Home Blog Page 715

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo tacsiyeeyay geerida kutimid Allaha unaxariistee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis)

0

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobalaeedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida kutimid Alle ha unaxariistee jilaagii Soomaaliyeed Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

wuxuu ahaa shakhsi si’weyn looga yaqaanay dhulka Soomaaliyeed waxweynna kusoo kordhiyay suugaanta iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tacsida la wadaagay  dhammaan umadda Soomaaliyeed, Bahda Fanka Soomaaliyeed, ehelladii, qaraabadii, Asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, wuxuu Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, su’aasha qabrigana u sakhiro, sabir iyo iimaanna inaga siiyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay taliyaha ciidammada lugta Uganda “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho. Ayaa uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya.

Horjooge katirsanaa kooxda Argagixisada Al-shabaab oo isku soo dhiibay laamaha Amniga Hirshabeelle “SAWIRRO”

0

Horjooge katirsanaa kooxda Argagixisada Al-shabaab ayaa Maanta isu soo dhiibay laamaha Amniga hirshabeele,ee ka howlgala Magaalada jowhar.

Horjoogahaan ayaa lagu magacaabaa, Xasan Axmed Muxamuud oo ah magaciisa Afgarashada (Xasan dheere) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ow ku qabay intow kamid ahaa iyo sida ay ugu suurta gashay inow gacantooda kasoo baxo.

Afayeenka Booliska Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Diini Rooble Axmed ayaa ugu baaqay dhallinyarada argagixisada, marin habaabiyeen in ay iskaga soo baxaan si ay u helaan adeegyadii kala duwanaa oo ay u baahnaayeen. Laguna soo dhaweeyn doono goobkasto oo ay joogaan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddiga doorashada xubnaha Somaliland oo shaaciyey dib u dhac doorasho

0

Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in berri ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato.

“Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.
Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September, balse waxay doorashadu hada dib u dhacday waqti aan la cayimin.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la yeeshay qaar kamida bulshada reer Garoowe “SAWIRRO”

0

Wasiirka Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa dad-weynaha kula hadlaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland, kullanka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta deegaanka, madaxda ururrada siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada , iyadoo su’aallo laga waydiiyay wasiirka maamulka deeqaha dalka, horumarinta qorshaha Qaranka iyo xaaladda guud ee Dalka.

Madaxweyne Deni oo qaabilay guddiga Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay guddiga u qareemayaasha Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sidii Haweenku uga heli lahaayeen kooto ku filan Baarlamaanka, waxaana Guddigu uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland fursada uu Dowlad Goboleedka Puntland kasiiyay Haweenka iyo sida uu kooto uga siiyay xubnaha Aqalka Sare ku metala Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay guddiga kaalinta ay Haweenku ku leeyihiin dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Dowlad Goboleedka Puntland ay tixgelinayso kootada Haweenka.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gabale oo hoggaaminaysa Guddiga, xubno guddiga ka mid ah, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland.

Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed oo kulan la qaatay dhalinyarada Gobolka Bari

0

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay dhalinyarada Gobolka.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa isku xirka dhalinyarada iyo maamulka Gobolka, la shaqeeynta laamaha amniga, u qareemida dhismaha Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Bosaaso, Iyo sidii ay dhalinyaradu iskugu xirnaan lahaayeen hal meelna uga soo wada jeesan lahaayeen hormarka Gobolka Bari.

Waxa ka soo qeyb galay kulanka Xildhibaan Sharmaarke Ali, taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, qeybo ka mid ah Isuduwayaasha Wasaaradaha ka howl gala Gobolka, haween, dhalinyaro iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda,

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna dhalinyarada kala hadlay in ay la shaqeeyaan Dowladda kana shaqeeyaan hormarka Gobolka Iyo sidii loogu qareemi lahaa garoonka kubada Cagta ee Magaalada Bosaaso sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka Gobolka Bari.

Wasaaradda Haweenka Galmudug oo Cadaado kubatay kulan looga hadlaayo Doorka Haweenka ee kaqeybgalka Siyaasada

0

Wasaaradda haweenka iyo xaquuqul insaanka Galmudug ayaa magaalada Cadaado ku qabataya Aqoon is weydaarsi kusaabsan doorka ka qeybgalka daneeyayaasha doorashooyinka 30% ee  qoondada haweenka

Kudhawaad 60 qof oo laga sookala xulay uruurada hooyoyinka dhalinyarada culuma udiinka booliska iyo odoyaasha dhaqanka magaalada Cadaado ayaa kasoo qeybgalay waxeyna falaqeyeen Aragtidooda ku aadan Qoondada hawenka ee doorashiiyinka Dalka.

Duraan Goodir Xoghayayaasha maamulka degmada Cadaado ayaa ugu horeyn daahfuray aqoon isweydarsigan isagoo sheegay in kamaamula ahaan ey kashaqeyn donaan sidii ey hawenka kuheli lahayeen Qoondadooda.

Qaar kamid ah Dadka kasoo qeybgalay aqoon isweydaarsigaan ayaa dhankooda ka aragti dhiibtay.

Marwo Ubax Xuseen Dhiblaawe Wasiirka  wasaarada Haweenka iyo xaquuqul insaanka Galmudug ayaa ugudambey sooxirtay aqoon isweydarsigan.

MADAXWEYNE DANI OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA BEESHA CAALAMKA “SAWIRRO

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Midowga Europe, Midowga Africa iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya  Per Lingarde .

Madaxweynaha iyo wakiilada beesha caalamka ka socday ayaa ka wada hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada taariikhiga ah ee Puntland ka dhacaysa ee hal cod iyo hal qof, doorashada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

“Wuxuu ahaa kulan muhim ahaa oo kusoo aaday wakhti ku haboon, marxaladda cusub ee Puntland gashay oo doorasho hal qof iyo hal cod ah u dareertay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

James Swan Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hoggaaminayay wakiilada ka socday Beesha caalamka, ayaa dadka reer Puntland iyo Shacab ugu hambalyeeyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo maanta ololihii ururadda siyaasadda ka bilowday Qardho, Ufeyn iyo Eyl, degmooyinkaasi oo 25-ka October 2021 ay ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya sida amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaana Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wakiillada Beesha Caalamka ay si qota dheer uga wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha Doorashada Soomaaliya.

“Waxaan aad xoogga u saarnay sidii xal looga gaari lahaa sidii ay u qabsoomi lahayd Doorasho ku dhacda Jawi degan, oo nabdoon oo laga gudbo dhammaan caqabadaha hadda hareeyay ee hortaagan, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee jira iyo kuwa farsamo ee imaan kara ama taaganba, waxaan aad u rajeynaya in dalka Soomaaliya hore u tallaabsan doono, doorashadana wakhtigeeda ay noqon doonto hadii alle idmo , caqabadaha jirana runtii dadka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya beesha caalamka ee ay qaybta ka yihiina , ay xallin doonaan hadii illaahay idmo si hore loogu socdo. Waxaan rajeynaya in Isbedelka dadka Soomaaliyeed ay sugayaan iyo deganaansho nabad u horseeda inuu abuurmi doono hadii alle idmo” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland wuxuu boggaadiyey mashaariicda ka qabsoomay Puntland “Waxaan ku faraxsanahay waxyaabihii qabsoomay sanadka lagu jiro oo Hay’addaha iyo ururada deeqda bixiya , ee ay ugu horeyso Midowga Europe, Wadamada Sweden ay gacanta ka geysteen mashaariicda socota iyo guud ahaan Hay’addaha UNKa ah ee halkan ka howlgala , waxaan rajeynaya in ay muhim aheyd waxyaabihii qabsoomay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xgeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.