RW Rooble oo Khudbad muhiim ah ka jeediyey munaasabadii Afisyooni (Daawo)

Date:

Maanta waxaa Muqdisho ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo waxaa la dhageysanayaa hadal jeedinta musharaxiinta 11-ka kursi ee Somaliland ku meteli doonta golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, hadal-jeedinta kadib, waxaa bilaabaneysa doorashada 11-ka kursi oo horay loogu qorsheeyey inay socoto mudo seddax maalmood ah.

Furitaanka munaasabadda hadal-jedinta Musharaxiinta waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay, waxuu fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada, waxuu soo hadal qaaday khilaafaadka jira iyo sida looga gudbi karo, waxuuna mar kale ku celiyey in cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil Faarax aysan xukuumadiisu gorgortan ka geli doonin.

Ra’iisul wasaare Rooble waxuu umadda u sheegay in wax-weyn aan loo qaadan khilaafaadka jira ee dhegahooda ku soo dhacaya, waxuu ku celiyey inuu u taagan yahay cadaaladda, waxuuna soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil, isagoo sheegay in kuwii dhibka u geystay ay daba-gal ku heyso maxamadda militeriga Soomaaliya.

Sidoo kale dhinacyada isdooranaya iyo guud ahaa madaxda Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul wasaaruhu xasuusiyey inay shacabkooda u cadaalad falaan, maadaama qof kasta uusan ogeyn goorta iilka la dhigi doono.

Dhanka kale Madaxda dowlad goboleedyada inta ay ku hartay kuraasta aan la dooran ee Aqalka Sare, sida Jubbaland, Galmudug iyo HirShabeelle ayuu ka dalbaday in deg deg ay u soo gudbiyaan xubnaha ku dhiman, si markii la dhameystiro doorashada xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga durba loo doorto guddoonka Aqalka Sare dalka.

Hadii ay taasi hir-gasho Aqalka Sare waxa uu noqonayaa hey’ada ugu horeysa ee dastuuri ah oo dhismaheeda la dhameystiro, waxuuna golahaan kolkaas xukuumadda ka saacidi karaa dhismaha hey’adaha kale ee doorashada aadaya.

Ra’iisul wasaare Rooble waxuu dadka reer waqooyi ku amaanay is doorashada iyo cadaaladda, isagoo ergada, guddiga doorashada, musharaxiinta iyo odayaasha reer Somaliland ee Afisyooni isku doonaya ka dalbaday inay cadaalad iyo calool furnaan ay wax ku qeybsadaan, tusaale lagu daydana u noqdaan dadka kale ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaare Rooble waxuu rijeynayaa in todobaadkaan la soo gabangabey doono doorashada Aqalka Sare ee dalka, isla markana deg deg loo guda geli doono doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-da

Deegaanada doowlad goboleedyada dalka kol hore ayey ka bilaabatay doorashada senatorrada Aqalka Sare ee Soomaaliya, Puntland oo noqtay dowlad goboleedkii ugu horeeyey ee soo dhameytiray xubnaha Aqalka Sare ee laga sugayey, waxay soo doortay 11-Senator. Koonfur Galbeed oo ku xigtay ayaa Iyana soo dhameystirtay 8-da xubnood ee laga soo doorto deegaanadaas, Galmudug waxay soo gudbisay 6-Senator waxaana ku dhiman 2-xubnood, HirShabeelle ayaa soo dooratay 6-kale waxaana ku hartay 2-xubnood, halka Jubbaland ay soo dooratay 4-Senator, afar kalena ay weli ku dhimantay.

Tirada guud ee golaha Aqalka Sare ee 54-Senator, 35 xubnood ayaa hadda dooran, waxaana dhiman 19-xubnood oo 11 ka mid ah haatan doorashdooda loo fadhiyo xarunta ciidamada cirka Soomaaliyeed ee Afisyooni.

Hoos ka daawo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...