Home Blog Page 713

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Qoor Qoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdigaas waxaa Madaxweyne Qoor Qoor ku wehliyey Senatorro iyo Xildhibaano heer federaal ah oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Kulamo u dhaxeeya madaxda Galmudug iyo mas’uuliyiinta kale ee ka tirsan dowladda federaalka ee maanta gaaray Dhuusamareeb ayaa caawa ka socda magaalada.

Magaalada Gaalkacyo oo laga daah furay Jaamacad Cusub “SAWIRRO”

0

Kulan lagu dhiiro galinayay Kobaca Waxbarasho ee sanadahaan ka hano qaaday Gobolka Mudug aya  lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo iyadoo sidoo kale lagu xarig jaray Jaamacad.

Xafladda furitaanka Jaamacadda Daaha International ee Gaalkacyo ayaa qeyb ka ah kobaca Waxbarasho ee sanadahaan kahana qaaday Gobolka Mudug waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo inta badan Culumada Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha golaha sare Cabdiraxmaan Saylici ayaa sharaad ka bixiyay Fursadaha jaamacadu u hayso Bulshada reer Gaalkacyo iyo baahida looqabay.

Maayarka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, Sahal Nuure, Kormeerka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee Gobolka Mudug iyo Guddoomiyaha Maxkmadda Gobolka Mudug Cabdirisaaq Cali Yuusuf ayaa ugu baaqay Bulshada Gaalkacyo inay ka faaidaystaan Jaamacadaan laga daah furay Magaalada.

Sh Abuukar Xasan Maalin oo ka mid ah Aasaasayaasha Jaamacadda ayaa ka hadlay muhiimada ay waxbarashadu u leedahay Aadanaha iyo in ay muhiimtahay in goobaha tacliinta laga hirgaliyo dhamaan gobolada Soomaaliya.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay Maamulka Macaahidda lagu barto Shareecada Islaamka

0

Agaasimaha TVET ka ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Muktaar Cali ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Maamulka Macaahidda lagu barto Shareecada Islaamka.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa horumarinta iyo tayaynta Waxbarashada macaahidda iyo xoojinta xiriirka wadashaqeyneed ee Agaasinka iyo maamulka macaahidda.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir wuxuu u taaganyahay had iyo goor tayaynta iyo horumarinta Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Uganda “SAWIRRO”

0

Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa kulan la qaatay maanta Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Uganda Mudane Alhaji Abubakar Jeje Odongo, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka arrimaha dibadda Uganda ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xariirara ganacsiga labada dal, socdaalka, tababaro la siiyo diblumaasiyiinta iyo xaaladda Soomaalida ku nool Uganda iyo amniga guud ee ee gobolka geeska Afrika iyo sameynta guddi joogta ah oo wadareed ah oo ka shaqeeya xariirka labada dal (JPC)

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Cagabaruur ayaa Wasiirka kala hadlay in wax laga qabto arrinka socdaalka Soomaalida ee Uganda imaanaya iyo sidii loogu fududeen lahaa dhanka socdaalka oo ugu horreeyo dal ku galka labada dal.

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay xaaladda Soomaalida Uganda ku nool oo ah jaaliyad ballaaran oo ka muuqata gudaha dalkan Uganda loona fududeeyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ayna ugu horeyso daganaashaha shaqada, ardaydnimada iyo IWM.

Wasiirka arrimaha dibadda Uganda Alhaji Abubakar Jeje Odongo ayaa isagana dhankiisa soo dhaweeyay qodobada laga hadlay,isagoo xusay in dhawaan Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda kasoo saari doonto go’aano waxii maanta labada mas’uul ka wada hadleen.

Wasiiir Jeje ayaa balan qaaday in dhawaan u diri doonaan Macalimiin tababar ka bixin doona machadka tababarka Diblumaasiyiinta Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa waday maalmahan kulamo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dalka Uganda, iyadoo kulamaas ujeedadooda ahayd sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidamada NISA, Duufaan, Booliska gaarka ah ee Haramacad iyo Ciidanka Xoogga ee Gorgor ayaa howlgal wada jira ka fuliyay tuuloyinka saaran Wabiga Shabeellee sida Laanqeerta, Tokiyo, Ceelshalle, Beerta Cali Mahdi iyo Boolo Fooliyo. Sidoo kale waxaa goobtaas ku taalay Maxkamad macmala oo Argagixisada Al-Shabaab lahaayeen, taasi oo ay bur buriyeen ciidamada, waxaa hawlgalkaas lagu soo qabtay xubno ka tirsan Argagixisada oo dadka masaakiinta ku dhibaataynayey deegaanadaas. Ujeedka howlgalka ayaa ahaa sidii tuulooyinka ku teedsan Webiga Shabeelle looga cirib tiri lahaa argagixisada Al-Shabaab.

0

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta daahfurtay barnaamij loogu magac daray ‘GACALO GABADHEYDAAY’ oo lagu qabtay xarunta QAMAR EE HORUMARINTA HAWEENKA waxayna sheegtay in uu muhiim u yahay barnaamijkaan guud ahaan gabdhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha dhibaatada badan kala kulmo Gudniinka.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiirada Wasaaradaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, Wakiilka Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Barnaamijkaan waxaa ka soo shaqeeyey Ifraax Axmed iyo Ifrah Foundation, kaas oo ku soo aaday xilli baahi badan loo qabo in la hirgeliyo xaruntan.

Ciidamada Ammaanka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay tuulooyin ku teedsan Webiga Shabeelle “SAWIRRO”

0

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidamada NISA, Duufaan, Booliska gaarka ah ee Haramacad iyo Ciidanka Xoogga ee Gorgor ayaa howlgal wada jira  ka fuliyay tuuloyinka saaran Wabiga Shabeellee sida Laanqeerta, Tokiyo, Ceelshalle, Beerta Cali Mahdi iyo Boolo Fooliyo.

Sidoo kale waxaa goobtaas ku taalay Maxkamad macmala oo Argagixisada Al-Shabaab lahaayeen, taasi oo ay bur buriyeen ciidamada, waxaa hawlgalkaas lagu soo qabtay xubno ka tirsan Argagixisada oo dadka masaakiinta ku dhibaataynayey deegaanadaas.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa sidii tuulooyinka ku teedsan Webiga Shabeelle looga cirib tiri lahaa argagixisada Al-Shabaab.

Dugsiga GEN.CARAYS ooTabarbar loogu soo xiray Dufcadii labaad oo ka tirsan Ciidamada Daraawishta Puntland “SAWIRRO”

0

Muunasabada soo xirtaanka Tababarka waxaa ka soo qeybgalay Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliye Xigeenka Labaad ee Ciidanka Daraawiishta, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidmadda,Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Senator Maxamed Cali Yusuf Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Kan Gobolka Mudug.

Sidoo kale Ciidamadan Tabarbarka loo soo xiray ayaa ah Dufcadii labaad ee ka baxada Dugsiga Gen. Carays ee Godod waxaana ay qaateen Tabarbaro,isugu jira, khibrada Goobaha dagaalka, habka laysu Difaaco, Akhaalqda Ciidanimo, Caawinta bulshad Iyo casharo kale oo dhanka Ciidamada ah.

Dhinaca kale Guutadan Tababarka loo soo xiray ayaa loo Bixiyey Guutada 13-aad ee Dhifsade, waxaana ay goobta ku soo bandhigeen Cashaaradii ay qaateen oo ahaa kuwo aad loogu riyaaqay Puntland,uu hoggaaminayo Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa horumar ka samaysay dhismaha Ciidamada kala duwan ee Puntland.

Ugu Dambayntii Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa bogaadiyey Ciidanka Tabarka loo soo xiray waxaana uu sheegay in ay xuquuqdooda ay u helayaan si joogta ah Dowladdana ay ka Go’antahay Tayeynta iyo dib u habaynta Ciidanka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulan kula qaatay Aaladda Foggaan arag qaar kamid ah Wasiirada Maaliyadda Afrika “SAWIRRO”

0

Maanta waxa aan ka qeybgalay shir aad iyo aad muhiim u ah oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Afrika iyo Maamulaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF. Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay guddiga dhaqaalaha UN-ka ee Afrika.

Waxa aan ka doodnay sidii looga soo kaban lahaa saameynta dhaqaale ee xanuunka safmarka ee COVID-19, Qaarad ahaan iyo dal ahaan.

Hey’adda IMF waxa ay ka taageereysaa saameynta iyo dhibaatada dhaqaalaha dalal badan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Ganacsato Soomaaliyeed oo $10,000 ugu deeqday dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda

0

Midowga ganacstada Soomaaliyeed ee qalabka dhismaha ee dalka Uganda iyo Koonfurta Suudaan ayaa maanta deeq lacageed oo ay kaga qeyb-qaadanayaan dhismaha Safaradda Soomaaliya ee dalka Uganda waxay ku wareejiyeen Safaradda Soomaliya ee dalka Uganda.

Deeqdaas lacageed ee maanta lagu wareejiyey safaaradda Uganda waxay gaareysay 10,000 oo dollarka Maraykanka ah.

Xaflad kooban oo ay deeqda lacageed ku wareejinayeen ganacsatada ayaa ka dhacday magalada Kampala, waxaana ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud iyo la-taliyaha 2-aad ee Safaradda Cali Khadar.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Amb. Cali Cagabaruur oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa uga mahadceliyay ganacsatada deeqda lacageed oo soo gaarsiiyen Safaradda, taas oo wax badan ka tari doonta dib u dhiska Safaradda oo maraya meel muhiim ah.

Maamulka G/Banaadir iyo Wasaarada Diinta oo wadajir xariga ugu jaray dhismaha cusub ee maxkamada D/Xamarweyne

0

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) iyo Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cismaan Baari oo ay wehliyaan Culimo ka socday Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa si wadajir ah xariga ugu jaray Dhismaha Cusub ee Maxkamada Degmada Xamarweyne.

Sidoo kale Mas’uuliyiintaan ayaa xariga ka jaray Dhismooyin kale oo lagu soo kordhiyay Xarunta Degmada Xamarweyne oo ay ka mid yihiin Masjid iyo Xafiisyo Bixinaya Adeeg Arrimo Bulsho, si Shacabka ku dhaqan Degmada Xamarweyne ay u helaan Adeegyada Aas-aasiga ah.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir ayaa sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii Bulshada ku dhaqan Caasimada ay xaafadahooda ugu heli lahaayeen Adeegyada Aas-aasiga ah oo ay u baahanyihiin, Adeega Garsoorkuna uu qeyb ka yahay waxyaabaha daruuriyaadka u ah Bulshada, si ay u helaan Cadaalad iyo Garsoor.

Daadejinta Adeegyada kala Gedisan ayaa waxa uu qeyb ka yahay Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir.