Barnaamijka Weydii Dhaqtarka waxaa Todobaadkan Marti ku ah Dr Naaji Cismaan Yuusuf waxaana looga hadli doonaa Cudurka Macaanka ama Sonkorta hadaba waxaa ku jira Macluumaad Badan ee ka faa’ideyso.
Halkan ka Daawo.
Xildhibaannada Golaha shacabka ee Barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa berri oo isniin waxa ay kulan weynaha golaha ku yeelan doonaan xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.
Golaha ayaa waxaa ay doodi doonaan ajandayaaasha kala ah.
U codeynta xubnaha guddiga adeega garsoorka iyo sidoo kale u codeynta xubnaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.
Ajandaha kale ayaa ah akhrinta sedexaad ee hindise sharciyeedka notaayooyinka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan golaha barlamaanka kula dar daarmay in xoogga la saaro dar dargalinta howlaha uharsan golaha maadaama uu waqtiga u aharay golaha uu gabaabsi yahay lagana rabo in la dhameystiro howlaha horyaala.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud,dib u dhiska iyo guryeynta Dowlad goboleedka K/galbeed Yuusuf Wadani ayaa warbixin ku saabsan shaqada Wasaaradda siiyay golaha deegaanka degmada Xudur oo uu kula kulmay degmadaasi.
Sidoo kale, xubnaha golaha deegaanka ayaa agaasimaha Su’aalo ka weydiiyay qorshaha wasaaradda uu soo bandhigey iyo daadejinta adeegyada Wasaaradda ay bixiso.
Dhowaan golaha wasiiradda Dowlad goboleedka Konfur galbeed waxay ansixiyeen sharciga dhulka oo ay soo diyaarisey wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska Koonfur galbeed oo hadda horyaala Baarlamaanka, kaas oo looga fadhiyo in ay meel mariyaan, ansixinta sharciga ka dib waxa la sameyn doonaa guddiga maamulka dhulka oo xarun looga dhisayo degmada xuddur.
Markii uu soo dhammaaday shirka golaha deegaanka waxa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed iyo Agaasimaha wasaaradda Howlaha Guud dib-u-dhiska iyo guryenta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Yuusuf Wadani.
Iyadoo la fulinaayo awaamiirti madaxweynaha maamulka K/galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, taas oo ahayd in dhammaan adeegyada wasaaradda ay bixiso la daadajiyo lana gaarsiiyo min gobol ilaa tuulo.
Dowladda Mareykanka ayaa canbaareysay weerar gantaalo ah oo TPLF ay ku garaaceen magaalada Asmara ee xarunta Eritrea.
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee afrika Tibor Nagy ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid aan sabab loo yeelan karin oo aan la aqbali karin.
Wuxuu kaloo ku tilmaamay tibaabo ay TPLF dagaalka kaga dhigeyso mid caalami ah .
Tibor ayaa ku baaqay in dadka rayidka la badbaadiyo colaadana dhaqso loo joojiyo.
Kooxda TPLF ayaa xalay 3 gantaal ku dhuftay Asmara mana jirin qasaaro ay geysteen
Howlgal Uu Hogaaninayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G\Sare Xuseen Cali Maxamuud Ayay Ciidmada Booliska Gobalka Bari Ka Sameyeen Buuraha U Dhexeeya Bosaaso Ilaa Dagmada Carmo Ee Gobalka Bari Waxana Uu Ahaa Howlgal Qorsheesnaa Sidoo Kalle Howlgalka Inta Uu Socday Ayay Ciidamada Booliska Gobalka Ay Sameenayeen Baaritaano La Xiriira Gadiidka Soogala Bosaaso Iyo Kuwa Ka Baxa.
Howlgaladaan Ay Sameeyeen Booliska Gobalka Bari Ayaa La Xiriiray Xoojinta Amniga Guud Ee Gobalka Xilli Dhawaan Bosaaso Ay Martigalin Doonto Doorashada Xilibaanada Cusub Ee Dowlada Dhexe Soomaaliya.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuuseen Cali Maxamuud Shacabka Ka Codsaday In Doorkooda Ka Qataan Xaqiijinta Amaanka Isagoo U Mahadceliyay
Shacabka Gobalka Bari Ayaa Howlgalkaan Ku Tilmamaay Mid Guul Ah Oo Ciidmada Ay Uga Mahadcelinayaan.
Safiirka ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta iyadoo ay wasiirka iyo safiirku ka wada hadleen qaabka loo mataaneyn lahaa Warbaahinta labada Dal.
Halkaan ka DAAWO Muuqaalka.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhinayo Madaxtooyada kuwaasi oo meel wanaagsan maraya iyo sida ay u socoto horumarinta bilicda xarunta Madaxtooyada.
Madaxweyne Axmed Karaash ayaa xarumaha uu kormeeray waxaa ka mid ah dhismaha hoolka shirarka, qaabka casriga ah ee loo dhisayo qeybta soo dhaweynta martida, dhismeyaasha xarumo kulan oo cusub iyo beerta nasashada ee xarunta Madaxtooyada taasi oo kor uqaadeysa bilicda Qasriga Madaxtooyada.
Koormeerka waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Madaxtooyada Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi, oo la wadaagay Madaxweyne ku-xigeenka warbixinta shaqada dhismeyaasha ka socda xarunta madaxtooyada oo meel gebogebo ah maraya.
Maamulka gobalka Banaadir ayaa bilaabay wajigii labaad ee bilic soocelinta waddooyinka caasimadda,wajiga hore ayaa ah nadiifinta carrada ay keneen biyaha roobka si magaalada Muqdisho ay u noqoto magaalo bilicsan,
Agaasimaha waaxda Nadaafada gobalka Banaadir shar’ma’arke caddow oo warbaahinta la hadalay ayaa shacabka caasimadda Muqdisho ugu baaqay ka qayb qaadashada bilic soo celinta waddooyinka oo uu samayn ku yeeshay roobkii dhawaan ka da’ay magaalada
“waxan u gudubnay qaybtii labaad ee ah in cararda an ka nadiifinno waddooyinka oo ay keeneyn Roobaka waxana intaa u sameyneynaa in bilicdii caasimada dib u soo laabato ayuu yiri agaasimaha waaxda Nadaafada gobalka Banaadir
Agaasimaha waxa uu sido kale digniin u diray ganacasatada iyo dhammaan shacabka gaar ahaa dadka qashinka ku shuba wadooyinka muqdisho waxa uu tilmaamay in an la aqbali dooni arintaa cidii lagu arkaana ay ka qaadi doonaa Tilaabooyin isugu jiray xarig iyo ganaax lacageed.
Maamuka gobalka Banaadir aya wada da daallo uu dib ugu soo celinayo bilicdii waddooyinka caasimadda Muqdisho oo samayn Taban ku yeeshay roobabkii da’ay
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa caawa magaalada Muqdisho waxa uu ka bilaabay wajiga Labaad ee bilic soo celinta caasimada iyada oo shaqada Markan Laga qabanayo carada wadooyinka magaalada ay biyaha Roobka Keenaan si magalada Muqdisho ay u noqoto magaalo bilicsan Xagga nadaafada.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumariunta Dhaqalaha XfS, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta la saxiixday laba heshiis oo lagu caawinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dhiirrigeliyo maal-gashiga gudaha iyo kan Ajaanibta IFC oo xubin ka ah WorId bank Group,
Hadafka ugu weyn ee heshiiskan waxa ay tahay horumarinta adeegyada bulshada, abuurista shaqooyin iyo kobcinta dhaqaale ee dadka Soomaaliya.
Heshiiskan, oo ah kii ugu horreeyay ee ay kala saxiixdaan IFC iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa uu bixiniyaa khariidad waddo oo lagu horumarinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, taas oo loo arko inay fure u tahay mustaqbalka dhaqaale ee dalka.
Heshiiska ugu horreeya, oo ay la saxiixtay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa lagu arki doonaa IFC oo saraakiisha kala talin doonta dib-u-habeyn sharci oo taxane ah oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo maal-gashiga gaarka loo leeyahay ee Tamarta, Tikniyoolajiyadda Isgaarsiinta Macluumaadka, iyo qeybaha kaabayaasha Warshadaha.
Maalgashigaas waxaa loo arkaa inay muhiim u yihiin hagaajinta adeegyada bulshada ee Dalkeena, Heshiiska labaad ee u dhexeeya IFC iyo dowladdu wuxuu wax ka qabanayaa jawiga sharciyeynta ganacsiga wuxuuna gacan ka geysanayaa kobcinta hufnaanta ganacsiga.