R/Wasaare Rooble oo digniin cusub ka soo saaray kiiska Ikraan Tahliil

Date:

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo faray Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada qaranka oo dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed .

“Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la socdaa in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida uu ka furan yahay gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kaas oo waafaqsan qodobka 34-aad ee dastuurka dalka oo qof kasta xaq u siinaya inuu dacwadii sharciga waafaqsan ka furto maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska RW Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu aaminsan yahay sida uu dastuurku qabo in hey’adaha Garsoorka dalka ay ka madax-banaanyihiin laamaha fulinta iyo sharci dejinta ee dowladda, markii ay gudanayaan waajibaadkooda.

“Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in aysan kaalin uga banaaneyn hey’adaha fulinta kuna sameyn karin wax faro-gelin ah kiiska Ikraan Tahliil Faarax,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso qoraalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...