Sawirro: Wasiirka Beeraha XFS oo dhagax-dhigay dib u dhis lagu sameynayo xarumihii wasaarada

Date:

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa dhagax dhigay mashruuca wejiga Seddexaad ee dhisamaha xaruunta dhexe ee wasaaradda Beeraha ee degmada Hodan

Dhagax dhiga Mashruucan oo noqonaya wejiga Sedexaad waxaa dib loogu dhisi doonaa laguna dayactiri doonaa qeybihii ugu dambeeyay ee dhismaha Xaruunta dhaxe ee Wasaaradda Beeraha, iyadoo goobaha la dhagax dhigayna laga dhisi doono Maqaaxi lagu qaxweeyo, Baqaaro lagu xareeyo agabka Wasaaradda iyo goobo kale oo muhiim ah.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaaradda Beeraha Axmed Cilmi Waasuge ayaa sheegay In Barnaamijkan oo qeyb ka ah Mashruuca Taabagelinta dhaqaalaha waara iyo adkeysiga aafooyinka in uu maalgelinayo Bangiga horumarinta Africa oo soo marsiiyay Urur Goboleedka IGAD iyadoo ay fulineyso hey’adda Save the Cildren.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid Oo dhagax dhigay dhimaha mashruuca ayaa xusay In marka la dhameeyo  in ay  wasaarada kusoo kordhin doonaan horumar iyo hufnaan shaqo.

Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo kaashanaya FAO ayaa horey ugu guuleystay dhismaha wejiga kowaad iyo kan Labaad ee xaruunta dhexe  ee wasaaradda Beeraha oo ay hada ku shaqeeyaan madaxda iyo shaqaalaha , waxaana la filayaa in marka lasoo gabagabeeyo goobaha hada la dhagax dhigay in ay wasaarada kusoo kordhiyaan hufnaan shaqo iyo bilic. “In badan oo naga mid ah waxay doonayaan jawaabo ku saabsan waxa dhacay iyo sababta dhacdadan foosha xun,” ayuu yiri Damberg, sida ay kasoo xigatay TT.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...