Wafdi ka socda QM oo gaaray Dhuusamareeb, kulamana ka bilaabay

Date:

Waxaa maanta Magalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug  gaaray wafdi ka socda hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee WHO, kuwaas oo u tegay indha-indheynta adeegyada Caafimaadka, gaar ahaan ogaanshaha waxyaabaha ka fulay mashaariicda loogu talagaley la tacaalida iyo ka hortagidda Xanuunka COVID-19.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Dr.Asmus Hammerich, Agaasimaha Cudurada aan la isu gudbin iyo Caafimaadka Dhimirka Hey’adda Caafimaadka Aduunka Xafiiskeeda Qaahira ayaa ugu horeyn Kormeeray Isbitaalka Xanaano oo ka mid ah xarumaha bixiya adeegyada ugu badan ee Caafimaadka Magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna si gaar ah maamulka isbitaalka su’aalo uga waydiiyeen isbadalada la sameeyay tan iyo markii WHO bilaawday ka jawaabida baahiyaha ka jira Isbitaalkan

Kormeerkan oo ay ku wehliyeen Wafdiga WHO, Xubno ka socday wasaradda Caafimaadka dowladda Federaalka iyo Agaasimaha Guud ee wasaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayay si gaar ay ugu indha-indheeyeen qaybaha isbitaalka ee laga hirgaliyay Mashruuca Solar System-ka kaasi oo bukaano badan ka caawiyey in ay helaan oxygen kufilan, isla markaana suura-galiyey in adeegyada isbitaalku bixiyo noqdaan kuwo joogta ah.

Mas’uuliyiinta WHO oo ugu dambeyn la geeyay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay wasiirka Caafimaadka Galmudug, Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo  madaxda Xafiisyada Wasaaradda oo goobta kusoo bandhigey warbixin dhameystiran oo ku saabsan guulaha laga gaarey maareynta COVID19 iyo gaabisyada jira oo ay wasaraddu ka dalbatey WHO in ay ka soo jawaabto dalabaadyada hore loogu diray.

Madaxda WHO oo intii kulankan uu socday ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay ayaa tilmaamey in ujeedka safarkoodan yahay qiimeynta howlaha socda iyo in laga jawaabo dhamaanba gaabisyada jira ee u baahan in la iska kaah-shado dhameystirkooda, iyagoo  si gaar ah u bogaadiyay hannaanka wacyigalinta iyo heerka qaadashada talaalka COVID19 ee Galmudug oo ay xuseen in juhdiga lagu bixiyay yahay mid muuqda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...