Home Blog Page 713

Haweenka Hirshabeelle oo taageeray guddoonka cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle+(SAWIRRO).

0

Kulankani ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Haweenka Hirshabeelle ee ku nool magaalada Jowhar ayaa u jeedkiisu ahaa taageeridda guddoonka Baarlamaanka Hirshaeelle oo dhowaantaan ay doorteen Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulkaas.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka,iyo xaquuqul Insaanka Hirshabeelle, ayaa muddadi uu socday kulanka waxay haweenku diiradda ku saareen hambalyada guddoonka Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay ka rejeeynayaan ilaalinta xaquuqda Haweenka uu dhigayo Dastuurka Hirshabeelle.

Ugu horeeyn waxaa goobta ka hadashay Maryan Maxamed Kuuloow oo ka mid ah Haweenka Hishabeelle. waxayna hambalyo iyo bogaadin u dirtay guddoonka cusub ee Hirshabeelle.

Sacdiyo Maxamed Nuur oo ah siihayaha xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Haweenka Hirshabeelle ayaa sheegtay in guddoonka cusub ee Baarlamaaka Hirshabeelle ka rajeynayaan in u u dhowro xaquuqda haweenka Hirshabeelle.

Masuuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyey wafdi uu hogaaminayo wasiirka dastuurka XFS.

0

Wafdi uu hogaaaminaayo wasiirka Dastuurka Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Baay.

Wafdiga Wasiirka Waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soodhaweyay, Wasiiro, Xildhibaano Agaasimayaal iyo Howl-wadeena ka kala tirsan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka KGS.

Wasiirka Wasaradda Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abdiraxiin ayaa Wasiirka iyo Wafdigiisa ku soodhaweyay Baydhabo.

Soodhaweyn ka dib wafdiga ayaa loo galbiiyay qeybta Nasasha Garoonka Diyaaradaha Baydhabo halkaas oo si wadajir ah Warbaahinta ugula hadleen Masuuliyiinta labada Dhinac.

Xildhibaan Muumino Shiikh Cumar oo ah gudoomiye kuxigeenka Guddiga Madax Bannaan ee Dastuurka oo qeyb ka aheyd wafdiga wasiirka ayaa ka hadashey imashahooda Baydhabo waxayna xustay in howlo badan isla dhamistiri doonaa.

Wasiirka Dastuurka DFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ugu horeen ka mahadceliyey sida wanaagsan ee loo soodhaweyay wuxuuna ka warbixiyay ujeedada Baydhabo ay isaga iyo wafidiigsa usoo gaareen taasi oo ay tahay dhamestirka qabyo qoraalka Dastuurka dalka.

Aqoon isweydaarsi looga hadlayey qoondada haweenka ee siyaasadda dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

0

Xarunta Cilmi barista iyo hormarinta aadanaha ayaa muqdisho ka furtay tababar ku saabsan xaqiijinta qoontada haweenka ay leeyihiin labada aqal ee barlamaanka. 

Aqoon isweydaarsigaan ayay Xarunta Cilmi barista iyo hormarinta aadanaha ugu talagashay xoojinta qoontada loo asteeyay haweenka oo ah boqolkiiba sodon oo ay ku leeyahay labada qalka ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeyb-galay xildhibaano,Culumaa’udiin,bulshada Rayidka iyo masuuliyiinta xarunta.

Agaasimaha Xarunta Cilmi barista iyo hormarinta aadanaha Luul Salaad Ibraahim ayaa ka sheekeysay waxa loo qabtay kulamadaamn iyo heerarka ay soo mareeyn.

Nabadoon Cabduqaadir Xarago iyo Sheekh Cali Jawiis ayaa ku booriyay in kaliya haweenka loogu baahanayahay inay dhowraan sida diintu ugu ogoshahay iyagoo raacaya tilmaamaha saxda ee haweenka loo ogolyahay.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banana ee doorashoyinka qaranka iyo senator Samsam daahir Maxamed ayaa sheegay in cilada haweenka ay tahay inaan la tijaabin haweenka cilmiga u hogaaminta balse sanadaan dambey isbedel laga dareemayo.

Jadwalka doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo la soo saaray.

0

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa goordhow soo saaray jadwalka doorashada Madaxda Hirshabelle.

Gudiga ayaa shaaciyay Xiliga Rasmiga ah ee Jadwalka waxaana Araaji qabashada iyo diiwaan gelinta musharaxiinta ay dhacayaa maalmaha Axad iyo Isniin oo bisha November ku beegantahay 08-da iyo 09-ka bisha sida ku cad shaxda ay guddigu soo saareen.

Sidoo kale Maalinta Talaadada oo bishu ay ku beegantahay 10-ka ayeey xildhibaannadu dhageysan doonaan khudbadaha musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka halka 11-ka bisha oo ku beegan Arbacadana la qaba doono doorashada Guud.

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta waxaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle.

Hoos ka Akhriso.

 

Go’aan Dowlad KMG ah loogu dhisayo is-maamulka Tigreega oo la ansixiyay.

0

Aqalka sare ee Baarlamaanka Itoobiya ee looyaqaan “house of federation in ethiopia” ayaa maanta ansixiyay go’aan dowlad kumeel gaar ah loogu dhisayo is-maamulka Tigreega ee dalkaasi Itoobiya.

Qaraarkan uu Aqalka sare meel mariyay ayaa ka dhigan in la badalayo golaha fulinta iyo sharci dajinta ee gobalka Tigreega kaas oo hadda jira islamarkaana  la sheegay in aanay sharci ahayn.

Dowladda ku meel gaarka ayaa ka shaqeyn doonta dhisida xubnaha fulinta,meel marinta miisaaniyadda gobolka iyo diyaarinta doorashooyinka ismaamulka Tigreega.

Si kastaba Aqalka sare ayaa horay u joojiyay wada shaqeyntii maamulka hadda ka jira Dhulka Tigreega, waxayna ku tilmaameen kuwo aan dastuurka waafaqsaneyn.

Baarlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa+(SAWIRRO).

0

Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta kalafadhiga 1aad kulinkiisa 4aad ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabelle.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakim luqmaan Xaaji Muxumed, waxuuna ajendahu ahaa Ansixinta Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Golaha waxaa soo xaadiray ilaa 74 xildhibaan Cod qaadis gacantaag ah oo loo sameeyay Gudiga ayaa waxaa oggolaatay 71, halka 2 mudane ayaa diiday iyadoona 1 xildhibaan uu ka aamusay, waxaana sidaasi ansax ku noqday Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle.

Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle ayaa waxaa horyaalla sameynta jadwalka doorashada, iyadoona dhawaan la filaa iney ku dhawaaqaan jadwalka doorashada inkastoo waqtigu uu koobanyahay.

 

Madaxii Shaqaalaha Aqalka Cad ee Maamulka Trump Mr Mark Meadows ayaa laga Helay cudurka Covid 19.

0

Madaxa shaqaalaha aqalka cad ee Maamulka Madaxweyne Trump ayaa laga helay cudurka Corona Vires iyadoo Dalka Mareykanka laga helayo kiisas cusub la diiwaangalinayo kuwaasi oo la xaqiijiyay inta lagu gudajiray aafada Cudurkan.

Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan maamulka Trump ayaa jimcihii Warka Arrintan u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AP.

Cudurkan Covid-19 ayaa Dalka Mareykanka ku diley in ka badan 236,000 oo Mareykan ah illaa iyo sannadkan.

Dhanka kale Faahfaahin lagama bixin goorta uu madaxa shaqaalaha la soo dersay fayraska Cudurkan wallow haatan la shaaciyay in uu qabo Covid-19 waxaana intaasi lagu daray in la karantiilay,

Ugu dambeyntii Warbixintan ayaa timid maalmo uun ka dib markii Mr Meadows uu ka soo muuqday munaasabad ka dhacaysay Aqalka Cad isagoo ay wehliyaan dad badan oo aan xirneyn maaskaro taasi oo cabsi hor leh dhalisay.

Ayax ku habsaday islamarkaana xaalufiyay beero ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

0

Ayax fara badan oo gaaray gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku habsaday dhu beereedka ku yaalla gobolkaas, gaar ahaan degmada Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga.

Ayaxa ayaa baabi’iyay dalagyada sanadkan la beeray Galeyda, Digirta, Sisinta iyo dalagyada kale ee ka baxa beeraha, wuxuuna sidoo kale baabi’iyey daaqsinkii xoolaha, taas oo ay ka dhalan karto dhibaatooyin cunna yari.

Malaaq C/llaahi Suleymaan Cumar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in iyadoo ay ku dhibanyihiin fatahaada webiga shabeelle uu ka geystay deegaanka iyo cudurada ka dhasha, hadda ugu darsantay Ayaxa oo xaalufiyay dalagyadii ay beerteen.

Malaaq C/llaahi ayaa dowladda federaalka,maamulka Koofur galbeed iyo Hay’adaha samafalka ka codsaday in laga soo gaaro dadka ku nool Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga oo uu sheegay in beerihii ay tacbadeen qaarna fatahaada webiga ay goysay kuwa kalena Ayaxu xaalufiyay.

Ayaxa ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay wuxuu soo gaaray gobolka Shabeellaha dhexe balse hadda wuxuu usoo talaabay shabeellaha hoose,waxeyna dadku wajahayaan xaalado adag oo fatahaadu qeyb ka yihiin.

Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta lagu wado in kulankoodii caadiga ahaa Muqdisho uga furmo.

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya xarunta kumeel gaarka ah (KMG) ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa ah dhagaysiga warbixin ku saabsan saameynta uu cudurka Covid 19 ku yeeshay xaaladaha cunto soo saarka iyo nafaqada dalka iyo sidoo kale dhagaysiga warbixin ku saaabsan saameynta Covid 19 uu ku yeeshay ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Mudanayaasha golaha shacabka ayaa sidoo kale aqrinta 2-aad marsiinaya hindise sharciyeedka socdaalka socdaalka Soomaaliya, kaas oo in muddo ah ay ka shaqaynayeen hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda iyo hay’adaha kale ee sharcigaasi quseeyo.

Ku-simaha duqa Muqdisho oo kormeeray Waddooyin ay ka socdeen dadaallo dib u habeyn ah+(SAWIRRO).

0

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane, Axmed Xasan Iimaan ayaa xalay kormeeray waddooyinka waa-weyn ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay saameyn uu ku yeeshay biyo-dhiga Roobabkii ka da’ay Muqdisho, iyadoona Maamulka Gobolka Banaadir ay dib waddooyinkaasi ugu soo celiyeen isu-socodkii caadiga ahaa kadib markii laga dhuray biyihii halkaasi yaalay.

Waddooyinka xalay uu booqday Ku-simaha ayaa waxa ay kala ahaayeen Waddada weyn ee xiriirisa Dekada Muqdisho illaa KM4, Waddada Xiriirisa KM4 illaa Airportka Muqdisho, Waddada Ceel Qalow ee Degmada Wadajir iyo Waddada Daalo ee Degmada Howlwadaag, kuwaasi oo hadda isu-socodkoodu caadi kusoo noqday iyadoona hadda ay shaqo ka socoto waddooyin kale oo ay biyo dhigeen Roobabkii ka da’ay Caasimadda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa warbaahinta u sheegay in ka-sakow biyo qaadista ay Magaalada ka wadaan gurmadka dadka danta yar ee dhibaatooyinka kasoo gaareen roobabkii ka da’ay Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay xoogga saaray la tacaalida dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii ka da’ay caasimadda dalka ee Muqdisho,kuwaas oo saameyn ku yeeshay isu socodka magaalada iyo dadka danta yar ee ku nool kaamamka barakacayaasha.