Home Blog Page 714

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddiga maamulaya doorashada xubnaha Somaliland ee Baarlamaanka dalka.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland.

Akhriso magacyada Guddiga

HALKAN KA AQRISO W 1-AAD

HALKAN KA AQRISO W 2-AAD

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleedka Galmudug.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa magacaabay Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleedka Galmudug

Ujeeddo: Magacaabidda Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Markuu Arkay:   Qodobka 50aad farqaddiisa 5aad, ee Dastuurka Dowlad Goboleedka  Galmudug;

Markuu Arkay:   Heshiiskii doorashooyinka oo ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah si wadajir ah u gaareen 1da OKTOOBAR 2020,    Kaas oo lagu go’aamiyay dhismaha  guddiyada doorashooyinka qaranka iyo Xalinta Khilaafaadka heer federal iyo heer Dowlad goboleed.

Markuu tixgaliyey:  Muhiimadda ay leedahay in la dhiso guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed;

Wuxuu   Magacaabay

Qodobka   1aad.

  1. Fahmo                  Xasan                 Maxamuud
  2. Maxamed             Daahir                 Guuleed
  3. Cabdiraxmaan      Ismaaciil              Shire
  4. Maxamed            Qaasim                 Maxamuud
  5. Cabdicasiis          Nuur                     Yuusuf
  6. Maxamed            Axmed                 Nur
  7. Maxamed           Cabdiraxmaan       Cabdullahi
  8. Xaawo-kiin         Maxamed               Cali

Qodobka 2aad.

Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Halkan ka akhriso

xeer-guddiga-doorashada

Taliyaha Ciidanka booliska iyo wafdi uu hogaaminayo oo kormeeray xarumaha ciidanka booliska Gobalka Bari+(SAWIRRO).

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa kormeeray xarumaha Ciidamada Booliska Gobalka Bari,

Taliyaha ayaa Booqday Goobaha loo asteeyey in lagu qabto qaar ka mid ah doorshada Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliyeed ee deegaan doorashoodu tahay Puntland.

Taliya waxaa kormeerka ku wehliyay Taliye ku-xigeenka ciidamada booliska Puntland Genaraal Caydiid Axmed Nuur Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud waxaana ay sigaar ah u kormeereen goobaha ay ka dhici doonto doorashada Xildhibaannada Soomaaliya, kaasi oo la rajeenayo in lagu doorto qaar ka mid ah Xildhibaannada cusub.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo sheegay inay soo celinayaan nidaamka kala damnbaynta ee gobolka Tigreega,

0

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka hadlay talaabada oo dowladiisu ka wado ismaamulka Tigreega ee waqooyiga Ethiopia.

Abiy ayaa qoraal uu dhigay bartiisa Twiterka wuxuu ku sheegay in howlgalka ka socda waqootiga Ethiopia oo ay ciidanku wadaan uu leeyahay u jeeddooyin cad oo xadidan

Ujeeddooyinka ayuu ku sheegay in la soo celiyo ku dhaqanka sharciga iyo nidaamka Dastuurka iyo in dadka Itoobiyaanka la ilaaliyo xuquuqda ay u leeyihiin ku noolaanshiyaha nabad meel kasta oo dalka ay ka joogaan.

Ra’isul Wasaaraha Ethioia Abiy Ahmed wuxuu kaloo tilmaamay in dowladu si dulqaad leh ay dhowr bilood isugu dayday in nabad ah lagu xaliyo farqiga kala dhaxeeyay maamulk TPLF.

Dadaaladan ayuu tilmaamay in ay fashilmeen, taana loo aaneeynayo dhaqanka diidmada iyo goobad falka ku saleysan ee TPLF, iyagoo talaabadii ugu danbeysay ee baas-abuurka ay weerar ku qaadeen taliska qeybta waqooyi ee ciidamada kuwaas oo degan gobalka Tigreega

Ethiopia oo duulimaadyada diyaaradaha ka xirtay gobolka Tigrey ee dalka Ethiopia,

0

Waaxda duulista ee Ethiopia ayaa sheegtay in duulimaadyada diyaaradaha ee caalamiga ah iyo kuwa gudaha laga xiray garoomada diyaaradaha magaalooyinka Mekelle, Shire, Axum iyo Humera oo ah magaalooyinka ugu waawayn gobolka Tigrey oo todobaadkan ay dagaallo ka socdeen, ka dib markii dawladda Federaalka ay iskhilaafeen.

Qoraal kooban oo hay’adda duulista Ethiopia ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duuliye yaasha iyo shaqaalaha kale ee duulimaadka arrintan lagu wargaliyay.

Waaxdu faah faahin dheeri ah kama bixin sababta balse waxay arrintan daba socotaa dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo dhexmaray ciidamada dawladda Federaalka Ethiopia iyo ciidanka maamulka Tigrey, ka dib khilaaf muddo soo jiitamayey oo ka dhashay doorashadii ay iskood u qabsadeen Tigrey-gu bishii September ee sanadkan, taas oo golayaasha sharciga ee Federaalka Ethiopia ay waxba kama jiraan ku tilmaameen.

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in guri loo dhisayo Barakacayaasha ku nool Caasimada+(SAWIRRO).

0

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cumar Cali Axmed oo marti ku ahaa kulanka todobaadka ee ka baxa warbaahinta qaranka ayaa faah-faahiyay talaabooyinka uu qaaday maamulka gobolka kadib saameyntii uu ay ku yeesheen roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.wadooyinka waa weyn ,goobaha biyo xireennada iyo kaamamka barakacayaasha.

Guddoomiye Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in ilaa iyo sedex boqol oo guri oo ay udhanyihiin adeegyada bulshada sida iskuul ,Cisbitaal suuq iyo waxyaabaha kale oo ka mid adeega bulshada looga dhisayo dadka barakacayaasha degmada Hilwaa ee Gobolka Banaadir iyadoo la rarayo qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ku nool gudaha magaalada gaar ahaan goobaha ay biyaha fadhiistaan.

”Waxaa maamulka gobolka banaadir uu diyaariyay qorshe lagu dhisayo ilaa sedex boqol guri nooca filooyinka ah oo laga dhisayo degmada Hilwaa waana kuwa ay u dhameystiran yihiin adeegyadda bulsha gaar ahaan waa xaafada ku ay ku yaalaan iskuulo,Cisbitaalo suuq iyo dhammaan adeega dadweynaha waxaana loogu talagalay kaliya barakacayaasha.

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cumar Cali Axmed sidoo kale waxa uu sheegay inay soo diyaariyeen qorshe loogu talagalay goobaha biyaha ay maraan oo ay ku kaceyso ilaa 300 miylan oo lacagta mareykanka fayska ugu horeeyo oo ay qeyb- ka mid bankiga aduunka ka taageeri doono gobolka Banaadir.

“Waxaan soo diyaarinay mashruuc weyn oo lagu dhisayo miyo mareenadda wadooyinka caasimada waxaana ku kacaya ilaa sedex boqol oo milyan lacagta mareykanka hase ahaate wajiga kowaad waxaa qeyb-ka mid ah lacag gaareysa ilaa 37 milyan naga taageerayo world Banki ayuu yiri guddoomiye CUmar Cali Cabdi.

Guddoomiye Cumar Cali Cabdi waxaa kale bulshada ugu baaqay in canshuurta sidii loogu talagalay ay ubixiyaan si kor loogu qaado adeego dadweynaha isla markaana loo kaabo dhammaan adeegyada dadweynaha.

“Shacabka ku nool magaalada muqdisho waxaa laga rabaa inay canshuurta ubixiyaan sidii loogu talagalay si aan kor ugu qaadno adeegyada dadweynaha oo Gobolka banaadir u gaaro isku filnaasho.

Inta la ogyahaya ilaa iyom sedex ruux ayaa ku geeriyootay roobabka ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka mid ahaa dadka danyarta eek u nool degmada kaxda ee gobolka Banaadir.

 

Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda deegaanno ka tirsan Gaalgaduud.

0

Ciidanka xoogga dalka qeyb-27-aad ayaa howl-gal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaad Al-shabaab kawada deegaanno ku dhow Bulacle oo waqooyi Bari ka xiga magaalada dhuusamareeb halkaasi oo ay argagixisada ku dhibaateyn jireen shacabka.

Saraakiisha howlgalkan hogaaminaysa ayaa inoo sheegay inuu yahay mid Qorshihiisa hore la diyaarinayay lana sii wadi doono inta Argagixisada Al-Shabaab laga ciribtirayo deegaannada ay kaga sugan yihiin ama ay si dhuumaaleysi ah kun jogaan ee ka tirsan Galmudug.

Deegaannada Jihada Bari ka xiga magaalada Dhusamareb ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab Shacabka ku dhibaataynayeen muddooyinkii la soo dhaafay balse Ciidamada Xoogga ayaa ka jawaabay kuna baxay inay ka dulqaadaan.

Carona Virus oo si wayn u saameeyey waxbarashada carrurta barkacayaasha ah+(SAWIRRO).

0

Dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay saameyn wayn kala kulmeen cudurka Corona-virus oo dunida fara ba’an ku haya.

Dadkan oo nolol ahaan aad uga liita dadka kale ee wax heysta ayaa cudurka kala kulmay dhibaatooyin ay ka mid yihiin shaqa la’aan, Waxbarasho la’aan, oo ay u sii dheertahay inaanay awoodin inay ka hortagaan cudurka maadaama uu si deg deg ah kufaafayo.

Booqasho dhawaan aan ku tagnay deegaanka Garasbaaleey kaas oo ay deganyihiin dad isugu jira danyar iyo barakacayaal xilli hore  ka soo barakacay gobolada dalka sababo la xiriira abaar baahsan oo ku dhufatay ayaan halkas kula soo kulanay dad badan oo sheegay inuu cududrka si wayn u saameeyey waxbarashadii  carruurtooda qaarkood haatan ay guryaha iska joogaan.

Xaliimo Xirsi oo ka mid ah haweenka barakacayaasha ee degan mid ka mid ah kaamamka ku yaala Garasbaaleey ayaa iyadoo ay ku hareereysanyihiin carruuur ay dhashay iyo kuwa dariskeeda ah waxay noo sheegtay in cudurka uu waxbarasho seejiyey carrrur badan oo danyar ah, haatanna qaarkood ay guryaha iska joogaan.

“Carruurteennu marki horeba  waxbarasho fiican ma aysa heysan, hadana waxaa na saameeyey cudurka coronavirus maadaama la yiri guryaha hala joogo, sidaas ayeyna kujoogaan oo meel ay udhaqaaqaan malaha” ayey tiri Xaliimo Xirsi oo uwarameysay Warbaahinta Qaranka.

Intii aan joognay kaamka waxaan sidoo kale ku soo aragnay qaar ka mid ah carruurta barakacayaasha ah oo dhexdooda isku faa’ideynaya si ay iskusoo  xasuusiyaan waxbarashadii ay hore uqaateen,

Maxamuud Bilow oo ka mid ah ardayda barakacayaasha ah ayaa noo sheegay inuu bilaabay olole waxbarasho oo uu ardayda kaamka ugu celinayo waxbarashadii ay hore uqaateen kadibna uu usii bilaabi doonno waxbarashada kale, arintaasna ay ardayda si wayn usoo dhaweeyeen.

“Waxay fikradan igu dhalatay markaan arkay arday badan oo guryaha iska joogta, marka maadaama uu waqtiga socdo waxaan jecleystay inaan casharada ugu celiyo ardayda si ay uga faa’ideystaan fursadan” ayuu yiri Bilow.

Qaar kamid ah ardayda oo aan wax ka  weydiinay hakadka ku yimid waxbarashadooda   waxay noo sheegeen in intii lagu guda jiray saameynta cudurka ay joogsatay waxbarashadoodiiiyagoo intaas kudaray in haatan ay rajeynayaan in waxbarashadoodii ay dib ubilaaban doonto.

Dhinaca kale waxaan kaamka Garisbaalleey ka bilowday ollole dadka barakacayaasha ay isaga wacyigalinayaan qattarka cudurka Carona-virus iyadoo ay indhaheennu qabanayeen dumarka ka shaqeynaya Nadaafada iyo fayadhowrka kuna wacyigalinaya bulshada inay ku dadaalaan kala fogaanshaha.

Cudurka Caronvirus ayaa dunida ka bilowday bartamaha sanadkii hore waxaana dalka Soomaaliya ugu geeriyooday dad kor udhaafayo 100 qof, iyadoo uu haleelay ku dhawaad 4000 oo qof.

Wasaaradda Gargaarka oo deeq Daawo iyo Raashin ah ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir+(SAWIRRO)+(MUUQAAL).

0

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta kala wareegtay Wasaaradda Maareynta Masiiboobinka Deeq isugu jirto Daawo iyo Raashin oo loogu tala galay dadkii uu sameeyay Robabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

Deeqdan ayaa la qorsheynayaa in la gaarsiiyo dadka ugu daran ee uu sameeyay fatahaadda ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimadda.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in deeqdan ay ka timid dowladda Masar, looguna talagalay in la gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed.

Halkan Ka DAAWO MUUQAALKA Warka.