Madaxweynaha Puntland oo taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Kaah kala Qeyb galay isu soo baxa Koowaad ee ururk “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Deni, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo safar shaqo ku yimi Qardho ayaa maanta taageerayaasha Ururka KAAH kala qeybqalay isu soo baxa koowaad ee maalmaha ololaha doorashadda.

Madaxweynaha ayaa markii uu Qardho soo gaaray qaatay kaarka codbixiyaha si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomaysa Qardho, Ufeyn iyo Eyl , 25- October 2021.

Intaasi kadib, Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu taageerayaasha KAAH kala qeybgalay isu soo baxa koowaad ee ololaha doorashada Ururka.

Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay taageerayaasha Ururka KAAH, wuxuu uga mahadceliyay sida ay cududooda u muujiyeen iyo in ay door muhim ah ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo ah marxalad cusub oo Puntland gashay.

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay bulshada isu soo baxday, in Golaha deegaanka ee ay si Qof iyo Cod ah ku doortaan uu noqon doono mid wax badan ka bedelan kuwii hore oo hurmar u horseedi doona, sidoo kale wuxuu xusay in KAAH ay fursad siisay dadka barakacayaasha ahaa oo hadda Ururku u soo sharaxay ka mid noqoshada  golaha deegaan degmada Qardho.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, Golaha fulinta, xubnaha golaha dhexe ee Ururka KAAH iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho, Iyadoo sidoo kale isu baxyo kan la mid ah uu Ururku maanta ka sameeyay magaalooyinka Eyl iyo Ufeyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....