Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u hambalyeey lixda Sanoter Aqalka Sare ee doorashadooda Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah;
Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Saalax Axmed Jaamac
Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar
Cismaan Abokor Dubbe
Layla Axmed Ismaaciil
Bilaal idiris Cabdullaahi
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay doorashada iyo ergada doorashada.
“Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen, Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan”.
Wasiirka wasaaradda cadaalada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta ka qeyb-galay shirkii 24-aad ee Wasiirada Cadaaladda iyo Xeer Ilaaliyayaasha waddamada ku bahoobay Suuqa Guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) oo ay Soomaaliya xubin ka tahay, laguna qabtay aaladda fogaan aragga ee Zoomka.
“Waxaan uga warbixiyey horumarada ay Soomaaliya ku talaabsatay dhanka Cadaaladda iyo Garsoorka, sida dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka, Guddiga Qaran ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ku biirista Sharciyada Caalamiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa (UN, AU, Arab League) imw,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri wasiir Jaamac.
Qoraalka wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan sidoo kale la wadaagnay qorshaha istaraatiijiyadda shanta sano ee aan diyaarinay mudadii aan xafiiska joognay iyo caqabadaha heysta guud ahaan bahda Cadaaladda dalkeenna.”
Maanta waxaa Muqdisho ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo waxaa la dhageysanayaa hadal jeedinta musharaxiinta 11-ka kursi ee Somaliland ku meteli doonta golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, hadal-jeedinta kadib, waxaa bilaabaneysa doorashada 11-ka kursi oo horay loogu qorsheeyey inay socoto mudo seddax maalmood ah.
Furitaanka munaasabadda hadal-jedinta Musharaxiinta waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay, waxuu fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada, waxuu soo hadal qaaday khilaafaadka jira iyo sida looga gudbi karo, waxuuna mar kale ku celiyey in cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil Faarax aysan xukuumadiisu gorgortan ka geli doonin.
Ra’iisul wasaare Rooble waxuu umadda u sheegay in wax-weyn aan loo qaadan khilaafaadka jira ee dhegahooda ku soo dhacaya, waxuu ku celiyey inuu u taagan yahay cadaaladda, waxuuna soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil, isagoo sheegay in kuwii dhibka u geystay ay daba-gal ku heyso maxamadda militeriga Soomaaliya.
Sidoo kale dhinacyada isdooranaya iyo guud ahaa madaxda Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul wasaaruhu xasuusiyey inay shacabkooda u cadaalad falaan, maadaama qof kasta uusan ogeyn goorta iilka la dhigi doono.
Dhanka kale Madaxda dowlad goboleedyada inta ay ku hartay kuraasta aan la dooran ee Aqalka Sare, sida Jubbaland, Galmudug iyo HirShabeelle ayuu ka dalbaday in deg deg ay u soo gudbiyaan xubnaha ku dhiman, si markii la dhameystiro doorashada xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga durba loo doorto guddoonka Aqalka Sare dalka.
Hadii ay taasi hir-gasho Aqalka Sare waxa uu noqonayaa hey’ada ugu horeysa ee dastuuri ah oo dhismaheeda la dhameystiro, waxuuna golahaan kolkaas xukuumadda ka saacidi karaa dhismaha hey’adaha kale ee doorashada aadaya.
Ra’iisul wasaare Rooble waxuu dadka reer waqooyi ku amaanay is doorashada iyo cadaaladda, isagoo ergada, guddiga doorashada, musharaxiinta iyo odayaasha reer Somaliland ee Afisyooni isku doonaya ka dalbaday inay cadaalad iyo calool furnaan ay wax ku qeybsadaan, tusaale lagu daydana u noqdaan dadka kale ee Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaare Rooble waxuu rijeynayaa in todobaadkaan la soo gabangabey doono doorashada Aqalka Sare ee dalka, isla markana deg deg loo guda geli doono doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-da
Deegaanada doowlad goboleedyada dalka kol hore ayey ka bilaabatay doorashada senatorrada Aqalka Sare ee Soomaaliya, Puntland oo noqtay dowlad goboleedkii ugu horeeyey ee soo dhameytiray xubnaha Aqalka Sare ee laga sugayey, waxay soo doortay 11-Senator. Koonfur Galbeed oo ku xigtay ayaa Iyana soo dhameystirtay 8-da xubnood ee laga soo doorto deegaanadaas, Galmudug waxay soo gudbisay 6-Senator waxaana ku dhiman 2-xubnood, HirShabeelle ayaa soo dooratay 6-kale waxaana ku hartay 2-xubnood, halka Jubbaland ay soo dooratay 4-Senator, afar kalena ay weli ku dhimantay.
Tirada guud ee golaha Aqalka Sare ee 54-Senator, 35 xubnood ayaa hadda dooran, waxaana dhiman 19-xubnood oo 11 ka mid ah haatan doorashdooda loo fadhiyo xarunta ciidamada cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa dhagax dhigay mashruuca wejiga Seddexaad ee dhisamaha xaruunta dhexe ee wasaaradda Beeraha ee degmada Hodan
Dhagax dhiga Mashruucan oo noqonaya wejiga Sedexaad waxaa dib loogu dhisi doonaa laguna dayactiri doonaa qeybihii ugu dambeeyay ee dhismaha Xaruunta dhaxe ee Wasaaradda Beeraha, iyadoo goobaha la dhagax dhigayna laga dhisi doono Maqaaxi lagu qaxweeyo, Baqaaro lagu xareeyo agabka Wasaaradda iyo goobo kale oo muhiim ah.
Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Beeraha Axmed Cilmi Waasuge ayaa sheegay In Barnaamijkan oo qeyb ka ah Mashruuca Taabagelinta dhaqaalaha waara iyo adkeysiga aafooyinka in uu maalgelinayo Bangiga horumarinta Africa oo soo marsiiyay Urur Goboleedka IGAD iyadoo ay fulineyso hey’adda Save the Cildren.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid Oo dhagax dhigay dhimaha mashruuca ayaa xusay In marka la dhameeyo in ay wasaarada kusoo kordhin doonaan horumar iyo hufnaan shaqo.
Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo kaashanaya FAO ayaa horey ugu guuleystay dhismaha wejiga kowaad iyo kan Labaad ee xaruunta dhexe ee wasaaradda Beeraha oo ay hada ku shaqeeyaan madaxda iyo shaqaalaha , waxaana la filayaa in marka lasoo gabagabeeyo goobaha hada la dhagax dhigay in ay wasaarada kusoo kordhiyaan hufnaan shaqo iyo bilic. “In badan oo naga mid ah waxay doonayaan jawaabo ku saabsan waxa dhacay iyo sababta dhacdadan foosha xun,” ayuu yiri Damberg, sida ay kasoo xigatay TT.
Qarax xoog badan oo ka dhacay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Goteborg ee dalka Sweden, kaasi oo booliska ay rumeysan yihiin inuu ka dhashay walxaha qarxa, ayaa dhaawacay ugu yaraan 20 qof, ayada oo boqolaal kalena lasoo daad-gureeyey.
Afhayeen u hadashay isbitaalka Sahlgrenska University Hospital, Ingrid Frederiksson ayaa sheegtay in 16 qof la dhigay isbitaalka ugu weyn magaalada Goteborg.
Afar qof oo ka mid ah – oo saddex ay yihiin haween da’ ah, iyo nin da’diisu tahay kontameeyo – ayaa laga daweynayaa dhaawacyo halis ah, sida ay sheegtay Ingrid Frederiksson.
Afhayeen u hadlay booliska, Thomas Fuxborg ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta dhalisay qaraxa, balse wuxuu taleefishinka TV4 u sheegay in dambi-baarayaasha ay rumeysan yihiin inuu ahaa ku talo-gal.
Fuxborg ayaa sheegay in dambi-baarayaasha ay eegayaan haddii qaar ka mid ah dadka deganaa dhismaha lagu beegsaday qaraxa.
“Waxaan tuhunsannahay in qof uu walxo qarxa uu dhigay dhismaha. Taas waa wixii aan maqalnay markii nalasoo wacay,” ayuu yiri Fuxborg.
Qaraxa ayaa abaare 5:00 am ka dhacay degmada Annedal ee bartamaha Goteborg, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Sweden. Dab ayaa ku faafay dhimsaha, waxaana weli socday damintiisa iyo gurmadka illaa 9:00 am.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Sweden Mikael Damberg ayaa wakaaladda wararka Sweden ee TT u sheegay ‘inay aad u xumeyd” inay arkaan burburka ka dhashay qaraxa.
War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay madaxweyne Deni la wadaagtay hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxayna muujisay in doorashadda hal qof iyo codka ah ee Puntland ka dhacaysa ay rajo wanaagsan gelineyso guud ahaan Soomaaliya.
Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.
Waxaa maanta Magalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug gaaray wafdi ka socda hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee WHO, kuwaas oo u tegay indha-indheynta adeegyada Caafimaadka, gaar ahaan ogaanshaha waxyaabaha ka fulay mashaariicda loogu talagaley la tacaalida iyo ka hortagidda Xanuunka COVID-19.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Dr.Asmus Hammerich, Agaasimaha Cudurada aan la isu gudbin iyo Caafimaadka Dhimirka Hey’adda Caafimaadka Aduunka Xafiiskeeda Qaahira ayaa ugu horeyn Kormeeray Isbitaalka Xanaano oo ka mid ah xarumaha bixiya adeegyada ugu badan ee Caafimaadka Magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna si gaar ah maamulka isbitaalka su’aalo uga waydiiyeen isbadalada la sameeyay tan iyo markii WHO bilaawday ka jawaabida baahiyaha ka jira Isbitaalkan
Kormeerkan oo ay ku wehliyeen Wafdiga WHO, Xubno ka socday wasaradda Caafimaadka dowladda Federaalka iyo Agaasimaha Guud ee wasaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayay si gaar ay ugu indha-indheeyeen qaybaha isbitaalka ee laga hirgaliyay Mashruuca Solar System-ka kaasi oo bukaano badan ka caawiyey in ay helaan oxygen kufilan, isla markaana suura-galiyey in adeegyada isbitaalku bixiyo noqdaan kuwo joogta ah.
Mas’uuliyiinta WHO oo ugu dambeyn la geeyay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay wasiirka Caafimaadka Galmudug, Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo madaxda Xafiisyada Wasaaradda oo goobta kusoo bandhigey warbixin dhameystiran oo ku saabsan guulaha laga gaarey maareynta COVID19 iyo gaabisyada jira oo ay wasaraddu ka dalbatey WHO in ay ka soo jawaabto dalabaadyada hore loogu diray.
Madaxda WHO oo intii kulankan uu socday ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay ayaa tilmaamey in ujeedka safarkoodan yahay qiimeynta howlaha socda iyo in laga jawaabo dhamaanba gaabisyada jira ee u baahan in la iska kaah-shado dhameystirkooda, iyagoo si gaar ah u bogaadiyay hannaanka wacyigalinta iyo heerka qaadashada talaalka COVID19 ee Galmudug oo ay xuseen in juhdiga lagu bixiyay yahay mid muuqda.
Hogaanka ururka Taliban ayaa sheegay inay cagta mariyeen saldhigyo ay dalkaas ku lahaayeen ururka hubeysan ee Daacish iyo ururo kale oo hoos taga.
Afhayeenka Taliban Sabiixullaahi Mujaahid ayaa sheegay in hawlgalo gaar ahaa oo ciidamadooda ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolada Helmand iyo Masaara Shariif in lagu bur buriyay saldhigto ay lahaayeen ururada Daacish iyo ururka kale ee ISKP la yiraahdo kuwaasoo dhawr weerar ka gaystay dalkaas tan iyo markii talada wadankaas uu qabsaday ururka Taliban.
Afhayeenka Taliban waxaa uu sidoo kale sheegay inay jiraan dagaalyahano Daacish iyo ISKP oo dhankooda isku dhiibay. Warbaahinta gudaha Afghanistan ayaa baahiyay dagaal 5tii cisho ee lasoo dhaafay ka dhacay dalka Afghanistan ay Talibaaniyiintu tageen dhul buuralay ah oo Daacish iyo saaxiibadooda saldhigyo ku lahaayeen. Ma jiro wax war ah oo dhanka Daacish kasoo baxay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ahaa jilaa, majaajilayste iyo Barnaamij Soosaare qeyb weyn ka soo qaatay nabadaynta iyo horumarka dalkeenna, isaga oo ummadda Soomaaliyeed u soo gudbin jiray sheekooyin faneed iyo barnaamijyo maandhis iyo madadaalo ah oo ka turjumaya jiheynta iyo wacyigelinta bulshada si looga gudbo caqabadaha iyo dhibaatooyinka nololeed ee bulshadeenna.
“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo ahaa Jilaa iyo majaajilayste weyn oo soo saari jiray barnaamijyo lagu kobcinayo wacyiga ummadda Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Deni, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo safar shaqo ku yimi Qardho ayaa maanta taageerayaasha Ururka KAAH kala qeybqalay isu soo baxa koowaad ee maalmaha ololaha doorashadda.
Madaxweynaha ayaa markii uu Qardho soo gaaray qaatay kaarka codbixiyaha si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomaysa Qardho, Ufeyn iyo Eyl , 25- October 2021.
Intaasi kadib, Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu taageerayaasha KAAH kala qeybgalay isu soo baxa koowaad ee ololaha doorashada Ururka.
Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay taageerayaasha Ururka KAAH, wuxuu uga mahadceliyay sida ay cududooda u muujiyeen iyo in ay door muhim ah ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo ah marxalad cusub oo Puntland gashay.
Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay bulshada isu soo baxday, in Golaha deegaanka ee ay si Qof iyo Cod ah ku doortaan uu noqon doono mid wax badan ka bedelan kuwii hore oo hurmar u horseedi doona, sidoo kale wuxuu xusay in KAAH ay fursad siisay dadka barakacayaasha ahaa oo hadda Ururku u soo sharaxay ka mid noqoshada golaha deegaan degmada Qardho.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, Golaha fulinta, xubnaha golaha dhexe ee Ururka KAAH iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho, Iyadoo sidoo kale isu baxyo kan la mid ah uu Ururku maanta ka sameeyay magaalooyinka Eyl iyo Ufeyn.