Wafdi ka socda QM oo gaaray Dhuusamareeb, kulamana ka bilaabay

Date:

Waxaa maanta Magalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug  gaaray wafdi ka socda hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee WHO, kuwaas oo u tegay indha-indheynta adeegyada Caafimaadka, gaar ahaan ogaanshaha waxyaabaha ka fulay mashaariicda loogu talagaley la tacaalida iyo ka hortagidda Xanuunka COVID-19.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Dr.Asmus Hammerich, Agaasimaha Cudurada aan la isu gudbin iyo Caafimaadka Dhimirka Hey’adda Caafimaadka Aduunka Xafiiskeeda Qaahira ayaa ugu horeyn Kormeeray Isbitaalka Xanaano oo ka mid ah xarumaha bixiya adeegyada ugu badan ee Caafimaadka Magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna si gaar ah maamulka isbitaalka su’aalo uga waydiiyeen isbadalada la sameeyay tan iyo markii WHO bilaawday ka jawaabida baahiyaha ka jira Isbitaalkan

Kormeerkan oo ay ku wehliyeen Wafdiga WHO, Xubno ka socday wasaradda Caafimaadka dowladda Federaalka iyo Agaasimaha Guud ee wasaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayay si gaar ay ugu indha-indheeyeen qaybaha isbitaalka ee laga hirgaliyay Mashruuca Solar System-ka kaasi oo bukaano badan ka caawiyey in ay helaan oxygen kufilan, isla markaana suura-galiyey in adeegyada isbitaalku bixiyo noqdaan kuwo joogta ah.

Mas’uuliyiinta WHO oo ugu dambeyn la geeyay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay wasiirka Caafimaadka Galmudug, Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo  madaxda Xafiisyada Wasaaradda oo goobta kusoo bandhigey warbixin dhameystiran oo ku saabsan guulaha laga gaarey maareynta COVID19 iyo gaabisyada jira oo ay wasaraddu ka dalbatey WHO in ay ka soo jawaabto dalabaadyada hore loogu diray.

Madaxda WHO oo intii kulankan uu socday ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay ayaa tilmaamey in ujeedka safarkoodan yahay qiimeynta howlaha socda iyo in laga jawaabo dhamaanba gaabisyada jira ee u baahan in la iska kaah-shado dhameystirkooda, iyagoo  si gaar ah u bogaadiyay hannaanka wacyigalinta iyo heerka qaadashada talaalka COVID19 ee Galmudug oo ay xuseen in juhdiga lagu bixiyay yahay mid muuqda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...