraalku tilmaamay in ciidankii ka duulay ay hantiyeen magaalooyinka Adikeyeh  iyo Hewane.

Jeneraal Hassan Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka ay hada ku socdaan aaga buurta Mesobo oo ah meesha kaliya ee ka xigta Mekelle.

Xafiiska Midowga Yurub Soomaaliya oo Cambaareyay Qaraxii Xalay Dadka Shacabka ay ku laayeen Aragagixsada.

0

Xafiiska midowga Yurub ee soomaaliya ayaa canbaareeyay weerarkii wuxuushnimada ahaa oo ay xalay argagaxisada ku qarxiyeen dad shacab oo ku sugnaa maqaad.

Qoraal uu soo saaray wakiilka midowga Yurub ee soomaaliya Nicolas Berlanga ayuu ugu tacsiyeey ehelada iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa argagaxisadu salfatay.

Dhamaan dadkeena ka shaqeynaya soomaaliya oo xasiloon oo burwaaqo ah waxaan saakay ka murugeysanahay dadka aan weynay ayuu yiri Nicholas.

Rajadeena waa ay ka xoog badan tahay darbi madax la dhacooda ama caradooda ayuu yiri wakiilka midowga yurub.